Kaftanka Maanta, Kulmiye U Dhimo Oo Kulmiye Ku Dhimo Ilaahayoow Adaa Ka Garnaqi

44
3659

Axmed Guruje

Sheekaba sheeko ayay keentaye , waxa la yidhi , Waagii horre intii aan iskuulada iyo tacliinta casriga ihi geyiga soomaalida soo gaadhin , barashaduna ku koobnayd xadrooyinka culimada , dadku wuxuu ahaa mid kala soocan , oo qayb waliba lahayd dhaqan iyo dabeecad laggu yaqaano oo loogu soo hagaago , deeq ,dirir , dagaal iyo dulqaad , dadba inta alle ka siiyo .

Haddaba waa sidaase, waayadaa aan Cv tacliinta ee hadeer lagga siman yahay aanu jirin , dadkuna wadda aqoon yahanka noqon , qoyska aan ka dhashay , wuxuu caan ku ahaa , labba qodob , dood iyo dagaal joogto ah .

Sheekada obacdeeda aan u gudbee , waxa la yidhi xili xiliyadaas ka midda , ayaa oday qoyskayaga ah , oo la odhan jirey , Rooble cabsiiye , wiil uu dhalay oo xasan la odhan jirey la dilay , ka dibna dood iyo hadal badan ka dib laggu heshiiyay in wiilka dhintay mag lagga qaato .

Mudadii magta loo balamay markii la gaadhay , ayaa qoladii magta laggu lahaa , geelii magta ahaa marisay , dabeeto xagii reerah loo soo kaxeeyay .

Geelii markii la guryo keenay , ayaa odaygii Rooble ee wiilka dhalay geelii xerada ku wada shubtay in uu cid wax ka siiyana diiday , si kasta oo loola hadlayna ku adkaystay in aanu waxba bixin , isagoo 4 wiil oo dhalayna ku amray inay warmaha diyaarsadaan .

Odaygii markii lagga quustay , ayaa nin ay ilmaadeer ahayeen oo Mirre la odhan jirey ku yidhi ” Roobloow hadii aad diidey in aad magta tolka qaybtooda siiso , Odayaashii magta kula doonay uun inagga amba bixi , dabeeto wuxuu ugu jawaabay’ Miroow inankayga ayaan qalanayaaye inankaaga qalo ”.

Nafsigu waa cajaayibe , maalinta maalinteedii ayaa Odaygii Rooble , wiilkiisii Curad oo la isna la odhan jirey Liibaan Rooble nin dilay , dabeeto magtii loo soo dul-fadhiistay .

Ninkii mirre ee ay ilmaadeerka ahaayeen ayaa dabeeto ku adkeeyay oo yidhi , ninkan yaan juuq loo odhan , dabeeto , isna Oday kale , oo isla reerka ah , oo Burku-joog la odhan jirey baa yidhi , Miroow taladu habeenba god bay joogtaa , habeenkaa hal bay joogtay , caawase hed bay joogtaaye , magta inaga bixi , ragbaa ina dul fadhiyee .

Mirre oo ay gartaasi ku adkaatay , meel uu ka dhaafana garan waayay , waxaa isna maalintaa lagga guntay ” Boqole halagaa doono , oo boqole halagaa qadiyo , ilaahayoow adaa ka garnaqi ” .

Imika waa halkaase , Wasiiradii dhacay waxay taagan yihiin , Kulmiye u dhimo , oo kulmiye ku dhimo , ilaahayoow adaa ka garniqi .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here