Suldaanka Guud Iyo Waxgarad Kale Oo Si Adag Uga Hadlay Dhul Ku Yaala Masalaha Hargeysa

0
608

IMG_1EF4F9-9E08F4-0ADFC8-7AA4F6-CEEC96-9752F8Hargeysa(Geeska)-Hoggaanka dhaqanka iyo haldoorka Bulshada Beelaha Ciidagale, ayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ugu baaqay inuu wax ka qabto Garoomo Dhalinyaradu ku ciyaari jirtay oo dad shacab ah laga Iibiyay.

Madaxdhaqameedka iyo waxgaradka kale ee halkaasi ka hadlay ayaa si adag u dhaliilay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka Sarreeye Gaas Ismaaciil Shaqale, oo ay ku eedeeyeen Iibinta dhulkaasi.

Gudoomiyaha Guddida Horumarinta Beesha Ciida Gale cabdirisaaq Maxamed Askar ayaa ugu horayn halkaasi ka hadlay waxaanu sharaxay dhibka jira “Arinka ugu wayn ee aanu Maanta ka hadlaynaa waxa weeyaan Dhibaatada ka taagan Xaafadda Masalaha oo Ciidan Millatari ahi Xoog ku haystaan,Waligayna Ciidan Xuduudaha ilaaliya Mooyaane Maan Arag Ciidan Joon-mitir Ah oo Dhulka Cabiraya, Dadkana Ka iibinaya, Waligay Anigu Maan Maqal Maanta ka Horow.dad danyar ah ayaanu Meesha ka qaad-nay oo aanu ku nidhi dhulkan dan guud ayaa laga dhigayaa,Meeshii dadkaas laga qaaday Hada sees ayaa lagu wareejiyay waxaana lagta iibiyay dad shacab ah”

Wasiirkii hore ee Caddaaladda Aadan Axmed Dhoolayare ayaa isna halkaasi ka hadlay waxaanu yidhi “Dhibaatada meesha taala waxa weeyaan Haddii Xukuumadu Qorshe u samayn waydo Dhalinyarada xaafada oo garoonkii ay kubada ku ciyaarayeen iibiso Tukaamo la Boobo daaye Wax la boobayaa Xafiis-yada Dawlada,Xafadan marka laga soo bilaabo calaamadaha ilaa Masalaha Iskuul dhexe kuma Yaalo,Xarun Caafimaad maleh suuq maleh meeshii la is yidhaa uga dhigana Waa laqaatay markaas waxaan leeyahay dadwaynaha,Anigu Nabad Galiyo Darada Majecli danta guud Ayaan u hadlayaa”

Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa isna halkaasi ka yidhi “Madaxwaynahu Meeshan shan guddi ayuu u diray Hadana Guddidaas uu u diro Kalsooni kuma Qabo oo markiiba Mid Kale ayuu ka daba Saraa,Madaxwaynaha oo meeshan indhihiisa ku arka mooyaane Cid kale ama gudi uu u saaro ka fiirsan mayso, waxaan leeyahay cidii Ciidanku ka iibiyeen dhulkan waxaan leeyahay meeshan haku soo lugu’in, Birihii Garoonka Haddii lagu celin waayo Maanta anaguna Habeenkaa caawa ah ayaanu anaguna Bur-burin dhamaan seeskaas la dhisay oo dhan.haddii ay xabad noqoto anaga Qoryahayagi Meel ayay noogu duu-duuban yihiin,Madaxwayne Xanjabaad nagama Ah ee waa naga dhab,Hadii 24Kaas saacadood ee aanu u qabanay wax lagag qaban waayo Geeri ayaanu ka xignaa.”

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay xildhibaan Siciid Libaaxo, dhallinyaro iyo odayaal kale oo sheegay inaanay aqbali doonin in dhulkaas lagu wareejiyo cid gaar ah.

Cabashooyinka dhulka ee u dhexeeya Bulshada iyo Ciidanka Qaranka ee aagaasi Xeryaha ku leh iyo waliba Xayndaabta Madaarka ayaa soo noqnoqday, iyadoo cabashooyin badan oo bulshadu marisay Warbaahinta.

Xukuumadda Somaliland ayaan weli wax jawaab ah ka bixin hadalkan ka soo yeedhay haldoorka beesha Ciidagale.