Waa Maxay Sababta Ay Dadka Qaar U Seexdaan Isla Marka Ay Bunka Cabbaan, Kuwo Kalana Hurdo U Waayaan (Q.2)

0
614

Qaybtii labaad ee Warbixin  lagu daabacay shabakadda wararka ee ‘Lisa’ oo dalka Ruushka laga leeyahay, oo Maria Sidova ay ku sheegtay in ay jiraan sababo door ah oo keena in qofku isaga oo bun cabbay uu haddana hurdo dareemo.

Hargab ama daal

In aad hurdo doonto ama lulooto adiga oo bun cabbaya ama dhowaan cabbay waxa ay calaamad u tahay in daal badan oo jidheed uu ku hayo, ama aad qabto hargab.

Daal iyo hargabkuba waxa ay habdhiska neerfaha ku keenaan xasilooni darro badan, sidaas awgeed xaaladahan oo kale bunku ma laha awood uu ku soo celin karo tamarta jidhka. Taas beddelkeedana waxa uu qofka ku sii ridaa burbur iyo wahsi badan oo ku dambeeya hurdo. Haddii aad xaaladdan oo kale isku aragto waa in aad dhaqso u nasataa.

Waxaa xusid mudan in ay jiraan habab aan ahayn bun cabbis oo uu qofku subaxdii firfircoonida jidhka ka raadin karo. Waxaa ka mid ah in koob biyo diirran ah la cabbo caloosha oo madhan. Waxa uu caawiyaa in miisaanku hoos u dhaco iyo in jidhku ka baraarugo raadadka hurdadii habeennimo kaga tagtay.

Caanaha iyo Caffein

Maadadda Caffeine oo bunku uu yahay ilaha ugu badan ee laga helo, haddii lagu daro caano, waxa ay keentaa dhibaato dhinaca dheefshiidka ah. Caffein iyo barootiinta caanuhu waxa ay hab-dhiska dheefshiidka ku keenaan gaabis. Gaabiskaasi waxa uu sababayaa in jidhku uu hore u nuugi kari waayo maadaddii Caffeine ee bunka ku jirtay, sidaas awgeed ay maskaxda goor dambe gaadho iyada oo uu qofku u qaatay in bunku aanu wax raad ah ku keenin.

Waxa ay khubaradu sheegeen in bunka caanaha lihi aanu dhinaca saamaynta maadadda Caffeine ta la mid ahayd bunka bigayska ah. Sidaas awgeed haddii aad Caffeine u baahantahay bunka bilaa caano ku cab.

Intee ugu badan bunka aan cabbi karo?

Xeeldheereyaashu waxa ay qiyaasayaan in qofka qaan-gaadhka ahi uu maalintii cabbo qiyaas ah 4 boqol oo miligaraam oo Caffeine ah, waxa ay u dhigantaa saddex illaa afar koob oo bun ah. Nooca Caffeine ta iyo tayadeeda ayaa iyaguna ka qaybqaata raadadka ay qofka ku yeelanayso. Waxa se laga digay in uu qofku uu halkii mar cabbo wax ka badan 2 boqol oo miligaraam.