Siyaasiga Mu’adinka Oo Ku Taliyay In Loo Hambaleeyo Cidda Ku Guulaystay Xubintii Guddiga Doorashada Ee Guurtida

0
664

Picture4Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Maxamed Xuseen Cismaan (Muadin), ayaa ku taliyay in la bogaadiyo cid kasta oo ku guulaystay ka mid noqoshada labadii xubnood ee ay golaha guurtidu u xuleen guddiga doorashooyinka, kuwaas oo uu ku soo baxay Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame.

Qoraal kooban oo uu Mr. Muadin soo saaray ayaa wuxuu ku yidhi sidan, “in shaqooyinka iyo xilalka qaranka ee banaanada loo tartamaa ceeb maaha, waxase ceeb weyn ah in la xajiimeeyo ama deel qaaf loo gaysto qofkii calafku siiyey iyo madaxdii masuuliyadaas lahayd, sidaas darteed waxaan kula talinayaa cid kastoo u tartantay xubinimada komishanka doorashooyinak ee golaha guurtidu soo xulayey ee aan ku guulaysan hanashada jagadaas inay hambalyeyaan una haneeyaan saaxibadooda calafku siiyey