Ka Bax Nacdalyahow: Waa Masraxiyad Uu Hal-Abuuray Saddaam Xuseen, Oo Dhowaan Loo Turjumay Afingiriisi

0
761

1London (Geeska)- Shirkadda daabacista ee dalka Ingiriiska Printing Press ayaa gacanta ku haysa turjumidda masraxiyada ‘Ka bax nacdalyahow’ oo ka mid ah hal-abuurradii madaxweynihii hore ee Ciraaq Saddaam Xuseen, waxa aanu qorshaha shirkaddu yahay in qisadan oo qoraal ah la baahiyo bisha Diisambar ee sannadka foodda innagu so ohayo, oo noqonaysa 10 sano kadib dilkii madaxweyne Saddaam. Waa markii ugu horreysay ee afingiriisi loo turjumo masraxiyaddan oo tii ugu dambaysay qoraallo iyo suugaan kala duwan oo uu lahaa Saddaam Xuseen, laakiin waxaa hore loogu turjumay afafka Turkiga iyo Jabbaanka.

Masraxiyadda “Ukhruj Minhaa Yaa Malcuun” ayaa hab-faneed aad u xiise badan u soo bandhigaysa qiso malo-awaal ah oo tilmaamaysa ummad 1500 oo sano ka hor ku noolayd daafaha webiga Furaat ee mara dalka Ciraaq, waxa ay soo bandhigaysaa dhibaato duulkaas ka soo gaadhay dagaallo joogto ah iyo difaaca dhulkooda oo ay ka hor joogeen ummado duullaan ku ahaa, iyaga oo diiddan in dhulkooda laga qaado, ilaashanayana noloshooda iyo hab-nololeedkooda oo ahaa kii casriyadii hore.

Masraxiyaddan weli magac rasmi ah oo Afingiriisi ah looma samayn, laakiin afafka kale ee loo turjumay waxa ay u sameeyeen magacyo inyar ka duwan kan uu Saddaam Xuseen u bixiyey marka uu Afcarabiga ku qorayey oo ah kan aynu qormadanna ku sheegnay, magacyada kale ee loo bixiyey waxaa ka mid ah, “Fogow Shaydaan yahow” iyo “Jaaskii Shaydaanka”

Sida lagu sheegay warbixin uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska The Guardian ee ka soo baxa carriga Ingiriis, masraxiyaddani sooma ay if baxdeen, haddii aanay Saddaam inantiisa uu aadka u jeclaa ee Raqad Saddaam Xuseen, aanay markii ay sannadkii 2003da ka soo qaxaysay Ciraaq oo markaas gacanta u gashay Isbahaysigii Maraykanku hoggaaminayey ee xukunka ka tuuray Saddaam Xuseen, Raqda waxa ay masraxiyaddan oo far-qoraalkii aabaheed ku qoran u qaadatay dalka Urdun ee ay illaa hadda deggen tahay, sannadkii 2005ta ayaana la faafiyey, laakiin berigaas markiiba si degdeg ah ayaa dib looga ururiyey suuqyada kutubkta iyo xarumaha daabicista iyo faafinta, kadib markii dalkaas laga mamnuucay daabicista iyo faafinta Masraxiyadda, taas oo keentay in si qarsoodi ah loo daabaco marar badan kutub xambaarsan masraxiyaddan oo aan ahayn nuskhaddii asalka ahayd ama qaladaad badani ku jiraan.

Saddaam Xuseen oo ah da’dii dhalatay 1937kii waxa uu dalka Ciraaq hoggaaminayey intii u dhexeysay sannadkii 1979kii illaa 2003dii, markii xukunka laga tuuray, muddo kadib ayaa ay ciidamada Maraykanku qabteen, maxkamad garsoorkeeda iyo sharciyadda dhismaheedaba aad looga hadlay ayaana ku xukuntay dil dal-dalaad ah oo lagu fuliyey maalin ciideed carafo ah oo ku beegnayd 30kii Diisambar 2006dii.