“Haddii Cadaaladu Hagaagto, Hanti Umadeed Oo La Lunsanayaana Ma Jirayso”

0
1210

Xildhibaan Siciid-gaane

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Guddida Deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ee Golaha Wakiilada Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), ayaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ugu baaqay inuu kaga dhabeeyo ficilna u bedelo hadalada ka soo yeedhaya, waxaanu uga digay inuu faragelinta Hay’addaha Garsoorka iyo Sharci-dejinta, oo uu xusay in Xukuumadduhu hore faragelin ku hayeen.

Guddoomiyaha Guddida Deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ee Golaha Wakiilada Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in haddii cadaaladu hagaagto, in wax walba hagaagayaan, waxaanu ugu horeyn yidhi“Hadalada uu ku hadlayo Muuse Biixi, waxay u eeg yihiin hadalo wanaagsan, waxaana leeyahay waxaad aad ku dhawaaqday inaad kaga dhabeeyso ayaa lagaa doonayaa, Hay’addaha Garsoorka iyo Sharci-dejintana hawlahooda waa inuu u daayo, farahana la soo gelin, faragelintii ay Xukuumaddihii hore ku hayeena waa inuu ka digtoonaada”.

Xildhibaan Siciid Gaane oo mar uu ka hadlaayey hantida qaranka, maceeshada iyo sicir bararka ayaa yidhi “Nidaamkii qaranka ayaa dunsan, hawlo badan baana u yaala Madaxweynaha, laakiin hadaladaas ka soo yeedhaya oo uu kaga dhabeeyo ayaa wax lagaga qaban karaa, waxaana u horeeysa Cadaalada, iyo go’aanka adag ee uu ku dhawaaqay, waxa run ah haddi Cadaaladu hagaagto, go’aankaas adagna uu ficil u bedelo, in sicir bararna jirayan, hanti umadeed oo la lunsanayaana aanay jirayan”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here