Saaxiibka dhabta ahi waa;

0
1464

Waa saaxiibka ku dhowree ku dhibaateyn. Waa saaxiibka kula taliyee aan  kaa tashan. Waa saaxiibka kula wadaaga murugadaada iyo farxaddaada. Waa saaxiibka dhabarkaaga ka hadal balse hortaada ka hadla. Waa saaxiibka ku garabgala, garabkaaga taagan markaad u baahato. Waa saaxiibka aad isku hallayn karto. Waa saaxiibka haddii niyadjab aad kala kulanto, laamaha kala duwan ee nolosha maalmahaas niyaddaada ku abuura naruuro badan iyo in aanad quusan. Waana saaxiibka dhanka wanaagsan nolosha kaa tusa.

Waa saaxiibka ku raalligaliya haddii uu qalad kaa galo balse aanay tiisu u caddayn. Waana saaxiibka aan cadowga kuu ahayn kuna colaadin haddana aan ku curyaamin. Waa saaxiibka markaad dareento kelinnimo aad weheshato. Waa saaxiibka aan kugula socon dano iyo dangaara oo uu leeyahay. Waa saaxiibka kugu maamuusin mansabka nolosha aad kaga jirto, waana saaxiibka aan kaa tegin markaad mansabkaas weydo. Waa saaxiibka ku waaniyee kaa weecan. Waa saaxiibka kuu hiiliya kuuna hagarbaxa haddana kula halgamee kuu halgama. Waa saaxiibka ku xushmeeyee aan kaa xarragoon haddana ku xaqdhowra. Waa saaxiibka kaa sii jeedsan ee kula jira dhulkana ku jiidin.

Waa saaxiibka saaxiibtinimadiisu afka ahayne kuu muujiya saaxiibtinimadiisa. Waana saaxiibka si kastuu hawshiisu u badantahay ku soo xidhiidhiya. Waa saaxiibka waxaad u sheegtaba dadka ugu sheekayn ee ilaaliya sheekadiinna. Waa saaxiibka saaxiibtinimadiisu isku beddelin hadba siday xilliyadu isku beddelaan. Waa saaxiibka ku kaabee ku kadeedin, waana saaxiibka haddaad kufto gacanta kuu haadiyee hoos kuu dhigin. Waa saaxiibka aan ku wiiqin kaana weecan.

Waa saaxiibka kuu tirin wuxuu ku taray. Dhaqaale kaliya waxba la iskuguma taree waa saaxiibka, talo iyo tusaale, fikir iyo faallooyin ku siiya kuuna soo bandhiga. Waa saaxiibka beenaha kugu sasabin ee ba’aagana ka shaqayn. Si kastoo noloshiinnu ku kala duwan tahay ama meelo kala duwan aad ku nooshihiin waa saaxiibka noloshiinnu hal mid tahay. Waa saaxiibka, saaxiibtinimadiinnu ka dheer tahay is-tus iyo isla weyni.

Waa saaxiibka ixtiraam badan u haya saaxiibtinimadiinna kuna faraxsan wada xidhiidhkiinna. Waa saaxiibka sharaftaada ilaaliya kuna sharfa. Waa saaxiibka isagoo kaa maqan aan agtaada lagu soo hadal qaadi karin ee kuu noqonaya af-hayeenkaaga. Waa saaxiibka aan kaa jeedsan markay dadkoo dhami kaa wada jeestaan. Waa saaxiibka aan ahayn laba wejiile ee keliya haysta wejigii koowaad eed ku baratay. Waa saaxiibka aan cudurdaarro kuu samaynin si aanu kuu caawin. Balse hadafkaaga iyo hirarka nolosha aad ka leedahay kula habeeyee kuguna hambalyeeya kuguna haga halkaad u socoto.

Caafimaadka Allaa hayee, waa saaxiibka haddii aad caafimaad darro kugu timaaddo kula qaybsada xannuunka ee aan kugu nicin. Waa saaxiibka aan kaa xiise dhicin balse kuu soo boholyooba intuu kaa maqanyahay een ahayn saaxiibka goortuu doono kula soo xidhiidha goortuu doonana kaa maqnaada. Maaha saaxiib aad maanta is barataan berrina kaa taga. Balse uu yahay ka saaxiibtinimadiinna ilaaliya ilaa inta aad nooshihiin. Aakhirana halkii roon. Waa saaxiibka aan kaa qawadin horumarkaaga balse kula wadaaga fikiro horumarineed si aad u horumarto. Saaxiibka aan dadka hortooda kugu canaanan, haddii aad qalad kaa dhaco balse markaad keli isku noqotaan si uu kuu toosiyo ku canaanta ee kuu sheega qaladkaaga iyo inaad toosiso qaladkaaga. Waana saaxiibka hoosna kuu dhigin iskuna kaa dhererin.

Waa saaxiibka aanad saaxiibtinimadiisa ka qoomamoonin balse Alle aad ugu mahadnaqdo. Waayo? Waa saaxiibka aad wanaag oo dhan ku xasuusanayso. Qasab maaha saaxiibkani in uu yahay qof ka mid ah qoyskaaga, xigtadaada iyo xididkaaga sida; hooyo iyo aabbo, walaashaa iyo walaalkaa, habadaa iyo abtigaa, eddadaa iyo adeerkaa, ayeydaa iyo awoowgaa, dumaashidaa iyo seeddigaa I.W.M. Run ahaantiina saaxiibtinimada ugu wanaagsan uguna daacadsan iyagaad ka helaysaa. Balse kama maarmaysid deegaan ka duwan iyaga ood la wadaagto fikiro badan. Waayo? Mararka qaar waxaa dhacaysa inay dhinac wax uga muuqdo iyaga halka adigana dhinaca kale wax kaaga muuqdaan.

Tani maaha in aad la tashan qoyskiinna Waayo? Qoyskiinnu waa noloshaada mar hore iyo mar danbe waana halka ay noloshaadu  ka soo  bilaabmatay.

Saaxiibka dhabti ahi maaha saaxiibka, aanad noloshiisa ka arag baraha bulshada isla markaana kala socon. Saaxiibka aan dan qabyaaladeed, siyaasadeed iyo ganacsiba aydaan lahayn. Saaxiibka aad sida muraayadda isku daawato dhaliilahaagana ka dhex aragto. Saaxiibka aanay saaxiibtinimadiinu dhinac kaliya ka socon ee ay si wada jira u socoto. Saaxiibka dhabta ahi maaha saaxiibka iska dhiga inuu sharaftaada ilaalinayo balse kaftan kugu bahdila dadkana iskaga dhaadhiciya bahdilkaaga. Saaxiibka dhabta ahi waa saaxiibka go’aamada adag ee nolosha kula gaadha ee kula calool adayga waana saaxiibka hammiga iyo hiigsiga iyo himilada  fog leh.

Saaxiibtinimada dhabta ah agteeda waxaan laga tixgalin; mansab, maalqabeennimo qablaayad, qabiil, saboolnimo iyo da’.

Saaxiibka dhabta ah geeri mooyee ma garanayo wax kale oo idinka kala reebi kara meelkastood dunida u kala joogtaan iyo si kastood duruufta noloshiinnu isku beddesho. Ama si kastood iskugu dhowdihiin. Waa saaxiibka ku kaabee ku kadeedin. Waana saaxiibka wanaaga kugu dardaara. Maaha saaxiib aad shalay saaxiib noqoteen maanta kala tagteen. Saaxiibka dhabta ahi waa saaxiibka aad hantidaada iyo sirtaadaba u dhiiban karto kuna aamini karto.

Waa saaxiibka sirtaada bannaanka keenin si uu kuu ceebeeyo. Waana saaxiibka aan hantida aad ku aamintay ku loofarin siduu doonana u adeegsan. Saaxiibkan aynnu kor ku soo sheegnay haddaanad haysan maanta Alle ka bari in uu ku siiyo. Haddaad haysatana Alle ugu mahadnaq oo ilaasho saaxiibtinimadiinna.

Saaxiibtinimadu maaha inta dugsiga la wada dhigto ama jaamcadda la wada dhigto amaba isku shaqo la yahay. Noloshaasi waa asxaabnimo ee maaha saaxiibtinimo, balse saaxiibtinimadu waa ta jirta ilaa inta aad nooshihiin oodhan.

Saaxiibka dhabti ahi baraha bulshada lagama arko mana xukumaan baraha bulshadu saaxiibtinimadiinna. Saaxiibbadaa way noqon karaan mid iyo in ka badan, kuwaasi oo kuu kala buuxiya kaalmo kale duwan oo nolosha ah waanuu noqon karaa hal saaxiib keliya oo kaalmo badan oo nolosha kuu buuxiya saaxiibo badanna kuu soo kooba.

Saaxiibkaaga dhabta ah kama tihiin keliya baraha bulshada saaxiib taana laguma xisaabiyo saaxiibtinimo ee waa asxaabnimo. Si kastood baraha bulshada uga wada socotaan haddana wuu kaaga duwanyahay dadka kale. Saaxiibtinimadiinnuna ta baraha bulshadana ee way ka xeeldheertahay.

Sidoo kale saaxiibtinimada laguma qiimeeyo qofka aad Jid wada wada marten, Jidiinna wada cunteen, Jabadna  wada degteen.Saaxiibtinimadu inta badan ma jaangoyso muddada yar ama muddada gaaban eed qofkan is taqaanneen balse waa qalbiyo raalli iska noqday. Imisaa saaxiib aad is odhan jirtay,” dadka ayuu kaaga duwanyahay ood ka dhawaysanaysaa”. Uu kugu noqday Mas dhabarkana kaa cunay?!

Imisaa saaxiib ilaa maalintaad isbarateen ilaa maanta aan is-beddelin? Imisaa saaxiib aad muddo kooban saaxiib noqoteen aad mooddaa inaad weligiin istaqaaneen sidaas darteed miyaanay saaxiibtinimadu ahayn qalbiyo raalli iska noqday oon ku xidhnayn muddo badan iyo maalmo kooban?

Ugu danbayn saaxiibka dhabta ahi waa ka kuu horseedi kara inaad ka mid noqoto dadka gala jannada sidoo kalena inaad ka mid noqotaan toddobada qof ee Alle u hadheeyo maalinta aanay hadhkiisa mooyee hadh kale jirin. Waayo saaxiibka Alle dartii ayaad isku jeceshihiin ood isku xidhiidhisaan sidoo kale waxaad isla qaybsataan arrimihiinna Adduunyada iyo kugu aakhiraddiinna.

W.Q: Faadumo Buuni

libaaxo.77@gmail.com

Hargeysa, Somaliland

January, 2022