Arrimaha Maadayska Noqday Ee Kulanka Guud Ee Qaramada Midoobey Ka Dhacay 70 Sano Oo Ay Jirtay (4)

0
625

Picture6New York (Geeska)- Waa qaybtii Afaraad ee qormadii uu Geeska Afrika ku soo ururinayey qaar ka mid ah dhacdooyinkii ugu xiisaha badnaa ee ka dhacay qaramada midoobey oo hadda uu socdo kulankeedii guud oo ah kii ay ku 70 jirsatay, innaga oo ku bilaabayna sidii ay u kala horreeyeen:

2011 – Maxamuud Axmedi Najaat: Madaxweynihii Lixaad ee dalka Iiraan oo talada hayey sannadkii 2005tii illaa 2013kii, waxa uu ahaa Injineer iyo macallin ka dhashay qoys aad u faqiir ahaa, waxaana lagu tilmaami jiray in uu yahay siyaasi aad ugu dheggen diinta Islaamka oo aan la gabban ka hor imaanshiyaha afkaarta reer galbeedka.

Sannadkii 2011 kii oo uu madaxweyne Axmedi Najaat khudbaddii dalkiisa ka jeediyey kulankii guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ayaa uu weerar adag ku qaaday siyaasadda dalka Maraykanka, waxase uu hadalkiisu ugu darnaa markii Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa horteeda oo weliba dalka Maraykanka gudihiisa ah uu si badheedh ay Maraykanka ugu eedeeyey in weerarradii 11 September uu Maraykanku uun ka dambeeyey, ujeedaduna ahayd in uu marmarsiinyo uga dhigto qorshayaal qarsoon oo uu ku ilaalinayey jiritaanka Israa’iil, taas oo hababka loo marayo ay ka mid ahayd in bariga dhexe laga tirtiro dal kasta oo yeesha awood ama la tartami kara Yuhuudda. Waxa kale oo uu sheegay in weerarkaas uu Maraykanku isku qaaday ay ujeedadiisu ahayd in lagu badbaadiyo dhaqaalaha MAraykanka, laguna sii joogteeyo awoodda Maraykan ee bariga dhexe.

Picture7Khudbaddaas Nejaat oo ay ka dareereen 32 dawladood oo la cadhooday Maraykanka iyo Israa’iil waxa uu ku sheegay in Israa’iil aanay ahayn dal jira iyo Islaamku aakhirka xoogaysan doono, isaga oo ku dooday in isla saacaddaas uu taagnaa uu arkayey nuur isaga ilaalinayey oo hareerihiisa oo dhan kaga teedan.

2012 – Benjamin Netanyahu: Raysalwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo isna sannadkii 2012kii ka hadlay kulankii guud ee Jimciyadda Qurumaha ka dhaxaysa waxa uu ku kacay fal aad uga yaabiyey ergadii madasha fadhiday oo xitaa ay ku jireen kuwa siyaasad ahaan taageera Yuhuudda.

Netanyahu oo xilligaas u halgamayey in uu ka hortago in is-afagarad dhinaca Nukliyeerka ahi dhex maro Iraan iyo dalalka reer galbeedka oo Maraykanku ka mid yahay, isla markaana si dadban dabada uga riixayey fikir ah in weerar lagu qaado Iraan waxa uu golaha hortiisa kaga andacooday in Iraan ay samaysatay hubka wax gumaada ee Nukliyeerka oo u maraya meel dhamaystir ku dhow, waxa aanu ku dooday in ay caddaymo badan u hayaan arrintaas, waxase amakaag iyo afkala qaad noqotay markii inta uu la soo baxay warqad cad iyada oo dadkii oo dhami filayeen in ay tahay caddaynta uu sheegayo la arkay in ay tahay waraaq cad oo uu isagu gacantiisa ku soo sawiray xariijimo u uu ekeysiiyey qaabka Bambada Nukliyeerka ah.

In kasta oo uu Netanyahu ku celcelinayey digniin arrintan la xidhiidha haddana dadka badankoodu waxa ay liqi kari waayeen sida uu caqligiisu u siiyey in uu ummadaha tirada badan madashan caalamiga ah la soo hor istaago warqad uu qalinkiisa ku soo xardhay oo uu ku sheegay in Iiraan ay bambooyin Nukliyeer ah samaysanayso. La soco…