Kaalinta Ay Madowgu Ku Lahaayeen Taariikhda Islaamka: Wada Xaajoodka, Dagaalka Iyo Cilmiga (Q:2)

0
884

Kaalinta muuqata iyo xurmada ay dadka madowga ahi ku dhex lahaayeen Islaamku waxa ay la soo bilaabatay bilowgii Islaamka, sida ay taariikhdu xusaysana waxa ay aad uga ag dhowaayeen Nebi Muxamed (SCW) oo soo dhoweynta uu u hayey ay gaadhsiisnayd in xitaa loo ogolaaday in ay ciyaarahooda dhaqanka ah ku dhex qabsadaan Masjidka barakaysan ee Nebiga.

Asxaabta madowga ahayd ee qisadoodu la xidhiidho Nebi Muxamed waxaa isaguna ka mid ahaa asxaabigii Julaybiib oo uu rasuulku u doonay gabadh uu dhalay nin asxaabtiisii ansaarta ka mid ahaa. Asxaabigan oo muddo gaaban kaddib muslimnimadiisii Shahiiday maalintii uu dhintay waxa uu nebi muxamed (SCW) sheegay ereyo uu ku muujinayo in asxaabigaasi uu dhinaciisa yahay ama isaga ka mid ahaa. Julaybiib maydkiisa nebiga ayaa gacantiisa ku qaaday.

Waxaa isna taariikhdu xustaa asxaabigii Abi Xudayfa oo la sheegay in uu ahaa nin madow ah, inkasta oo uu dhalasho ahaan Carab ahaa. Asxaabiyaddii Umu Ayman oo Xabashiyad ahayd ayaa iyaduna ka mid ahayd dadka madowga ahaa ee nebiga ka ag dhowaa. Gaar ahaan ka mid ahayd haweenkii nebiga yaraantiisii soo koriyey, isla markaana hooyo u ahayd Usaama Bin Say doo ahaa gacanyarihii nebi muxamed (SCW) oo isaga qudhiisu midabka madowga ah hooyadii ka raacay.

Marka aynu taariikhdii dambe ee Islaamka dib ugu soo noqonno waxa aan la illaawi Karin Yasiid Bin Abi Xabiib A-Nuubi oo ka mid ahaa culimadii ugu caansanayd dhinaca cilmiga iyo fikrika ee aqoonta islaamka. Yasiid oo geeriyooday 128 hijriyadu waxa uu asal ahaan ahaa nin Afrikaan ah oo ay taariikhdu xustay in uu ka soo jeeday dhulka Amxaarada. Waxa uu ahaa muftigii reer Masar, waxaana lagu tilmaamaa culimada ugu caansanayd ee xilligiisii jirtay. Waxa uu ahaa Sheekhii ugu horreeyey ee dadka reer Masar oo aqoonta ay hayaan u badnayd qisaska iyo taariikhda ku soo kordhiyey cilmiga fiqiga, kalana baray xalaasha iyo Xaraamtaa shareecada Islaamku xustay.

Qisaska xiisaha leh ee laga sheego hal adayga iyo dhiirranaanta Yasiid waxaa ka mid ah in maalin maalmaha ka mid ah uu u yimi amiirkii Masar oo fatwo ka doonayaa. Waxa uu weydiiyey in salaaddu ay ku ansaxayso maro uu ku yaallo dhiig kaneeco lagu dul dilay? Yasiid oo amiirkan kelitalisnimadiisa iyo dadka badan ee uu macno darrada u dili jiray ogaa su’aashii kama uu jawaabin ee wuu ka weji dadbay. Laakiin amiirkii dan kama uu gelin is diidsiinta Yasiid ee su’aashii ayaa uu ku celiyey. Yasiidna waxa uu ugu jawaabay, “Maalin kasta khalqi Alle ayaa aad dishaa, markaasaad I weydiinaysaa dhiig kaneeco”

Kaalinta ay dadka asalkoodu madowga yahay ku lahaayeen Islaamku kuma koobna dagaalka, cilmiga iyo wada xaajoodka, balse waxa kale oo ay kaalin muuqata ku lahaayeen siyaasadda iyo hoggaanka dawladihii hore ee muslimka. Waxa ay gaadheen xilal sare oo wasiirnimo, amiir iyo badhasaab isugu jira.

Dadka ugu caansan ee xilalka qabtay waxaa ka mid ahaa Amiirkii Masar ee Kaafuur Al-Ikhshiidi oo geeriyooday 356 Hijriyada. Waxa ay taariikhdu xusaysaa in muddo xileedkiisii uu qabtay shaqo aan hortii la qaban iyo horumar aanay raggii ka horreeyey ku riyoon.  Dhammaad.