Hargeysa Oo Lagu Soo Bandhigay Buug Uu Qoray Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)

0
716

Hargeysa (Geeska) – Waxa hotelka Maansoor ee magaalada Hargaysa lagu soo bandhigay buugga Hawaale Warran oo uu qoray abwaan Maxammed Ibraahin Warsame (Hadraawi).

Abwaanka ayaa buuggan kaga sheekaynaya noloshiisa, taariikhda Soomaalida gumaystihii ka hor, kadib, dowladdii kacaanka, burburkii iyo mustaqbalka.

Inkasta oo uu Hadraawi xanuunsanayo oo aanu xafladda ka qayb-gelin, haddana waxa soo buux dhaafiyay kumanaan qof oo ku koray dhagaysiga suugaanta Abwaanka, Qorayaal, Suugaanyahano, Ganacsato iyo Siyaasiyiin.

“Maxammed Ibraahin Warsame, macalin joogto ah ayuu ahaa, la socodkiisa ayaad wax ka baranaysey” sida waxa Hadraawi ku sifeeyey qoraaga caan ka ah ee Boobe Yuusuf Ducaale oo ay saaxiibo dhaw yihiin Abwaanka.

Prof: Xuseen Bulxan oo abwaanka aqoon gaar ah  leh, ayaa isna sheegay in Hadraawi uu ka tagayo dhaxal ma guurto ah “Hadraawi waxa uu inoo qabtay inaga iyo jiilasha soo socda lama tirin karo” ayuu yidhi.

Bulxan ayaa dhinaca kale sheegay in Hadraawi uu aha macalin nololeed oo dhaqanka iyo hidaha Soomaalidu ku wayn yahay.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa sifeeyay waxtarka iyo wax qabadkii Hadraawi “Hadraawi wuxuu ahaa macalin, wuxu ahaa abwaan, wuxuu aha halgamaa” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Hadraawi wuxuu ahaa samafale, anigoo safaaradii Moscow jooga ayuu ila soo hadlay si nin mujaahid ahaa aan dhakhtar u geeyo”

Wasiirka arrimaha gudaha Maxammed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in Hadraawi uu yahay Abwaan aan ku bakhaylin in uu sheego libta suuganyahanka kale “Had iyo jeer suugaanyahanku way tartamaan, ninka Hadraawi bakhayl kama aha in uu qiro raga suuganyahan ka ah” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Waxa ka markhaati ah, ragga ugu badan ee uu ku hal-qabsado Dun-carbeed baa ka mida, wuxuu ku hal-qabsadaa Xasan Ganey..”

Xafladda lagu soo bandhigay buugga ayaa sidoo kale waxa lagu soo bandhigay sugaan kala duwan oo uu Abwaanku curiyay.

Ugu dambayn, waxa xusid mudan inuu Buuggan muddo 10 sano ku dhow uu Tifaftirayey Maxamed Saleebaan Cumar oo xilligan ah Agaasimaha Maamulka iyo lacagta ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

 

Geeska.net/Hargeisa Office