Kulmiye: Shirkii Shalay Iyo Dhacdooyinka Ku Lamaanaa Ee Saamaynta Ku Yeeshay Natiijadii Codaynta

0
503

Picture4Hargeysa(Geeska)-Shirkii golaha dhexe ee KULMIYE ee shalay waxa murashaxa madaxweyne loogu doortay Muuse Biixi Cabdi oo murashixiintii la tartami lahaa ay shirka qaadaceen, sidaa awgeed kelidii codka loo qaaday, waxaanu helay 344 cod oo ah aqlabiyada ergadii fadhiday golaha, waxa diiday 14 xubnood  halka ay 7 xubnoodna ka aamuseen. Waxase lagu tartamay kursiga madaxweyne-xigeenka oo ay u baratamayeen madaxweyne-xigeen Cabdiraxmaan Saylici iyo wasiir Dr. Saleeban Xaglotoosiye.

Codayntii loo codeeyay Muuse Biixi Cabdi ma qaadan wakhti badan, sababtoo ah ma jirin cid la tartamaysay, waxaanay ergadii shirka fadhiday ugu codeeyeen aqlabiyad. Hase yeeshee arrinta ugu xiisaha badani waxay ka dhex dhacday Saylici iyo Saleban Xaglotoosie, waxaana markii laga soo jeestay codayntii Muuse Biixi bilaabantay sanqadh iyo dareeno badan oo ay sabab u ahaayeen tartanka adag ee dhex marayay labadaas murashax. Jaamac Shabeel oo ah guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE oo shirka hagayay ayaa ku dhawaaqay in cidda taageersan murashax madaxweyne-xigeen Saylici ay gacanta taagaan, waxaana markii la soo ururiyay tiradii dadka u codeeyay, dhashay buuq ka yimid tirooyinka ay muraaqibiintii labada murashax codadka u tirinaysay soo gudbiyeen.

Buuqaas ayaa sababay in guddoomiye Shabeel gaadhay go’aan ah in lagu noqdo qaabka loo qaadayo codaynta labada murashax, waxaanu go’aamiyay in la soo ururiyo kaadhadhka ergada golaha dhexe ee u codaysa murashax kasta ka dibna la tiriyo kaadhadhka taas oo la isku raacay, waxaana aakhirkii 230 cod ku guulaystay Md. Cabdiraxmaan Saylici, halka uu Wasiir Xaglotoosiye ka helay 114 cod oo ka mid ah ergadii golaha dhexe.

Maxaa muuqday?

Intii lagu jiray codayntii labada murashax madaxweyne-xigeen waxa soo baxay arrimo xiiso leh oo ay sabab u ahaayeen labada murashax ee tartamayay, kuwaas oo sabab u noqday inay guushu raacdo Saylici, kuwaas oo aynu ka xusi karno:

Cidda shirka ka maqnayd:

Labada guddoomiye xigeen ee 2aad iyo 3aad oo ah laba xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye iyo Cabdiraxmaan Talyanle ayaan shirka ka soo xaadirin, waxaanay si cad u diideen Madaxweyne Siilaanyo oo gelinkii hore ee Isniintii ka dalbaday inay shirka kala qayb galaan. Labada guddoomiye-xigeen ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf Axmed ayaan iyaguna shirka joogin, waxaanay sidoo kale labadan xildhibaan ka gaws adaygeen dalab Madaxweyne Siilaanyo uu u soo jeediyey mar uu iyagana kulan maalintii Axadii la yeeshay, isaga oo kaga codsaday inay shirka ka qayb galaan. Saddexdii murashax  madaxweyne oo awood badnaa ayaan iyaguna shirka ka soo xaadirin iyo dhammaan wasiiradii is casilay. Waxase shirka joogay Abiib Diiriye Nuur (Timacad) oo ahaa saaxiibka siyaasadeed ee ugu dhow wasiirkii hore ee maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, isaga oo u codeeyey Muuse Biixi Cabdi.

Farriintii Madaxweynaha

Madaxweyne Siilaanyo oo laga yaabo inuu dareensanaa in Madaxweyne-xigeen Saylici uu halis ugu jiro in siyaasiga da’da yare e wasaaradda caafimaadka hayaa uu ka cod bato ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee gacanta u taaga Cabdiraxmaan Saylici markii ergada laga codsaday in cidda taageersani gacanta u taagto, gacantaas Madaxweyne Siilaanyo ayaa keentay doodo badan. Dad badan ayaa u arkay in Madaxweynuhu farriin u dirayay ergada golaha dhexe oo uu tusayay inuu codkiisa siiyey Saylici, sidaas daraadeed ay iyaguna  halka uu maray maraan, si gaar ahna waxa loo arkayay in farriintaasi ku socotay golaha wasiirada iyo cid kasta oo taageersan siyaasadda uu madaxweynuhu KULMIYE u jeexay. Waxaana candhuuftooda dib u liqday dad badan oo aaminsanaa in Madaxweyne Siilaanyo inkastoo uu xaq u leeyahay in cidda uu doonayo uu taageero haddana uu  odaytinimo muujin doono, oo uu tartamaayasha dhex-dhexaad u noqon doono sida uu khudbaddiisii shirka uu ka jeediyeyna ku sheegayba, oo aanu midna u codayn doonin, laakiin Madaxweyne Siilaanyo ayaa ka badheedhay oo taageeray Mudane Saylici oo shan sanno ahaa ku xigeenkiisa, taas ayaana loo arkaa in ay ahayd sabab kale oo keentay in ay dad badani ka leexdaan Wasiir Xaglotoosiye oo ay codkooda siiyaan halka uu maray Madaxweynahoodii.

Reer Hargeysa yaa ay u codeeyeen?

Ergada ka soo jeeda deegaannada kala duwan ee Hargeysa oo ay ku jiraan wasiiro, maayaro, agaasimayaal iyo madax hay’ado dawladeed, xildhibaano iyo ergo kale ayaa u codeeyay wasiirka caafimaadka Xaglotoosiye, waxaana la arkayay qaar ka mid ah wasiirada ugu culus xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee ka soo jeeda deegaanada Hargeysa  oo u codaynaya wasiirka caafimaadka oo marka laga yimaaddo deegaanka uu u dhashay, ku tirsan Hargeysa oo uu noloshiisii carruurnimo iyo dhalinyaronimo ku qaatay. ka sokow reer Hargeysa waxa iyaguna jira deegaanno badan oo ay ka mid yihiin Togdheer, Saaxil, Sool iyo Sanaag oo ergadoodu ay codkooda siiyeen Wasiir Xaglatoosiye.

Xaaladii Saylici ee shalay?

Intii ay socotay codayntii labada murashax madaxweyne-xigeen, waxa la arkayay Madaxweyne-xigeen Saylici oo hadba baala daymoonaya, waxaana laga dareemi karayay xumadda ay leedahay doorashadu, isagoo ahaa dadkii u horeeyay ee shalay ugu horyimid hoolka Maansoor ee uu shirku ka dhacayay. Mudane Saylici waxyaabaha la dareemayay inuu dareenkiisa kicinayay waxa ugu muhiimsanaa laba qodob oo kala ah in ninka la tartamayaa uu yahay wasiir ka tirsan xukuumadda uu hoggaamiyo iyo qodobka labaad oo ah sababta uu isagu u noqday nin lala tartamo ee su’aal la geliyo codkiisa maadaama Muuse Biixi oo ay isku jaal yihiinba aanay ciddi la tartamin. Hase yeeshe waxa laga yaabaa in Mudane Saylici shalay arkay in dad badan oo uu tirsanayay ay ka leexdeen oo ay taageereen wasiirkan dhallinyarada ah. Si kastaba ha ahaate, inkastoo uu Saylici codad badan kaga badiyay ninkii la tartamayay, haddana waxa ay u muuqataa in Saylici oo shan sanno ahaa madaxweyne-xigeen uu hadda ka jawaabi doono su’aalo badan oo uga soo baxay doorashadii shalay kuwaas oo ay ugu muhiimsantahay inuu dib ugu noqdo siyaasadiisa hoggaamineed iyo saamaynta uu ku leeyahay gobolka uu ka soo jeedo iyo guud ahaan dalka.

Xaglatoosiye iyo xaaladiisa

Inkastoo codad aqlabiyad ah oo ku dhow kala badh ergadii shirka fadhiday lagaga badiyay wasiirka caafimaadka, haddana waxa soo baxday oo la arkay mustaqbalkiisa siyaasadeed iyo weliba awoodda uu ku leeyahay deegaano badan oo aan ahayn gobalka uu u dhasyhay oo ay kow ka tahay caasimadda Hargeysa. Saleeban oo degenaansho la’aan laga dareemayay intii ay codayntu socotay ayaa helay codadka wasiirada ay xukuumadda ka wada tirsanayeen kuwa ugu tunka weyn, waxaanay taasi muujinaysaa inuu leeyahay awood aan la dhayalsan karin. Geesta kale waxa dad badan u soo baxday in haddii shalay cod laga qaadi lahaa dadka reer Somaliland ee aan ahayn golaha dhexe ee KULMIYE uu isagu ka cod badan lahaa Madaxweyne-xigeenka uu la tartamayay oo in badan kaga soo horeeyay siyaasadda Somaliland.

KULMIYE iyo Reer Bari

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in codayntii shalay ay saamayn ku yeelan doonto gobalada bari ee uu ka soo jeedo Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed oo ay dadka gobaladaasi u arkaan halyey ka soo baxay gobaladooda oo siyaasad dhiiran la yimid Somaliland.

Sababaha keeni kara inay dadkaasi KULMIYE dib wax iskaga weydiiyaan waxa ka mid ah codayntii Madaxweyne Siilaanyo uu ka codeeyay Wasiirka Caafimaadka islamarkaana uu garab siiyay madaxweyne-xigeen Saylici oo ay tartamayeen, iyadoo codayntaas Madaxweyne Siilaanyo la odhan karo waxay sabab u noqotay guusha uu Saylici gaadhay, waxa aanay burisay ballan qaadka madaxweynuhu ku celcelinayey ee ahaa in uu dhex u noqon doono murashaxiinta, maadaama oo codka shakhsiga ah ee uu xaqa u leeyahay la hubay in uu miisaanka doorashada dhan u badaniyo oo uu saamayn ku yeelanayo codadka kale ee ay bixinayaan dadka u badan gacan-yarayaashiisa uu xilalka qaranka u dhiibay.

Waxaa jirta dood xooggan oo ah in Kulmiye codadka muhiimka ah ee uu hadda kadib ku xisaabtamayaa noqon doonaan Galbeed, halka Bariga Fog ee dalka iyo guud ahaan gobollada barina ay yihiin meel tartan weyni ka furan yahay lagana yaabo in ay mucaaradku ka faa’idaysan karaan.

Gunaanad

Si kastaba ha ahaate, shalay waa la doortay labadii murashax ee madaxweyne iyo madaxweyne-xigeen ee xisbiga KULMIYE uga qayb geli lahaa doorashooyinka 2017 ee Somaliland, waxase la doortay iyadoo ay xisbigii ka maqanyihiin rag iyo haween magac ku lahaa in badan la soo kifaaxay waayihii uu KULMIYE uu soo maray ee midabada badan lahaa. Labada murashax ee la doortay ee Muse iyo Saylici waxa sugaya jid dhibaato badan oo la doonayo inay u badheedhaan, waxaana ugu horeeya sidii ay u soo ceshan lahaayeen siyaasiyiinta ka maqan oo ay ugu horeeyaan labada nine e hoggaanka xisbiga ah ee kala ah xildhibaan Waabeeye iyo xildhibaan Talyanle iyo labada shirguddoon ee uu KULMIYE ku leeyahay golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf Axmed.

Murashixiinta saddexda ah ee shirka ka maqnaa oo iyaguna leh taageerayaal ayaa ah hawl u taala sidii ay murashixiinta KULMIYE u so xero gashan lahaayeen, sababtoo ah raggani waxay xisbiga kala maqanyihiin cudud siyaasi ah oo tii’ ay Madaxweyne Silaanyo ku garab taagnaayeen ilaa uu kursiga ku fadhiistay.