Wadani Iyo UCID Oo Cadeeyay Inaanay Aqoonsanayn Guddiga Diiwaangelinta Ururada Siyaasada

0
452

Picture4Hargeysa(Geeska)-Labada sixbi mucaarad ee UCID iyo Waddani,ayaa si wada-jir ah ugu dhawaaqay in aanay ictiraafsanayn gudida diiwaangalinta ee uu madaxweyne Axmed Siilaanyo muddo xileedka u kordhiyay,iyaga oo cod midaysan ku sheegay in aanay la shaqaynayn,waxaanay madaxweynaha ugu baaqeen inuu sharciyada dalka ilaaliyo,isla markaasna meesha ka saaro haayadaha naas nuujinta ah.

Waxa ay sidan ku sheegeen labada xisbi mucaarad shir jaraa’id oo si midaysan ay ugu baqateen xarunta xisbiga UCID,waxaana labada xisbi u hadlay gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray iyo  Xasan Xuseen Codyare oo ku hadlay afka xisbiga Waddani.

Ugu horayntii gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray oo halkaas ka hadlay waxa uu yidhi “Qodabka ugu muhiimsan ee aanu shirkan jaraa’id u qabanay waxa weeye bal gudidan diiwaangalinta la yidhaahdaa micnaha ay leedahay,sharciyadeeda,waxii ay soo tartay iyo baahi ma loo qabaa inay sii jirto.waxaynu wada ognahay in aan markii horeba baahi loo-qabay aanay jirin in la abuuro gudida diiwaangalinta iyo kala saarida ururada inaga oo lahayn komishan doorashooyin oo xafiis kamid ah oo loo calaamadiyaa uu hawshaas ku filnaan lahaa,markii dawladu ku adkaysatayna qolyaha doorahsooyinkan inaga caawiyaa waxay yidhaahdeen inagu garan mayno waxan ay labada gudi qabanayaan,sababta loo samay’sanaayay iyo cidda samaysanaysay caadibaa loo garanayaa,oo may ahayn mid dan guud iyo mid qaran midna loo sameeyay,waxaana tusaale ah dadka loo xulay oo aan garanayno cida madaxweynaha u keentay ee u soo xushay,dadkaasuna waa dad loogu talo galay in talada looga yeedhiyo xaga danbe.”

Mujaahid Cali Guray oohadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Kharash badan ayaa ku baxay oo aanu qarankani qaadi karayn, maalin sadexdaas xisbi ay ugu dhawaaqeen natiijadii oo komishanku dhameeyay oo ay magacyada uun xaadiriyeen waa wax qabad,maalintii liiskana sax iyo qalad waxay soo saareen waa wax qabad,ilaa maalintii lagu dhawaaqay natiijadana jiritaankooda iyo kharashka kaga baxa umadda gudidaas waxa weeye mid aan loo baahanayn,sharciyadoodu waxay ahayd inay la dhamaadaan sidii gudidii hore  maalintay ururada ku dhawaaqeen, laakiin kuwan si looga dhigo abaal gud waxa looga dhigay laba sano oo danbe inay kirooyinkuna ku socdaan,kharashka iyo shidaalkuna ku socdo oo mushaharkooduna iska socdo.”

Ugu danbayntii gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga UCID waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday“Waxa dhammaaday muddo xileed koodii,xeerkii ay ku shaqaynayeen ee baarlamaanku dajiyay oo dhan ayaa meesha ka baxay,xilkii iyo hawlahoodiiba waxay si toos ah ugu wareegayaan sida xeerkaasu dhigaayo komishanka doorashooyinka.Iyaga iyo haayado kale oo badan oo qolada xisbiga Waddani uu ka-hadlaayay maalintii uu miisaaniyada ka hadlaayayba waa dhul dad la geeyay oo lagu naas-nuujinaayo oo mushahar iyo miisaniyad lagu qoraayo,dhaqaalaha yar ee islaamaha faraqooda ay ku guntanyahiin laga soo furaa miyay in rag lagu naas nuujiyo oo malaayin doolar loo qoraa ay ka go’daa,markaas waxaanu leenahay boqolkiiba boqol qaranka halaysku soo ururiyo oo sida baarlamaanku tilmaamay haayadaha aan loo baahnayan meesha halaga saaro,miisaaniyadoodana hala siiyo kuwa caafimaadka,kuwa nabadgalayda iyo macalimiinta wax inoo dhigta, kuwaas ayaa ka wanaagsan meelo hebelo lagu naas nuujinaayee.”

Md.Xasan Xuseen Codyare oo ku hadlay afka xisbiga Waddani ayaa isaguna dhankiisa waxa uu yidhi  “Nimankan xilkoodii waxa uu dhamaaday  4tii bishan, oo suuqa ayay joogeen,madaxweynahuna waxa uu leeyahay 13-kii bishan wakhtigii baan u kordhiyay,nin suuqa jooga ayuu u kordhiyay ee gudi diiwaangalin uma kordhin,sharciyana waa qalad oo hawshoodii way dhamaatay,baarlamaankuna miisaaniyadii waa uu ka saaray oo waxay noqotay haayadii wakhtigu ka dhamaaday, waxa u hadhay nimankaas xil wareejintii ay xilka ku wareejin lahaayeen komishanka doorashooyinka sida uu xeerku qoraayay,sida ay ugu wareejiyaan hantida qaranku leeyahay.”

Xasan Xuseen Codyare waxa uu hadalkiisa ku soo gunaaday in aanay gudidaas aqoonsanayn shaqana ugu tagayn “Waxa looga baahan yahay gudidaasi majiraan,waxaanu u dhiibanaynaana ma jirto, niman aanu aaminaynana maahaba,waxa loo soo celinaayo iyo waxa looga dan leeyahayna waanu garnaynaa,waa ku xumayn iyo shaadh nin toshay,shaadh nin toshayna xisbiyada dhex u noqon maayo oo ma aqbalayno,lacagtoodiina waatii baarlamaanku ugu kordhiyay mushaharka ciidamada qaranka iyo shaqaalaha,markaas miisaniyad u taalaana majirto, xil u yaalaana ma jiro, madaxweynuuna waa uu magacaabi karaa oo wasiiro ayuu u magacaabi karaa iyo ku xigeeno halkaas ayuu xaq u leeyahay,laakiin xafiis xidhmay waan u cusboonaysiiyay,halkuuu cusboonaysiiyay raga suuqa jooga ayay lamid yahiine,dalkana shaqo la’aan badan ayaa ka jirta oo nin aan waxa inoo qabanayan la naas-nuujiya waa xaaraan,waxii sharciga baalmarsan mayeelayno,madaxweynaana waajibkiisa koowaad waa inuu sharciga dalkan ilaaliyo,haduu sharciga ilaalin waayo kiisana la ilaalin maayo,labada xisbi mucaarad ahaan nimankaas uuyidhi waan soo celiyay anagu diyaar uma nihin,nooma jiraan,lama shaqaynayno,anagana meesha noo fadhiisan maayaan gurigiisa ha geeyo haduu doono.”