Jaamacada Islamic Online Oo Daah-furtay Barnaamij Lagu Baranayo Luuqada Ingiriisida

0
629

Picture3Hargeysa(Geeska):-Munaasibad balaadhan oo lagu daah-furaayey qaybta barashada Luuqada Ingiriisida(Learning Intensive Course) ee Jaamacada International Islamic Online University ayaa lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Munaasibadan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Marwo:Samsam Cabdi Aadan,Wasiirka Wasaarada Ciyaararaha iyo Dalxiiska Md:Cali Siciid Raygal,Maamulaha guud ee Jaamacada International Islamic Online University Dr:Bilal Philips ,Madaxa Jaamacada Islamic Online University ee Bariga Afrika Sheekh Siciid Cabdilaahi Dheere iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.

Madaxa Jaamacadda ee Bariga Africa Sheekh Siciid Cabdilaahi Dheere oo ugu horeyn ahlkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu ka warramay qiimaha uu barnaamijkani u leeyahay dadka danaynaya,waxaana uu xusay inay Somaliland noqotay dalkii 2aad ee ay Jaamacaddan Islamic Online University si ku meel gaadha uga soo bixin doonto duruusta Jaamacadaha Hargeysa,New Generation,Adna University iyo Nuuradiin Schools.

Gudoomiyaha Guud ee Jaamacadda Inertnational Islamic Online University Dr Bilaal Philips oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay Luuqada Ingiriisidu ay tahay tan ugu wanaagsan arday kasta oo waxbaranaaya.

“Ilaahaybaa mahadleh igana dhigay Islaam balse anigu ma-ihi Macalin luuqadda kaliya basle waxaan Professor waxka dhiga Jaamado farabadan oo ku yaalla dunida kale,arrintaasi waa tan igu dhalisay inaan u tafaxayto inaan sameeyo Jaamacadda International Islamic University Online taas oo ka shaqaysa wadamo farabadan sida Canda,Uk,Sacuudi Carabiya iyo qaar kale,luuqadda Ingiriisigu waa tan ugu muhiimsan markaad ardayga tahay dunida oo dhan” ayuu yidhi Dr:Bilal Philips.

 

Wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in ay Barshada Luuqada Ingiriisidu ay thaya wax aad muhiim u ah,waxaana ay si gaar ah ay u tibaaxday in barashada Luuqada Ingiriisidu ay waxweyn ka tarto baahiyaha kala duwan ee ardayda,iyada oo sida oo kalena tilmaantay in dadka dibadaha ka yimaada ay xaga dhawaaqa Luuqada Ingiriisida ay aad ugu fiican yihin“la taliya-yaasha [Consultancy] ee dalka Kenya inooga yimaadaa inagama waxbarasho fiicnee waxay inagaga fiican yihiin ku hadalka luuqadda Ingiriisiga” ayey tidhi Wasiir Samsam Cabdi Aadam.

Ugu danbayntiina waxaa munaasibadaasi ka hadlay Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada,Ciyaaraha iyo Dalxiiska Md:Cali Siciid Raygal waxaana uu si aada uga mahad celiyey Maamulka Jaamacada Islamic Online University barnaamijkan cusub ee ay kor ugu qaadayaan barashada Ingiriisida ee ardayda,waxaana uu tilmamay in ay barashada Luuqada Ingiriisidu ay saamayn ku yeelatay goob kasta oo la joogo sida goobaha shaqooyinka iyo Waxbarshadaba.

“luuqadda Ingiiriisku waxay saamayn ku yeelanaysaa shaqadaadi,iyo dhamaanba dadkii kale ee aan la macaamilaysan oo dhan sidaa darteed luuqaddda Ingiriiska inaan barannaa waa waajib,waxaan kamid ahaa Gudigii loo saaray arrinta kobcinta luuqadaha waxaanan ogaaday caqabadaha dalka ka jira ee xagga luuqqadaha ah gaar ahaan luuqadda Ingiriisiga cidii barnaamijkan soo qaban qaabisayna waan u mahad celinayaa” ayuu yidhi Cali Siciid Raygal