Eng. Maxamed Xaashi Oo Ka Dayriyay Xaaladda Uu Dalku Marayo, Madaxweyne Siilaayana Ugu Baaqay Inuu Is Casilo, Dawlad Ku Meelgaadh Ahna La Sameeyo

0
476

Picture8Hargeysa (Geeska)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Eng: Maxamed Xaashi CIlmi, ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xaaladda siyaasadeed ee uu wadanku marayo iyo qodobo kale.

Eng. Xaashi oo ah siyaasigii 100% kordhiyay mushaharka shaqaalaha dawladda islamarkaana bilaash ka dhigay waxbarashada dugsiyada dawladda wakhtigii uu ahaa wasiirka maaliyadda Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu ku baaqay in la isugu yimaado tallo inta aanay xaaladu sii xumaanin, waxaanu Madaxweynaha ugu baaqay inuu is casilo. Eng: Maxamed Xaashi Cilmi ayaa sidoo kale sheegay in Xisbul Xaakimka Kulmiye aanu khaladka ka qaban Xukuumadda, ee uu daawado, “Waxa muhiim ah inaynu ku dedaalno inaynu nidaamkeena hagaajisano, si aynu Aqoonsi u helno, laakiin waxyaabo badan ayaa inaga silan, markaas si uu Maamulku u tooso, una hagaago, wixii Sharciya iyo Dastuurka Dalka in la raaco oo aan laga leexan ayey ku wanaagsan tahay, waxaana hadda jira waxyaabo badan oo inaga qasan, oo ay tahay in la toosiyo, waxa ina soo food saaray Maamul balaadhan oo aan loo baahnayn, in la dhiso, Maamulkaasina kharashkiisa ayuu wata, dadkiina waxa uu u qeybsamay dad Milyaneer noqotay ama noqonaysa, oo Xoolo urursanaysa iyo Dhalinyaro fara badan oo aan shaqo haynin oo Sannad walba Jaamacadaha ka soo baxaya, oo Shaqo la’aantii ayaa aad u batay, oo waxa ay taasina keenaysa in Nabadii iyo Xasiloondii dalka ay dhaawacdo, waxaana haboon in dadkan danyarta ah ama Saboolka ah in sare loo qaado, oo la soo kiciyo, oo Musuqmaasuqana in la dhimo oo la baabiyo, oo dad waxoogii hagaajisanaya aynu noqono, ayaa meesha ku jirta” ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.

Eng: Maxamed Xaashi Cilmi oo Xukuumadda ku eedayey iibka Hantida, Dhulka iyo Guryaha Dawladda ayaa yidhi “Fasahaadka  imika lagu jiro waxa ka mida ah  Dhulka iyo Daaraha Dawladda ee la iibinayo, oo si Sharciya aan loo iibinaynee ee ciddii la doono la siinayo, Daar ayaa la odhanaya Hebel ayaa la siiyey ee muxuu ku mutaystay, ayaa haboon in la is weydiiyo, laakiin Madaxweyne walbaaba inuu yidhaahdo ku doono waan siiyey, oo Nin walba Daartu u soo qabsado,meesha kuma jirto. Waxa kale oo jira meelihii taariikhiga ahaa ee Dhulka iyo Daaraha ahaa ee ku fiicnayd in la ilaaliyo, oo ay ka mid tahay kheyriyada, oo aanay Dawladdu lahayn, oo walibana Dadweynuhu dhisteen, halgan ayaa lagu soo galay, wakhtigii isticmaarka, meelihii lagaga shaqaynayey xoreynta dalka ayey ahayd, Taariikh ayey ahayd in la bixiyo may ahayn, Boosta iyo Laybareeriga, in lagu soo warwreego may ahayn, ee in la daayo oo sideeda ahaato ayaa ahayd”. Eng Maxamed Xaashi wuxuu ka dayriyay qorshe ah in la iibinayo laynka Bilayska Hargeysa oo uu ku tilmaamay ayaan daradii ugu weynayd,  “Laynka Bilayska amar ayuu ku bixiyey Taliyaha Booliska, oo dadkii ku jiray ka baxa ayuu ku yidhi, kii odhan lahaa ka baxa maaha, ee kolka la yidhaahdo ha laga saaro, waxa uu ahaan lahaa ka is casila, waayo waxa uu Ingiriisku halkaas uga dhigay ee uu dajiyey Booliska ayaa ah Magaalada badhtankeedii, waa meel muhiim ah, markaas in iyaga laga raro, waxa la liita oo ka talo xuni ma jirto, markaas inuu Taliyuhu idhaahdo maaha waa amar iga sareeya, ee amarka ka sareeya inuu u aqli celiyo ayey ahayd, dad baahan, oo aan kiro iska bixin karin, oo la yidhi ka baxa, oo waxa ay qaatana aanay kiro ugu filnayn waa jab, loogu talagalay”. Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Xoolahan la iibinaya dadka uma dhexeeyaan, Qandaraas inta lagu bixiyo dadku uma baratamayaan, oo waxa loo siman yahay maaha, ee Ninka la doonayo ayaa loogu yeedhaya, waana arin fool xun, Madaxtooyadiina waxa ku soo ururtay, Lacago ay la wareegto, Lacagtasina waxa ay baabisay nidaamkii iyo kalsoonidii iyo Sharicigii Sagashanaad ee Dastuurka ee qeexayey waajibka Madaxweynaha, ayey dhaawac weyn u geystay, in Lacag iyo Dhul in Madaxtooyadu ku mashquusho may ahayn ee Wasiiro iyo Hay’addo ayey u magacaabataa, ee kuwaas ayey ahayd inay hawshooda qabtaan, iyana dusha ka ilaaliso, waxa baabay Odhotkii, Hanti dhawrihii, Cadaaladii, Dastuurkii ayaa la baalmaray, oo arintii Qandaraasyada waxa loo magacaabay dhawr Wasiir iyo Guddoomiyaha Guddida

Qandaraasyada, Qofka ay doonaan ayey siinayaan,  waxa loo gudboona ayey ahayd, balse looga gudboona, iyaguna waxa ay ku soo fara galiyaan oo shaqadooda ah may ahayn, Guddida Qandaraaska ee Mushaharka lagu siiyo, ayey ahayd inay arintaas ka shaqayso, halkaasna khasaare ayaa inagaga socda”. Maxamed Xaashi Cilmi wuxuu golaha wakiilada ku eedeeyay inay gabeen hawshoodii, waxaanu yidhi     “Barlamaanku hawshiisi ayuu gabay, oo uu dhan u socdo aan la garaynin, waxa jiray in Dhawr Wargeys la xidhay, in la ixdhana khalad ayey ahayd, dad ayaa ka shaqaysanayey, cidii dambi lagu qaadayo in Xeerka Saxaafadda lagui qaado ayey ahayd, xeerkii Saxaafadda laguma qaadin ee Xeerkii Faqashta ayaa lagu qaaday, Barlamaankuna ma odhan karo Xeerkii aanu gudbinay ee Saxaafadda ee Uu Madaxweynuhu saxeexay ha lagu dhaqmo, qolo Yuusuf Cabdi Gaboobe iska dhigay inay wax u qabanayaan ayaa is urursaday, waxa ay ahayd in arinta Golahooda kaga hadlaan, oo Xeerkii Saxaafadda maxa lagu qaadi waayey, inay halkaas ka doodan ayey ahayd, , waxaanad arkaysaa inuu Barlamaanku hawshiisi gabay, oo Dhulkan la ibiinayo iyo Sharci darada kama hadlo”. Eng Maxamed Xaashi isaga oo ka hadlaya Hanti Dhawrka iyo Xeer Ilaaliyaha ayaa yidhi “Hanti Dhawraha waxa magacaaba Madaxweynaha, Barlamaanka ayaa ansixiya, laakiin marka la eryayo Madaxweynuhuun ayaa erya, Barlamaan laga ansixayaana ma jiro, dambi lagu soo oogana ma jiro, markaas ma soo qaadi karo Musuq Madaxtooyadu gasho, xeer ilaalintuna waa sidaas si leego, oo Xeer Madaxtooyadu jabisay ma soo qaadi karo, waxa aanu u soo qaadi karayn, in Xeer ilaaliyaha uu isna Madaxweynuhu magacaabo oo Barlamaanka laga ansixiyaa, balse marka la eriyayo Madaxweynaha ayaa erya”. Maxamed Xaashi mar uu ka hadlaayey xeerka maamuska ee Madaxweynaha iyo Madaxaweyne ku xigeenka ayaa yidhi “Waxa jira xeerka Maamuska Madaxweynaha iyo Madaxeyne ku xigeenka waxa ay yidhaahdeen, Barlamaanku si aanu u ansixino, anaga waa in lana siiya Ninkii Doorashada waaya Sannad Mushaharkii, sidi ayaa lagu qoray, waana laaluush, Nimankii Madaxtooyada toosin lahaa ayaa la bayactamaya Madaxtooyadii oo walbana Lacag kula bayactamaya, waana nasiib daro weyn”  Maxamed Xaashi Cilmi mar uu ka hadlayey qorshe ay si wada jir ah oo qarsoon u wadaan Xukuumadda  iyo Labada Gole oo ah muddo kordhin ayaa yidhi “Waxaana loo kordhiyey hadda Sannad Mushaharkii Labada Gole oo looga bilaabayo Sannadkan soo socda, oo Labada Goleba min Kun Doolar ayaa loogu kordhiyey, taasina waxa ay daaran tahay in Muddo kordhin loo sameeyo, oo iyagu kordhistaan, oo Lacagtaas badan qaataan, iyaguna Madaxweynaha u kordhiyaan,  Labada Goleba Sharci kuma fadhiyaan, Xukuumadduna waxa yar ayaa u hadhay, iyana waatan la doonayo in muddada loo kordhiyo, Saddexdaasi marka ay halkaas wada maraan Dawlad Sharci ku dhisani ma jirto, intii yarayd ee aynu ku faanaynay, ee aynu odhan jirnay wax ayaanu doorana meesha ayey ka baxaysaa, markaas inaga ayaa Somaliya ka sii xumanayna marka la eego sida ay waxa u socdaan”. Maxamed Xaashi Cilmi mar uu ka hadlaya Garsoorka dalka iyo Guddida Cadaalada ayaa yidhi “Guddidii Cadaalada ee ahayd inay shaqayso ayaan shaqayn, Guddida Cadaalada waxa ay ahayd inay ka madax banaanato oo aanay ku jirn Garsoorka, Guddida Cadaalada ee Maanta inoo dhisani, waxa Guddoomiye u ah Guddoomiyaha Maxkamada sare, Labada Garsoore ee isaga ku xigaana, Xubno ayey ka yihiin, Xeer ilaaliyaha guud isna xubin ayuu ka yahay, markaas Afar Garsoore, ayaa ku jira, markaas cidda iyaga ka ashkatoonaysa yey u tagaysaa”. Maxamed Xaashi oo hadalkiisa sii wataa kana hadlaya Madaxweynayaashii dalka soo maray, waxa uu yidhi “Madaxweynayaashii dhintay ILLAAHAY ha u naxiisto, laakiin Daahir Rayaale Kaahin iyo Sillaanyo waa isku mid, sidii Daahir Rayaale u waday ayuu kana u wadaa, Dekadi sidii ayey ugu socotaa, Wasaaradda Macdantu sidi ay kii hore ugu socotay ayey kana ugu socotaa, waxa uu ka badalay meesha ma jirto, dhibaato weyn ayaa dalkii ka taagan”.

Eng: Maxamed Xaashi ayaa mar uu ka hadlay Siyaasada Xisbiga Kulmiye iyo doorka uu ku leeyahay Siyaasada Xukuumadda ayaa yidhi “Waxa nasiib daro ah in Xisbul xaakimku aanu hagaajinayn Xukuumaddiisi, oo aanu ka hadlaynin khaladaadka Maanta jira, ee waxa ay ka hadlaan Kursi ay isku haystaan, ee waxaas ayaa inaga khaldan haddii aynu XIsbul xaakimka nahay caqligooda kuma soo dhacdo, waana nasiib daro taala”.

Maxamed Xaashi oo ka hadlaya  Labada Xisbi Mucaarad iyo doorka ay ku leeyihiin Siyaasada dalka ayaa yidhi  “Labada Xisbi Mucaarad, waxa aad mooda in marka hore Xukuumaddu dooratay, markii Ururada la kala shaandhaynayey, inay iyadu la soo baxday, Labada Nin ee Madaxda u ahi Labada Xisbi Mucaarad xitaa lama tashadaan Xisbiyadooda, oo marka go’aan la gaadhayo waa loo yeedha iyana wey tagaan, oo wixii markaas la yidhaahdo, ayey halkaas ka yidhaahdaan”.   Maxamed Xaashi wuxuu sheegay inaan sidan lagu sii jirin, waxaanu ku taliyay in tallo la isugu yimaado, waxaanu yidhi “Sidan laguma socon karo, waxa lagu dhaqmi karo maaha, waa in dadku ka tashadaa, oo wixii laga yeelayo meel la isla dhigaa, oo waliba la sameeysta dawlad ku meel gaadh ah oo inagu sinta Doorashooyinka dalka, oo hanaan cusub oo caafimaad qaba aynu qaadanaa, waayo burbur ayeynu fooda saarnay, ta kale in reeraha lagu raaligelinayo Wasiiro loo magacaabo, waa arinta Xukuumaddii Daahir Rayaake gaadhsiiyey dhawr iyo Konton Wasiir, Xukuumaddana gaadhsiiyey 47-ka Wasiir, intaas oo Wasiir waa kharash soo kordhay, waxaanad arkaysa marka arin yari meel ka dhacdo sidii Gabiley, in intaas oo Wasiir tagayaan, oo waxa loo baahnaa in Wasaaradda Arrimaha Guddaha  oo arintan qaabilsani inay hawsha gasho, Cuqaal iyo Salaadiin ayaa jira, oo Wasiirka Arrimaha Guddaha inuu dadkaas adeegsado ayey ahayd, reer Hebel cidna looma dhaarin, waxa loo dhaariyey, inuu daacad u yahay Diinta Islaamka, dalka Somaliland daacad u yahay, dadkana uu simayo, oo cadaalad  uu ku simayo inta uu xilka hayo,Madaxweyne sidan lagu jeclanayaana ma jiro, ee caydan meel walba ku jira ilaa Tiknooliyadan Casriga sida Internet-ka waa wax ay kasbadeen ”.

Maxamed Xaashi Cilmi ayaa wuxuu Madaxweynaha ugu baaqay inuu magaciisa iyo sharaftiisa ilaashado oo uu is casilo, “Sidan waxba ku socon mayaan ee waxa aan odhan lahaa Magacii Madaxweynaha iyo Halgankii yaanu halkaas ku burburin, oo halkaas ku baabin, ee Madaxweynoow fikrad dambe u noqo, oo sidan wax ku socon mayaana ee  is casil, dawlad ku meel gaadh ahna ha la sameeyo oo Sharicyada inoo hagaajisa.” Eng Maxamed Xaashi mar uu ka hadlaayey shaqo la’aanta dalka  ka jirta ee saamaysay dhallinyarada wuxuu yidhi  “Dhalinyaro badan ayaa Tahriibkii inagaga dhintay, Dhalinyaro badan ayaa bilaa shaqo ah, Dhalinyaro badan ayaa Jaamacadaha ka soo baxaya, markaas haddii Dhalinyarada la jihayn waayo Nabadgeliyadii meesha wey ka baxaysaa, markaas in loo sameeyo Lacag lagu caawiyo, oo dadka Saboolka ah fara qabsi looga dhigo, oo danyarta sida kuwa iibiya Caanaha iyo Khudrada, in inta Guruubyo loo sameeyo oo haddii Labatan Malyuun la siiyo wax badan ayey u tari lahayd. La soco cadadka dambe iyo waraysiga Maxamed Xaashi