Kalagacalka Hooyadu Mar Buu Cudur Noqdaa Halis Ku Ah Mustaqbalka Ilmaha (Q.2)

0
549

Qormadii hore ayaa aynu kaga soo warannay sida u kalgacalka hooyadu u qabto ilmaheedu mararka qaarkood u noqon karo cudur halis ku noqda mustaqbalka ilmaha. Jacaylka hooyadu ilmaha u hayso oo u qaybsamay jacayl dabiici ah iyo mid cudur ah ayaa aynu kan cudurka ah mar kale u sii kala qaybinnay mid walbahaar ku dhisan oo aynu xusnay in hooyadu ay diidayso in ilmaheedu indhaheeda ka fogaado, iyo mid ku abuuraya dareen iska fogeyn ilmaha ah.

Qaybtan waxa ayun ku eegaynaa calaamado ay hooyadu ku garan karto nooca uu yahay jacaylka ay ilmaheeda u qabtaa.

Calaamadaha jacaylka walwalka ku dhisan

* Waxaa igu badan dareen warwar iyo sakati aan ka cabsi qabo in ilmahaygu uu I jeclaan waayo ama aanu I jeclayn.

* Waxa aan ka baqaa in xogo qarsoon oo igu saabsan uu ilmahaygu ogaado, kaddibna aan sidaas ku naco.

* Aad ayaa aan uga fikiraa xidhiidhka aan ilmahayga la leeyahay.

* Haddii aan carruurtayda ka dheeraado waxa aan inta badan dareemaa warwar aan u qabo iyo in wax uun iga maqan yihiin.

* Cabsi ayaa i gasha mar kasta oo aan ka fikiro guurka mustaqbalka ee carrurutayda iyo sida ay iga fogaan doonaan.

* Waa aan hinaasaa haddii aan arko ilmahayga oo qof aan aniga ahayn aad u jecel.

* Marka ay dhibaato yari ilmahayga na dhex marto waxaa igu aburuta cabsi aan ka qabo in xidhiidhkayagu uu xumaado.

* Waxaa warwar badan igu haya in aan ilmahayga u noqon waayo hooyo ku dayasho mudan.

* Marka aanu ilmahayga is khilaafno waxa aan ku idhaahdaa hadallo aan marka dambe qoomameeyo odhaahdooda.

* Waxaa mar kasta cabsi igu haysa in ilmahaygu uu I jeclaan waayo.

* Niyadjab ayaa igu dhaca haddii uu aan arko in ruux kale uu ilmahayga saamayn ku leeyahay.

* Haddii ilmahaygu uu qaldamo, waxa aan markaba aaminaa in aan anigu sabab u ahay dhibaatada.

* Waan murugoodaa haddii ilmahaygu iga dheeraado.

Calaamadaha jacaylka aan dhibta ku keenayn ilmaha

* Waan ku raaxaystaa in aan arko ilmahayga oo ila jooga, waana suurtagal in aan hawlahayga qayb u dirsado.

* Uma haysto in aan u baahanay in ilmahayga aan u xaqiijiyo jacaylka aan u qabo.

* Waa ay igu adagtahay in aan ilmahayga u sheegto baahiyahayga uu wax igala qaban kari lahaa.

* Si guud raalli ayaa aan ku ahay sida uu hadda yahay xidhiidhka aniga iyo ilmahayga.

* Si guud waxa aan ahay dadka dadka rumaysta, waana ay dhacdaaba in warkooda aan xujo ka dhigto.

* Waan ku raaxaystaa in aan ilmahayga la wadaago fikirrada aan qabo iyo dareenkayga shakhsiga ah.

* Haddii ilmahaygu cadho ama diiqad igu abuuro waxa aan jecelahay in aan u caddeeyo dareenkaygaas.

* Hinaase aan badnayn ayaa iga galo, haddii uu ilmahaygu kalgacal u qaado qof aan aniga ahayn.

* Haddii ilmahaygu si qaldan u dhaqmo waxaa I gala dareen ah suurtagalnimada in aan anigu sabab u ahay dhibta.