Jimicsiga Jidhku Waxa Uu U Fiican Yahay Xakamaynta Cudurka Xiiqda

0
988

Brasilia (Geeska)- Cilmibaadhis caafimaad oo dhowaan soo baxday ayaa daahfurtay in dadka qaba cudurka Xiiqda ee xaaladdiisu dhexdhexaadka tahay ama aad u daran tahay, ee dawada ay cunaan ku dara jimicsi jidhka ah ay aad ugu fududaato in ay xakameeyaan xaaladaha kala duwan eek a dhasha cudurka xiiqda, marka la barbar dhigo dadka iyagu dawada oo keliya ku ekaada.

Cilmibaadhistu tijaabo ay samaysay waxa ay ku ogaatay in dad xiiq qabay oo muddo saddex bilood ahayd caado ka dhigtay in ay ku dul socdaan mishiinka socodka ay hoos u noqdeen lab aka mid ah sababa xiiqda ee keena in neefsigu ku adkaado qofka, kuwaas oo ah caabuqa iyo xasaasiyadda daran ee ku dhaca neefmariinka dadka xiiqda qaba.  Dr. Dr. Celso Carvalho oo ah cilmibaadhe ka tirsan kuliyadda caafimaadka ee jaamacadda Sao Paulo ee dalka Brazil, isla markaana hoggaaminayey kooxda cilmibaadhistan samasay ayaa sheegay in jimicsigu uu si weyn u caawinayo xitaa bukaanka xiiqda ee sida joogtada ah dawada ku qaata, maadaama oo cilmibaadhistani caddaysay in jimicsiga jidhku uu si weyn ula dagaalamo caabuqa dadka qaba xiiqda, isla markaana uu xoojinayo waxtarka dawada xiiqda ee qofku uu qaadanayo.