Kulan Dhex Maray Wasiirka Duulista Somaliland Iyo Wasiirul Dawlaha Khaarajiga Itobiya

0
573

Picture2Hargeysa(Geeska)-Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa magaalada Addis Ababa ee Itoobiya kula kulmay wasiirul dawlaha arrimaha dibadda Itoobiya.

Warsaxafadeed uu soo saaray afhayeenka wasaaradda duulista Mr. Sadaam Maxamed Axmed, oo uu kaga hadlay kulankaas ayaa wuxuu u dhignaa sidan

“ Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo socdaal shaqo ku jooga dalka Itoobiya ayaa kulan la yeeshay Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda dawladda Fadaraalka Itoobiya Ambassador Berhane Gebre-Christos. kulankaasi ayey labada Wasiir kaga wada hadleen xidhiidhka iskaashi ee labada dawladood iyo sidii sare loogu qaadi lahaa Iskaashiga labada Umadood.

Wasiirka Duulista Somaliland iyo Wasiiru dawlaha Arrimaha dibadda Itoobiya ayaa sidoo kale waxay ka wada hadleen iskaashiga labada dawladood ee dhinacyada Duulimaadyada, Nabadda, deggenaanshiiyaha gobolka, iyo xidhiidhka ganacsi ee labada dal.

Labada masuul ayaa sidoo kale isla soo qaaday wada shaqaynta Shirkada Ethiopian Airlines iyo Wasaaradda duulista Somaliland iyo sidii loo kobcin lahaa wada shaqayntaasi, iyagoo isla gartay muhiimada ay leedahay in sare loo qaado xidhiidhka Duulimaadyada madaniga ah ee labada dal, taa soo salka ku haysa is dhex galka labada bulsho ee dariska ah. Iyo in dawladda Itoobiya ay fursado waxbarasho oo dhinaca duulimaadyada ah ay siiso shaqaalaha wasaaradda duulista Somaliland.

Labada dhinac ayaa iyaga oo ka Duulaya qorshaha shirkada Ethiopian Airlines duulimaadyada kaga bilaabayso madaarka Berbera,  waxay isla meel dhigeen in muwaadiniinta Itoobiya loo fududeeyo inay safaro dalxiis iyo ganacsi ku yimaadaan xeebta magaalada Berbera.

Wasiiru dawlaha Arrimaha dibadda dawladda Itoobiya Ambassador Berhane Gebre- ayaa kulankaasi ka cadeeyey  inay dawladiisa ka go’an tahay sii xoojinta xidhiidhka labadda dal, iyo in layska kaashado nabadda,  xasiloonida, horumarka iyo dalxiiska.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa dawladda Itoobiya ku bogaadiyey kaalinta ay ku leedahay nabadda deggenaanshiyaha iyo horumarka gobolka, isaga oo hoosta ka xariiqay sida ay Xukuumadda Somaliland ugu go’an tahay sare u qaadidda iskaashiga ay la leedahay Itoobiya

Dhinaca dawladda Somaliland Wasiirka Duulista iyo  Hawada, Maxamuud Xaashi Cabdi waxa kulankaasi ku wehelinayey ku simaha safiirka Somaliland ee Itoobiya  Ambassador Ayaanle  Salaad.”