Dawlado Aan Sharciga Caalamiga Ahi Khariiradda Ku Darin, Laakiin Leh Nidaam Xukuumadeed Oo Dhab Ah (2)

0
557

Warbixin ay shabakadda wararka ee ‘Emaratal Youm’ ee dalak Isutagga Imaaaraadka Carabtu ka diyaarisay Guilherme Canever iyo socdaalkiisa uu ku tegey dalalkan ayaa lagu yidhi, “Isticmaalka ereyga ‘Dawlad’ Waxa ay u baahantahay shuruudo gaar ah, si uu qaanuunka caalamiga ahi u aqoonsado; waxaa ka mid ah in dawladdu ay leedahay deegaan joogto ah, in dhulkeedu ku wada yaallo gobal keliya leedahayna xuduudo sugan, in ay si madaxbannaan isu maamuli karto, iyo in ay xidhiidho diblumaasiyadeed la leedahay dalal kale. Si kastaba ha ahaato ee inkasta oo dalalka aynu soo xusnay badankoodu ay shuruudahan buuxiyeen, haddana in ay aqoonsi ka helaan qaramada midoobey waxa ay ku xidhan tahay in quwadaha waaweyn ee adduunku ay taageeraan. Dalka aan aqoonsiga haysani in uu taageero ka helo quwadaha waaweyn ee adduunku waxa ay u fududaynaysaa in uu uga faa’iidaysto arrimo ay ka mid yihiin gaadhista iyo la macaamilka shabakadaha dhaqaale ee adduunka.

Dawladda haddii aanay Qaramada Midoobey si rasmi ah u aqoonsan, looma tixgelin karo dawlad rasmi ah oo jirta sharci ahaan, xitaa haddii ay jiraan dawlado adduunka ka mid ah oo aqoonsani. Aqoonsi la’aantuna waxa ay dawladaha ku keentaa loolanno badan.

Guilherme Canever qoraaga buugga ‘Uma viagem pelos países que não existem’ xiisaha uu u qabay ka war doonista qaabka ay u jiraan dalalkan aan la aqoonsan ama lagu muransan yahay iyo sida ay nolosha caadiga ahi ka tahay, waxa uu ku dhashay kaddib socdaalkii ugu horreeyey ee uu dal aan la aqoonsan ku tegey oo uu ku yimi Somaliland. “Somaliland waa dawlad himilo leh oo ku taalla Geeska Afrika. Tan iyo sannadkii 1991 kii waxa ay halgan ugu jirtay ka madax banaanta Soomaaliya” ayaa lagu yidhi warbixinta buuggan. Kaddibna dalalka uu Guilherme Canever tegey ayaa mid warbixin kooban laga bixiyey, sida uu ku qoray buugga.

Somaliland

Sida uu qoray wargeyska Emaaraatul-Youm, Guilherme Canever oo la hadlayey warbaahinta ayaa yidhi, “Sannadkii 2009 ayaan socdaal dhulka ah ku maray Afrika, waxa aanay safarkii ila galay Somaliland” Isaga oo hadalkiisa sii wada waxa uu qoraagu yidhi, “Af kala qaad ayaa ay igu noqotay markii aan ogaaday in halkan aanan ku isticmaali karin lacagta Shilin Soomaaliga. Kaddib waxa aan ogaaday in dawladdani ay leedahay hay’ado, sharciyo iyo lacag u gaar ah, laakiin aanay ictiraaf ka helin dawlad kale oo keliya. Waxa aan dareemay sida in aan joogo adduunyo dunidan aynu ku noolnahay ka barbar shaqaynaysa”

Warbixinta wargeyska Emaraatul-youm waxaa lagu yidhi, sannadkii 1991 kii ayaa ay ku dhawaaqday madaxbannaani dhinaceeda oo keliya ah, laakiin weli waa dal aan ku jirin khariiradda adduunka, inkasta oo ay qaran tahay. Arrintaasi waxa ay sababtay in xaaladda dhaqaale ee Somaliland ay adkaato, dhibaatooyin badan ayaanay waajahday sannadahaas ay soo jritay. Warbixintu waxa ay soo xigatay hadalka buugga uu ku qoray Guilherme Canever, “Somaliland waxa ay ku noolayd dadaalkeeda gaarka ah, waxa aanay halgan ugu jirtay jiritaankeeda iyada oo aanay jirin xulafo ay ku tiirsan tahay. celcelis ahaan heerka shaqa la’aantu aad ayaa uu u sarreeyaa, sida oo kale waxaa sarreeya heerka wax qoris/akhris la’aanta”

La soco…