Kala Badh Dhaqaalaha Iyo Khayraadka Adduunka Yaalla Waxaa Haysta %1 Keliya Oo Dadka Dunida Ka Mid Ah

0
631

Picture8Bern (Geeska)- Warbixin ka soo baxay xarunta caalamiga ah ee Credit Suisse oo deggen dalka Switzerland ayaa shaaca ka qaadday in kala-tagsanaanta  haynta iyo dhaqaalaha dadka dunidu ay sii durkayso sannad ba sannadka ka sii dambeeya, haddana ay marayso in hantidii iyo khayraadkii dunidu kala badh gacanta u gal boqolkiib 1 keliya oo ka mid ah dadka dunida. Taas oo macnaheedu noqonayo in boqolkiiba 99 dadka dunida ku nool uu dhex yaallo oo ay wadaagayaan boqolkiiba 50 keliya oo ka mid ah khayraadkii iyo dhaqaalihii dunida, kala badhka hadhayna ay haystaan boqolkiiba midka ka soo hadhay dadku.

Marcus Stirla oo ka tirsan xarunta Credit Suisse ayaa arrintan ku sababeeyey korodhka tirada dadka dunida saddexaad iyo kasbashadii dhaqaalaha oo isu-beddeshay in dadka dabaqadda sare oo keliya ay wax u sii kordhaan, kuwa kale oo dhanna hoos u socdaan ama si gaabis ah u kordhaysaa.

Warkan uu Geeska Afrika turjumay oo lagu faafiyey wargeyska The Guardian oo ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in 3.4 Bilyan oo qof oo u dhigma boqolkiiba 70 dadka dunida ku nool ay haystaan hanti celcelis ahaan midkiiba u dhiganta 10 Kun oo doolar, halka Ha Bilyan oo qof oo u dhigma dadka dunida oo shan meelood loo qaybiyey meel ahaan uu midkiiba haysto hanti celcelis ahaan u dhiganta 10 illaa 100 kun oo doolar, 383 Milyan oo qof oo u dhigma boqolkiiba 8 dadka dunida ayaa mid kastaa haystaa hanti celcelis ahaan ka badan 100 kun oo doolar.

Warbixintu waxa ay sheegtay in qof kasta oo celcelis ahaan hantidiisu la qiimo tahay 759’900 doolar uu ka mid yahay boqolkiiba 1 dadka dunida ah ee dunida ugu caansan. Warbixinta oo sharraxaysa waxa ay hanti ama dhaqaale uga jeeddo ayaa ku qeexday, “Hantida qofku uu haysto, sida hantida ma guurtada ah, saamiyada ganacsiga, marka laga reebo deymaha”

Mark Goldring oo ah agaasimaha fulinta ee haayadda caalamiga ah ee Oxfam ayaa mar uu ka hadlay natiijada daraasaddan waxaa hadalkiisa ka mid ahaa, “Waxa aynu ku noolnahay duni boqolkiiba 1 keli ahi ay haystaan kala badh hantidii iyo dhaqaalihii adduunka yaallay, halka boqolkiiba mid keliya oo hantida iyo dhaqaalaha dunida ah ay u qaybsan tahay boqolkiiba 99 dadka dunida”