Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Beledweyne

0
543

Picture3Muqdisho(Geeska)-Qarax ka dhacay magaalada Baladweyne ee dalka Somaliya, maqaayad ku dhow xarunta maamulka iyo saldhig boliis, ayaa wararka ay sheegayaan in dad badan ay ku dhinteen kuwo kalena ku dhaawacmeen.

Ugu yaraan 15 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan kadib markii qof is-miidaamiyay uu isku qarxiyay makhaayad ay fadhiistaan ciidamada Ethiopian iyo Soomaali ah oo ku taalla meel u dhow xarunta gobolka.

Qaraxan ayaa dhacay abaarihiii 11-kii barqanimo. Bashiir Xuseen Dhoore, guddoomiye kuxigeenka Baladweyne ayaa sheegay in 15 qof ee dhintay ay kala ahaayeen 7 ka tirsan ciidamada dowladda, 7 shacab ah iyo qofkii is-qarxiyay.

Qaraxan ayaa la sheegayaa inay ku dhaawacmeen in ka badan 34 qof oo toddobo ka mid ah ay ku sugan yihiin xaalad halis ah.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda qaraxan oo ay sheegeen inay ku bartilmaameedsanayeen ciidamada Ethiopia ee ku sugan magaalada Baladweyne. Sarkaal u hadlay al-Shabaab ayaa sheegay inay qaraxan ku dileen in kabadan 20 qof oo ay ku jiraan 13 ka tirsan askarta Ethiopia.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Ra'iisul-wasaarihiisa Cabdi Faarax Shirdoon, ayaa war saxaafadeed laga soo saaray xafiisyadooda waxay labaduba canbaareeyeen qaraxan ka dhacay magaalada Balaweyne.