Golaha Wakiillada Oo Maanta U Codaynaya Xubnaha WADDANI Iyo UCID U Soo Xusheen Komiishanka Doorashooyinka

0
480

Hargeysa (Geeska) ā€“ Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Maanta yeelanaya Fadhi aan Caadi ahayn.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland ayaa la isugu yeedhay inay fadhi ka yeeshaan labada Xubnood ee Xisbiyada WADDANI iyo UCID uu u soo xuleen inay uga mid noqdaan Komiishanka cusub ee doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Labadan Xubnood ayaa waxa dhukumantiyadooda u gudbiyey Golaha Wakiillada Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, si ay u meel-mariyaan oo ay uga mid noqdaan Komiishanka cusub ee doorashooyinka.

Labada Xubnood ayaa kala ah Cabdifataax Ibraahim Xasan oo Xisbiga UCID u soo Magacaabay inuu Komiishanka uga mid noqdo iyo Cabdikariin Yaasiin Sheekh Dalmar oo Xisbiga WADDANI soo Magacaabay.

Labada Xubnood ee WADDANI iyo UCID u soo xuleen Komiishanka cusub ayaa waxa hore u diiday inay ansixiyaan Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, laakiin Madaxweynaha ayaa dib ugu soo celiyey, ka dib markii ay ka wada-hadleen Hoggaamiyeyaasha xisbiyada Mucaaradka ah.