Jarmalka Oo Xusay Sannadguuradii 80aad Markii Hitler Xukunka Qabtay

0
856

 

germany-flagBerlin (Geeska/HuffPost)- Raysal-wasaada Jarmalka,  Angela Merkel ayaa sheegya in layska ilaaliyo fursadihii Hitler u sahlay inuu adooda dalka qabsado oo u timi aqbalaada shacabka.

 

Merkel, oo shalay ka hadlaysay sannadguuradii 80 ee ka soo wareegtay markuu tallada Jarmalka qabsaday ayaa sheegtay in aqoonyahanka iyo ardaydu taageereen markii hore, balse bilo ka dib qubeen buugaagtiisa oo mucaarad ku noqdeen.

"Qabsashadii awooda ee xisbigii Nazi waxa suurtageliyey mujtamaca Jarmalka oo la shaqeeyey, isla markaana u dulqaatay inuu guulaysto," ayey Merkel sheegtay.

Markuu ku guulaystay doorashadii Jarmalka 1932, Hitler ayaa ku cadaadiyey madaxweynahii  Paul von Hindenburg inuu Raysal-wasaare ka dhigo, keenay inuu ku hogaamiyo dagaal iyo xasuuq.

Bilo ka dib magacaabistiisa, Hitler ayaa dab qabadsiiyey baarlamaankii oo ku eedeeyey mucaarad, waxaanu baabi’iyey dhamaan ururuadii bulshada, iyo xisbiyadii mucaaradka ahaa, oo waddada u xaadhay in ciidamadu maamulaan dalka.

Sannadkii 1933, ayuu go’aamiyey in xisbiga Nazi keligii yahay xisbiga siyaasada jarmalka, isaguna isku magacaabay hogaamiyaha dalka.

Inge Deutschkron, oo yuhuudi jarmal ah ayaa sheegtay inay xusuusato sida qoyskoodu culays uga haystay ciidamada Hitler ee wadooyinka meeraysan jiray.

"Marmar, hurdo ima qabato habeenkii, waxaan dhegeystaa socodka salaanka, oo hadii ay yihiin kabo waaweyn, waxaan moodaa ciidamadii Hitler oo xidhitaanka aabahay doonaya."