Furfurista Shabakadaha Facebook Ayaa Abuuray Cabsi Laga Qabo In Whatsapp Iyo Instagram Ay Lacag Noqdaan

0
667

Dacwad-soo-oogayaasha 46 ka mid ah 50 ka gobal ee uu Marayanku ka kooban yahay iyo guddida ganacsiga Federaalka ee magaceeda loo soo gaabiyo FTC (Federal trade commission), oo ah hay’adda dawladda Maraykanka u qaabilsan dabagalka fulinta xeerka la dagaalanka kootada iyo xoojinta daryeelka macmiilka, ayaa dacwad ku soo oogay shabakadda Facebook oo ay ku eedeynayaan in ay ku dhaqmayso istaraatijiyad ah ugaadhsiga shirkadaha ay u aragto in ay la tartami karaan oo ay dib u iibsato. Waxa ay dacwaddooda ku dalbadeen in shirkadda Facebook lagu qasbo in ay iibiso adeegyada WhatsApp iyo Instagram, si ay u noqdaan shabakado la tartama.

Dacwadda waxaa lagu sheegay in Facebook ay caadaysatay iibsiga shirkadaha xidhiidhka bulshada ee magaca fiican suuqa ka hela si ay uga hortagto in ay la tartamaan, waxa aanay tusaale u soo qaadatay shabakadda Instagram uu Facebook iibsaday sannadkii 2012 kii iyo shabakadda WhatsApp oo madaxbannaanayd ka hor intii aanay sannadkii 2014 iibsan shirkadda Facebook.

Hay’adda FTC waxa ay maxkamadaha Maraykanka ka dalbatay in ay waajib tahay laalista hawlaha la wareegista ah ee ay Facebook ku hayso shirkadaha kale, taas oo ay u aragto in ay tahay tallaabo ay u dhowdahay in ay abuurto gef sharci. Laakiin guul ay arrintan ka gaadhaan ayaa waqti dheer qaadanaysa maadaama oo ay isla hay’adda FTC ogolaatay iibkan oo intii aanu dhicin ay Facebook fasax uga qaadatay.

Xeerilaaliyaha guud ee New York Letitia James oo wakiil u ah dacwad-soo-oogeyaasha ayaa warbaahinta u sheegtay in Facebook ay muddo ku dhow toban sano adeegsanaysay siyaasadda ay ku adkaynayso gacan ku haynteeda suuqa, kuna xaadhayso tartamaayasha ka awoodda yar, si aanay u jirin cid la tartantaa.

Jennifer Newstead oo ah lataliyaha guud ee Facebook ayaa dacwadahan ka dhanka ah Facebook ku tilmaamtay tallaabo lagu xakamaynayo guusha ay shirkaddeedu gaadhay, “Xeerarka la dagaalanka kootada ujeedada loo sameeyey ma’aha in lagu ciqaabo shirkadaha guulaysta” ayaa ay tidhi. Iyada oo ku doodday in shabakadaha WhatsApp iyo Instagram ay guusha weyn gaadheen intii ka dambaysay lacagtii Facebook gelisay oo ahaa Balaayiin Doolar oo lagu maalgeliyey horumarinta shabakadaha. Waxa kale oo ay ka hadashay qodobka sheegaya in Facebook ay samaysatay kooto ay dhibaato ka soo gaadhay macaamiisha, oo dacwadda ku jiray. Waxa ay sheegtay in dadku ay faa’iido badan ka heleen go’aanka shirkadda ee ahaa in adeegsiga WhatsApp iyo Instagram ay bilaa lacag ahaadaan.

Dhinaca kalana agaasimaha ahna aasaasaha Facebook Mark Zuckerberg ayaa shaqaalaha shirkaddiisa oo uu bishii Juun kulan la yeeshay u sheegay in aanu filayn in wax raad taban ahi uu kaga iman doono kooxaha iyo shirkadaha dacwadaha ka dhanka ah wada, isaga oo ku tilmaamay hawl dhammaanshiyaheedu sannado badan qaadan doono.

Zuckerberg waxa uu sheegay in Facebook ay diyaar u tahay in ay iska difaacdo sharci kasta oo ku keeni kara khatarta ah in la furfuro, isaga oo ku tilmaamay khatar ka hor imanaysa jiritaanka Facebook.

Inkasta oo aanay imika weynayn cabsida laga qabo in Facebook la furfuro, haddana waxa ay sharciyaqaannadu sheegayaan in aan la dhayalsan karin dacwadda ka dhanka ah Facebook ee la xidhiidha xeerka ka hortagga kootada.  Arrimaha laga yaabo in ay Facebook xujo ku sii noqdaan oo marag ahaan loogu adeegsadana waxaa ka mid ah hadal uu sannadkii 2008 dii farriin ahaan u diray oo uu ku yidhi, “In aynu la tartanno waxaa ka fiican in aynu iibsanno”