Caday Ayuu Turki-gu Ku Iibinayaa Somaaliya

1
823

 

HARGEISA – Jamal Khashoggi, suxufi maal-qabeen ah, isla markaana Qoyska Reer Boqor kala taliya saxaafadda ayaa toddobaadkan wargeyska The Arab News ku soo qoray maqaal cinwaankiisu yahay “Turkigu Ma Xaj Ayuu U Tegay Somaaliya, Mise Inuu Tusbax Ku Iibiyo? Eeg: – (http://english.alarabiya.net/views/2013/01/20/261446.html). Wacelinta oo iyana ku qoran Afka Ingiriis, waxaa lagu daabacayy lixdameeyo wargeys iyo degelo ka eeg: http://somalilandsun.com/index.php/indepth/2184-somaliland-turks-are-in-somalia-to-sell-the-toothbrush-of-salvadora-persica.

Waxaa soo tarjumay isla qoraaga (Hoorri). Qoraaga Jamal Khashoggi waxaa uu naga mudan yahay in aanu u iftiiminno dhowr qoddob oo uu si ula kac ah amaba kama ah uga maqnaa qoormadiisa. Ugu horrayn, waxaa uu akhristayaasha weydiiyay sababta Turkigu ugu sugan yahay Somaaliya. Waxaana uu ku kaftamay “Turki-gu Mxauu u joogaa Somaaliya, ma inuu ku soo xajiyo mise inuu ka iibiyo tusbaxyo? Waxaannu ugu warcelin lahayn Turkigu inuu Somaaliya u joogo si uu uga iibiyo CADAY. Cadaygan oo noociisu yahay “Salvadora Persica” waxaa laga soo gooyaa geedka “kunka ujeeddo”. Waxaa uu wax badan ka taraa dhinacyada

caafimaad, qurux, cibaado iyo wax kasta oo nolosha waxtar u leh.

Joogitaanka Turki-ga ee Somaaliland iyo Somaaliya waxaa loo arkaa badbaadin nafo badan oo baylah ahaa, dib u dhis dekado, garoomo, biriijyo iyo cisbitaallo muddo hawlgab ahaa iyo deeqo waxbarasho sare oo ay CANQARA ka siiyeen tobonaan kun. Socdaalka waxay u hibeeyeen ilaa ay ka hubinayaan in Somaalidu lugahooda isku taageen, kana mid noqdeen bulshada caalamka ee karaamada leh. Ujeedooyinkaa wanaagsan waxaa lid ku ahaa, tobanaan sannadood oo ay ku sugnaayeen Geeska Afrika barayaal ka soo jeeda Sacuudiga kuwaas oo faafinayay in si gurracan loogu adeegsado diinta xaniifka ah.

Waxaa ay maalgeliyeen suuqna u raadiyeen fikrado qallafsan oo dalka u horseeday burbur, dadkuna ku waayaan kuwo badanoo la jeclaa. Khasaarahaa weyn waxaa lagu fuliyay magacyada Al-Shabaab, Al- Itixaad iyo Al-Hijra Wa Takfiir oo lagu asteeyay badeecado iyo aragtiyo laga soo waariday Sacuudiga.

Sooyaalka taariikhda waxaa ku diiwaan gashan, xilligii ugu xumaa waayaha Somaalida, in Boqortooyada Sacuudigu, cunaqabatayn ku soo rogeen xoolaha nool, 11 sannadood oo xidhiidhsan. Weliba iyadoo aanay jirin sabab cad oo loo xannibo xoolaha. Xidhiidhkaa ganacsi ee xididada loo siibay waxaa Sucuudigu dhaafsaday inuu ictimaadyo hodon ah ku abaaliyo dalalka Australia iyo New Zealand si looga soo raro xoolo ka qaalisan kana tayo liita kuwo Geeska. Tallaabadan waxaa ka dhashay culays sii toban jibbaarray duruufahii qallafsanaa ee soo wajahay xoolo-dhaqatada. Ogow 80% nolosha qoomiyadaha Somaalidu waxay ku xidhan tahay xoolaha nool. Sidaa darteed, dadka Somaalidu waxaa ay qabaan Sucuudigu inuu ahaado cidda ugu danbaysa ee ka hadasha aayahooda.

Qoraaga Khashoggi maqaalkiisa waxaa uu faafiyay xilli ay Hargeysa, Somaaliland ku sugnaayeen madaxda shirkadda Genel Energy taasoo ay wadaagaan Turki iyo Ingiriis. Shirkaddu waxay ku foogan tahay inay shidaal ka soo saaraan Somaaliland. Waxay ku gudo jiraan toban toddobaad oo dayuurado lagu sahaminayo kaydka shidaal ee dalka lagu tuhmayo. Hawlgalkaa waxaa lagu ladhi doonaan in si baahsan loo soo gacan mariyo 3000 Km iyadoo la adeegsanayo sahaminta farsamada (2D seismic). Hawsha waxaa loo qoondeeyay inay ku baxdo lacag dhan ilaa $40 malyuun oo dollar. Haddaba hawlgalka shirkadda iyo joogitaanka Hargeysa ee Mareeyaheed Guud Tony Hayward ayaa ku filan in lagaga faaloodo Gacanka

Carabta. Tony Hayward, waxaa uu hore u ahaan jiray Agaasimaha Guud ee shirkadda shidaalka British Petroleum (BP).

Sidaa awgeed, shirkadaha shidaalku hawlaha ay kaga jiraan Geeska Afrika, ayaa loo arki karaa inuu ku soo baraarugay qallinka Khashaggi iyadoo malaha dalkiisa aan laga jeclayn ujeeddo kasta oo lagu yarayn karo saboolnimada. Taas waxay ka doorbidayaaan sadaqad fara guudkeed Boqortooyadu ku gaadhsiiso.

Jiritaanka Somaaliland ma aha arrin aanu u tebinayno qoraaga annagoo og dalku inuu ka maqan yahay khariidada danta qaran ee Sacuudiga.Balse waxaa xaqiiqo ah Somaaliland inuu ka jiro dhaqdhaqaaq weyn oo ay ka wadaan shirkadaha shidaal sida Genel Energy, Ophir (Koonfur Afrika), Jacka Resources ltd

(Australia) iyo Petrosoma Ltd (UK). Waxaan tuhmayaa arrinkan inuu u qalmo in lagaga doodo

fagaarayaasha warbaahinta iyo xog-sugidda ee Jeddah iyo Riyadh (Sacuudiga). Yeelkeed, joogitaanka Turkiga waxaa la odhan karaa ka sokow naf-huridda ay muujiyeen waxaa la hubaa inay jiraan sababo la xidhiidha degaan-siyaasadeedka caalamiga ah.

Inkastoo Turki-gu yahay dalkii ugu danbeeyay ee faraha la soo gala qoddaxda iyo jillaafooyinka

ragaadiyay Somaaliya, natiijo wanaagsan ayaa ka timid sida habboon oo ay arrinka u maareeyeen.

Ra’iisal Wasaare Tayyip Erdogan’ waxaa uu Mogadhisu socdaal ku yimid, August 2011. Waxaana uu geliyay si loo wajaho abaarta taagnayd iyo sidii daaqad loogu furi lahaa waanwaan nabadayn. Shacabka iyo xukuumadda Turki-gu waxaa ay ummadda ka mutaysteen amaan, kalsooni iyo duco. Mudane Erdogan, safarka waxaa ku weheliyay 200 oo isugu jiray ganacsato, aqoonyahanno iyo madax ururo samafal. Waxaa xusid mudan khudbad uu ka jeediyay Fadhiga Guud ee Qaramada Midoobay, Mudane Erdogan, inteeda badan waxaa uu kaga hadlay arrimaha Somaalida. Waxaa uu ku dheeraaday dhibaatada jirta iyo kaalinta Turki-gu ka qaadan doono sidii loo furdaamin lahaa aafada. Waxaa ay ka damqadeen duruufaha Somaalida, waxaana u dhadhami weyday nolosha fiican ee dalkooda ka jirta inta dad walaalahood ah (muslim) ay la murugoonayaan waxyeelo ay gacantooda ku keensadeen ama mid kaga timaada dabiicadda. Mawqifkaa waxaa sii caddeeyay Wasiirka Arrimaha Dibedda, Mudane Ahmet Davutoglu kaasoo ku tiraabay, “aayaha dadkayagu waxaa uu ku xidhan yahay aayaha dadka

Somaalida……Taasina waa istaraatijiyad aannu go’aansannay.” Waa istaraatijiyad aannu go’aansannay. Ma aha aragtida istraatijiyadda Sacuudiga ee uu Khaashaggi ku sheegay qoraalkiisa, “Waxaan deris nahay, kana dheerayn istaraatijiyadda nabadgelyo ee dalkeenna, dal

20 sannadood ciidda cunayay.” Erayadiisa waxaa kale oo uu tibaaxay in Sacuudigu mar ama laba jeer isku deyay in uu nabadeeyo Somaaliya, ka dibna iskaga cararay. Isla markaa waxaa uu isweydiiyay, “Ayaa dan ka leh Somaaliya?” Waxaana uu ku tilmaamay Somaalida “dad aan loo talin Karin, dad ay ragaadisay colaad iyo kala qoqobnaan iyo dad ay u arrimiyaan dagaal oogayaal.” Weliba intaas waxaa uu ku ladhay, “Somaaliya cid kasta ayaa ka rajo-dhigtay mana jirto cid aaminsan inay dhowaan ka soo ruqaansan karaan dhulka ay wadhan yahiin.” Run ahaantii, socdaalka Mudane Erdogan waxaa uu daaha ka fayday Somaaliya in loo arko dal ka soo dogay dagaallo, iyo dala Muslimka iyo bulshada caalamka dhexdooda ka noqon kara kara mid xasiloon oo masuul ah. Sidoo kale, boqoshadu waxay gacan ka gaysatay, markii ugu horraysay, 2o sanno, in ay si fool-ka-fool ah u wada hadlaan Somaaliland iyo Somaaliya.

Siyaasadda Turki-ga waxaa lagu dir-sooci karaa mid naf-hurid ah, kana timid dal aan ahayn gumayste hore iyo dal Islaam ah. Dabcan waxaa aan meesha ka maqnayn aragtida in waqti aan fogayn abaal iyo faa’iidoba lagu dheefi doono. Tan waxay sii xoojin doonta awoodda Turki-ga oo ku sii fidda gobolka. Xidhiidhka Turki-ga iyo Somaalidu waxaa uu soo taxnaa tan iyo qarnigii 16aad xilligaas oo ay u soo gurmadeen in ay Somaalida ka difaacaan weerarro diimeed oo kaga yimid Ethiopia iyo Portuguese. Qarnigii 17aad suldanadahii ka jiray xeebaha Somaalida waxaa kor ka xukumayay Boqortooyadii Cismaaniyadda..

 

horri@somalilandsun.com

Comments are closed.