Xukuumadda Oo Sheegtay Inay Diyaaradda Ethiopia Madaarka Hargeysa Ka Soo Degi Doonto; Wakhti Uu Toddobaad Ka Dib Furitaankii Garoonku Qabyo U Muuqdo

0
559

Picture7Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay diyaaradda Ethiopian Airlines, ay madaarka Hargeysa si rasmi ah u isticmaali doonto iyadoo toos uga iman doonto Addis Ababa.

Xukuumadda Somaliland waxay sheegtay in 2.4 Km ka ah dhabaha diyaaradaha garoonka lagu sameeyay dib u dhis, iyadoo la balaadhiyay goobaha loogu tallo galay dadka dhoofaya iyo kuwa garoonka ka soo degaya. “2.4km ah dhabaha garoonka ayaa gebi ahaanba dib u dhis lagu sameeyay, goobaha soo degitaanka iyo dhoofitaankana waa la balaadhiyay. Diyaaradda Itoobiya imika way ka duuli doontaa kana soo degi doontaa maalin walba iyadoo ka imanaysa Addis Ababa.” Sidaas waxa lagu yidhi warbixin ay xukuumadu ku qortay bogga ay Internetka ku leedahay dawladda Somaliland ee Somalilandgov.com

Waxa kale oo ay xukuumadu sheegtay inay aaminsantahay in dib u dhiska iyo furitaankiisu uu kaalin muhiim ah ka qaadan doono ganacsiga dalka iyo dhaqaalahab.

Hase yeeshe iyadoo toddobaad ay ka soo wareegtay furitaankii uu madaarka Hargeysa furay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaanay ilaa hadda garoonka soo cago dhigan diyaaradaha wadanka yimaada, gaar ahaan kuwa Jet loo yaqaano oo isticmaala garoonka Berbera. Diyaaradahaas waxa ka mid ah Ethiopian Airlines, Juba, African Airways iyo Daallo. Si rasmi ah looma garanayo sababta ay diyaaraduhu u soo fadhiisan waayeen garoonka uu Madaxweynuhu xadhiga ka jaray, waxase jira warar ay saxaafadda Somaliland qaar ka mid ahi baahiyeen oo sheegaya inuu Madaxweynuhu furay garoonka oo weli qabyo ah. Wararku waxay sheegayaan in diyaaradahaas Jetka ahi garoonka soo fadhiisan karaan .

Haddii ay diyaaradaha madaarka Berbera fadhiistaa ku soo noqon waayaan madaarka Hargeysa, waxa ay ceeb ku noqon doontaa xukuumadda Somaliland.