Kaadhka Talefanka Gacanta Oo Kale Ayaa Maskaxdaada La Gelinayaa Si Uu Uga Caawiyo Nidaaminta Shaqadeeda

43
4551

Washington (Geeska)- Saynisyahanno u dhashay dalka Maraykanka ayaa ku guulaystay in taariikhda markii ugu horreysay ay suurtogasho in maskaxda qofka la geliyo kaadh xogside ah, sida kaadhka talefanka gacanta ama kombiyuutarrada oo awood u leh in uu curiyo hirar birlab-danabeed oo maskada awood u siinaya in ay nidaamiso hab-macaamilkeeda iyo shucuurteeda.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Alcarabiya ayaa sheegaya in tijaabooyin cilmiya oo ay sameeyeen saynisyahanno ka kala tirsan jaamacadda California ee dalka Maraykanka iyo cisbitaalka Massachusetts isla markaana ay dusha ka eegaysay waaxda mashaariicda cilmibaadhista ee wasaaradda difaaca Maraykanka lagu ogaaday in kaadhkaasi awoodi karayo in uu akhriyo qaybta birlab-danabeedka maskaxda, iyo in uu la falgeli karo shaqada xubnaha iyo habdhisyada jidhka iyo unugyada oo ah waxa afka qalaad lagu yidhaahdo (Physiology), kadibna uu dhalinayo hirar birlab-danabeed oo shaqada maskaxda ku jihaynaya meelo hore loogu sii cayimay kaadhka barnaamijkiisa.

Kaadhkan waxaa lagu tijaabiyey lix qof si loo garto habkiisa hawlgudasho iyo falcelinta caafimaad ee ka dhalan karta, waxa aanay saynishayannada hindisay ka rajo qabaan in kaadhkan loo adeegsan doono dabiibka xaaladaha nafsiga sida qulubka, iskubuuqa iyo khalkhalka masiibada kadib qofka lagu arko.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here