Hoygaaga Hal Ka Eeg (Turn The Ship Around)

49
5305

 Axmedyaasin sh cumar axmed furre

Dhagahu way iixirnaayeen,,dhaqaaqna iguma jirin, jarbaan iga xigay dhinackasta, hiilna hadalkiisaba daa balse waxaa igu jiray ididiilo Habeenkii dhamaadaa wuxuu igu dhaafayay mugdi,maalintii timadaadaana waayaheeda ayay wadatay runtii madowbay gashay waxaa la isiiyay qooshkii xumaanta iyo wanaaga oo isku walaaqan yaa kuu kala saari Jahwareer,balse waxaan islahaa maruunbaad dhabadii saxda ah ku dhici doontaa.

Buug la yidhaahdo Turn the ship around oo uu qoray nin la yidhaahdo David Marque ayaa wuxuu si xirfadaysan oo fudud u sharxayaa hogaaminta wanaagsan ee dadka iyo dalba horumar gaadhsiin karta.

waxaa ku jira qisooyin maskaxdaada si dagan u gali kara fahankaagana balaadhi kara wuxuu odhanayaa qoraagu “Waxaa horumar la gaadhaa marka aad daaryeel iyo badbaado ku ilaaliso dal iyo dadkiisaba,isla markaa waxaa si fudud lagu helayaa in si midaysan dadku ugu huraan inay ilaashadaan maamulkaa ay nolosha wacan ka heleen”

buugani Turn the ship around wuxuu xoojinayaa in la abuuro jacayl iyo kalgacayl umadeed oo qofwaliba noqdo hogaamiye isagu xalka qaybtiisa gutta, la abuuro kalsooni iyo wadaniyad jacayl la aamino aqoonyahanka dalka joogaoo, la siiyo “empowerment” la dhiirigaliyo oo niyadooda kor loo qaado.

Dawladda Cusub waxay qaaday dhaqaaq togan oo dardargalisay aqoonyahanka dalka udhashay waxay abuurtay jawi wanaagsan oo kor uqaadaysa hanka da’yarta waxay seeftu qaaday wajiyo magac siyaasi huwanaa waqti dheer oo waxtarkoodu yaraa waxaa kaalintoodii galay dhiig cusub oo inta aragtida dheeri aad ugu farxeen,Arintan dadka intooda yari uma arkaan guul waayo Dhaqankeenu gaar ahaan dhaqanaddan danbe waxay dhiirigaliyaan in dadku seexdaan kuna raaxaystaa inay hurdada ku jiraan ilaa ay ka dhimanaayaan.

Noloshuna waxay macno yeelataa marka dadka xaaladoodu khatar gasho qofwalbana xanuunku taabto si ay u badbaadaana waxaa abuurma awood mid ah oo si wadjir ah xalka u raadiya, maantana awoodii midaysnayd ee isbedel doonka ahayd ayaa dhalisay in isbedel siyaasadeed yimaado.haddii aad eegto xubnaha gollaha cusub waxaa ka mid ah ragg dhisan aqoon iyo kartiba leh oo dalka daggan aan nasiimo ujoogin waa kuwan qaar ka mid ah:-Dr A.wali Sh. A.laahi Suufi Jibriil waa wasiirka cusub ee wasaaradda isgaadhsiinta iyo technolajiyadda Somaliland. Waa nin dhallinyaro ah oo sita shahaadadda PhD. Sidaas oo kale waa xaafidul quraan hadalkii Ilaahay xambaarsan. Ilaahay ha u fududeeyo xilka

Wasiir Cawad oo ah wasiirka Maalgashiga isaguna waa Masuul aqoon iyo kartiba leh aqoon dheeraad ahna waan uleeyahay waa prof jaamacadaha dhiga waa MBA sidoo kale waa dhalinyartii dakhliga dalka kor usoo qaaday dawlada siilaanyo

Wasiir Abdiqani wasiirka cadaalada waa nin da’yar oo Karti iyo aqoonba leh waxaanu mudan yahay in la teegeero.

Waxaan ku talinlahaa in loo duceeyo xilkaa loo igmaday Aqoonyahanka dalka joogana la maalgashado oo lagu aamino xil iyo xoolaba ……………….alle ha ufududeeyo

W/qoray: Ahmedyasin sh cumar ahmed furre

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here