Jiirar Aad U Waaweyn Oo Dalka Koonfur Afrika Ku Cunay Ilme Yar Oo Hooyadii Ka Ciyaar Gudday

0
927

1Pretoria (Geeska)- Dalka Koonfur Afrika waxaa ka dhacay masiibo naxdin badan, oo ah in jiirar aad u waaweyn sida sawirka qormadan la socota ka muuqata ay cuneen ilme yar oo saddex bilood jir ah, oo hooyadeed habeennimadii kelidii guri kaga tagtay si ay aroos uga qaybgasho.

Booliiska ayaa xabsiga u taxaabay hooyada dhashay ilmahan yar oo ah 26 sano jir, iyaga oo ku eedeeyey dayacaad, dhinaca kalana booliisku waxa uu u sheegay warbaahinta in jiirar waaweyni ay ilmahan yar cuneen.

Hooyadan ayaa habeenkii markii ay ilmaha seexisay ka gudday, waxa aanay ku soo noqotay Lixdii iyo badhkii subxnimo, lakiin ayaan-darro waxa ay qolkii ilmaheedu jiifay ugu timi waslado yaryar iyo dhiig qulqulaya oo ah hambada ilmaheedii yaraa, oo isaga oo nool uu jiir cunay oo uu intii kale qof deriska ka mid ahaa.

Dhacdadan xanuunka badani waxa ay ka dhacday magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika dhammaadkii toddobaadkii hore, sida uu ku warramay wargeyska The Sun ee ka soo baxa carriga Ingiriiska. Waxa aanu warku intaas ku daray in ruux deris la’ah gurigu uu booliiska u sheegay in uu maqlay ilmahan yar oo aad u ooyaya, kadibna uu dareen shaki ahi ka galay waxa ku dhacay sidaa awgeed uu guriga xoog ku galay, markii guriga oo cooshad ahaa lagala hadli waayey. Sida uu ninkan maragga ahi sheegay markii uu guriga soo galay waxa uu arkay falkan foosha xun.

Sida uu maraggani sheegay maadaama oo uu guriga soo galay goor dambe oo hooyada ilmaha dhashayba iman doonto waxa uu soo gaadhay ilmaha oo uu jiirku ka goostay carrabka, indhaha iyo faraha, jidhka ilmaha intiisa kalana ay meel kasta ku sawiran yihiniin ilkaha jiirku.

Jiirkan oo weli xaabaya googo’a uu kala hadhay ilmaha ninku xoogga kaga qaaday iyo dhiiggiisa ayaa markii ay hooyadani guriga soo gashay ku soo qaaday weerar, laakiin waxba ma’uu yeelin.

Hooyadan ayaa markii hore isku dayday in been u sheegto booliiska, iyada oo inta ay raadkii ilmaha yar qarisay ku andacootay in uu gubtay, laakiin aakhirkii waa ay qiratay, maraggan deriska la’ahaa ee hadhaaga maydka ilmaha yar qaadayna waa uu sheegay.

Ma’aha markii ugu horreysay ee dalka Koonfur Afrika lagu arko dhacdada, mar ahayd sannadkii 2011kii ayaa sidan oo kale jiirar aad u baaxd weyni ay dileen ilmo yar.