Jamaal Cali Xuseen Oo Xukuumada Ugu Baaqay Wax Ka Qabashada Dooxyada Hargeysa Iyo Berbera

0
607

Picture2Hargeys(Geeska)-Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen,ayaa ayaa xukuumada u soo jeediyay inay si dhakhso badan wax uga qabto dooxyada u dhaxeeya Hargeya iyo Barbera oo uu ku tilmaamay kuwo dhameeyay haldoorkii dalka.

Musharaxu waxa uu soo jeediyay inta aan la dhisin biriishyadaas in xukuumadu ay dhigto dooxyadaas askar wakhtiga daadka gaadiidka ka ilaalisa inay biyaha jiidhaan,waxa uu sida oo kale musharaxu  baaq nabadeed u diray beelaha isku faro saaray deegaanada gobalka sanaag.

Waxaanu sidan ku sheegay musharaxu maruu warbaahinta la hadlaayay waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Xukuumada waxa looga fadhiyaa inay wax ka qabato Dooxyada Berbera iyo Hargeysa u dhaxeeya oo dhameeyey hal-doorkii reer Somaliland, xukuumada laba mid uun ayaa la gudboon inay dooxyadaasi hagaajiso, ta labaad-na waxa weeyaan  inta aan dooxyadaasi la hagaajin ma waxay xukuumadu kari waydey dhowr askari oo dadka ka ilaaliya marka dooxyadu rogmanayaan inay halkaasi dhigto, markaa arrintaa waa wax sahlan waa inay dawladu ku kacko oo dhowr asri dhigtaa si aanu baabuurna u marin marka ay dooxyadu rogmanayaan.”

Isaga oo hadalkisa sii watana waxa uu intaasi ku darey oo uu yidhi"Dooxyadan dadka dhameynaya waxa looga baahan-yahay kaalintii ay xukuumadu ku lahayd inay si degdega uga qaadato,haddii aan dadka laga celinin marka uu daadku socdo inay dooxyada maraan maalin-ba dad ayaa inaga dhimanaya".

Murashaxa madaxweynanimada Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen waxa uu baaq nabadeed u direy labada beelood ee walaaha ah ee dirirtu dhawaan ku dhexmartey deegaanka God-heeri oo u dhaxaysa Oog iyo degmadda Gar-adag ee gobolka Sanaag, waxaanu yidhi “Waxaan doonayaa inaan halkan baaq nabadeed uga diro beelaha reer Somaliland ee walaalaha ah dirirtu ku  dhexmartey deegaanka God-heeri oo u dhaxaysa Oog iyo degmadda Gar-adag ee gobolka Sanaag, dagaalkaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaan leeyahay intii dhimatey ILAAHAY naxariistii janno ha ka wabaariyo inta noolna waa inaynu bad-baadinaa,dagaalku khasaare mooyaane faa’iido ma keeno, markaa walaalayaal heshiiya waxaanan leeyahay Somaliland way ka soo gudubtey wakhtigii dagaalada, waxaanan ugu duceynayaa inuu ILAAHAY labada Beelood ee walaaha ah ee wada-dega inuu bogooda burcad isku mariyo.”