Beer Iyo Ceel Biyood Uu Lahaa Asxaabigii Weynaa Ee Cusmaan Bin Cafaan (R.C) Oo Weli Shaqeeya Iyo Sida Loo Maamulo Hantidan Oo Uu Waqafka U Bixiyey (Q:2)

0
669

Picture10Maddiina (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee taxanihii uu wargeyska Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayey qiso uu afsoomaali u rogay oo ka waramaysa ceel uu asxaabigaa weyni lahaa oo muddadaa dheer illaa imika aan gudhin iyo beer uu ceelku ku dhex yaallay iyo sida ay dawladda Sucuudigu u maamusho. Yuhuudigu waxa uu filayey in ay dadka badankoodu isaga maalintiisa u soo baydhi doonaan, oo halkaasna uu ka heli doono lacag badan. Nasiib darro se’ sidaas ma’ay noqon.

Waxa uu Yuhuudigii u qaadan waayey markii maalmo yar gudahood ay si aan suurtogal noqon karin hoos ugu dhaceen dadkii biyaha ka iibsanayey, qofaf teel-teel ah ayaa u imanayey oo ka war la’aa sababta dadkii kale ku maqan yihiin, ama dad tiro yar oo si kedis ah biyuhu uga go’een oo aan sugi karin maalinta xigta.

Yuhuudigii oo aad u yaabban ayaa raadiyey sababta dadkii biyaha iibsanayey yaraysay, waxa aanu ogaaday in asxaabigii ceelka la’ lahaa ee Cusmaan Bin Cafaa uu maalintiisa biyaha ku bixiyo Hor Alle, oo uu sadaqaystay in qof kastaa uu inta uu doonayo dhaansan karo. Sidaa awgeed ay dadkii oo dhami u guureen maalinta Cusmaan u leeyahay kaltanka ceelka si ay u soo dhaansadaan biyahaas bilaa lacagta ah.

Yuhuudigii markii uu maalmo u sambrayey in ay wax uun is beddelaan balse ay dhici weyday, waxa uu xaqiiqsaday in aanu ceelkan lacag dambe ka heli doonin, oo aakhirka maalintiisa uu caajis iyo hawl la’aan uun la dul fadhiyi doono, lacagtii badnayd ee uu qaybta kale ku iibiyeyna ku dul biishan doono. Waxa uu gaadhay go’aan ah in uu haatan iska lacagaysto qaybta ku soo hadhay ceelkan, cidda keliya ee uu og yahay in ay lacag fiican ka siinaysayna waxa uu ahaa asxaabiga weyn ee Cusmaan Bin Cafaan.

Yuhuudigii waxa uu tagay Cusmaan Bin Cafaan oo uu ka dalbaday in uu qaybtii hadhay ee ceelkana iibsado, arrintaas oo uu si dhaqso ah u aqbalay Cusmaan Bin, kadib markii uu ceelkii wada yeeshayna waxa uu ku dhawaaqay in hadda kadib uu ceelkiisaasii yahay Waqaf u biyihiisa hor Alle ula baxay, oo muslimiinta oo dhami u siman yihiin in ay ka cabbaan bilaa lacag.

Muddo kadib ayaa nin kale oo asxaabta ka mid ahaa uu yimid Cusmaan Bin Cafaan (RC) waxa aanu u soo bandhigay in uu ceelkaas kaga iibiyo lacag saddex laab u dhiganta lacagtii isaga marka hore laga siiyey, sida ku xusan taariikhda Cusmaan ninkii waa uu ka diiday, waxa aanu u sheegay in uu ku haysto lacag intaas ka badan, ninkii sidii uu hadba in ugu kordhinayey lacagtii, waxa uu gaadhsiiyey lacag Sagaal jeer ku soo laabmaysa lacagtii uu siistay ceelka, laakiin Cusmaan waa uu ka diiday. Asxaabigii oo yaabban, maadaama oo uu dareensanaa in lacag intaas ka badan aan marnaba ceelkan la siisanayn, ayaa Cusmaan weydiiyey lacagta intaas ka badan ee uu ku doonayo cidda ka siisanaysa. Cusmaan Bin Cafaan (Alle ha ka raalli ahaado” waxa uu asxaabigii ugu jawaabay, “Allaah, ayaa iga siisanaya xasaanad u dhigma toban laab intii aan siistay” Waxa aanu u sheegay in aanu ceelkaas ku rabin adduun ee uu Alle hortii u sii horumarsaday. La soco…