Somaliland Oo Shalay Itoobiya Kala Wareegtay Tahriibayaal La Soo Celiyay

12
657

Hargeysa (Geeska) Laanta Socdaalka ee Somaliland ayaa Xuduuda Wajaale kala wareegtay Dawlada Itoobiya Tahriibayaal isku jira Reer Somaliland iyo Somaliya kuwaasi oo beegsanayey.

 Qaraada Yurub, tahriibayshan oo tiradoodu ahayd 33Qof ayaa waay iskugu jirneen Rag iyo Dumar, waxayna sheegen in laga soo qabtay Xuduuda u dhexeysa Dalalka Itoobiya Iyo Sudan.

Laanta Socdaalka ayaa Tahriibayasha Hargeysa keentay kuwaasi oo ay ku wareejisay Eheladii dadkaasi ay ka soo jeedeen halka kuwii somaliya ka soo jeedayna ay Dawladu iska fasaxday.

Munaasibad baladhan oo loo qabtay tahriibayaashasi ayaa waxa hadalo ka jeediyey wasiirka wasarada Shaqada iyo Arrimaha Bushada iyo taliyaha laanta socdaalka ee Somaliland iyo masuuliyiin kale waxayna dhalinyaaradii tahriibaysha ahaa ugu  baaqeen in dalkood ay aaminaan oo ay iska daayan tahriibka. Dhanka kale mid ka mid tahriibayaashasi la soo qabqabtaya ayaa sheegay in dhibaato badan kala kulmeen tahriibkii ay ku jireen.

Comments are closed.