Jaaliyada Reer Somaliland Ee Galbeedka London Oo Doortay Hoggaan Cusub

0
614

 

Picture2London( Geeska )-Ururka Jaaliyada reer Somaliland ee galbeedka magaalada London ee la yidhaahdo ( West London Somaliland Community ),ayaa qabsaday shir waynahoodii shanaad isla markaasna ku doortay hogaan cusub.

Ururkan oo loo soo gaabiyo WLSC ayaa jiray mudo lix sanadood ah, waxa ugu horayntii madashii shir weynaha ka soo jeediyay khudbado la xidhiidha waxyaabhii u qabsoomay intii ay xilka hayeen agaasimahii hore ee gudidii ururkaasu uu lahaa Md.Iid Xasan Aw Muuse, waxaana agaasimahu uu madashaas ka soo bandhigay waxyaabahii u qabsoomay intii ay xilkaas hayeen,xubnahii jaaliyada ee shir weynahaas ka soo xaadiray ayaa iyaguna dhankooda su’aalo kooban agaasimaha ka weydiiyay waxyaabii ay qabteen intay xilka hayeen.

Intaas kadib waxa shir weynaha shanaad ee ururkan jaaliyada reer Somaliland ee galbeedka London, ay si rasmiya gudoomiye ugu doorteen Iimaan Maxamed Ciise, waxaanay gudoomiye xigeen ay jaaliyadu u dooratay Saynab Cumar, halka xoghaye loo doortay Warda Maxamed, Khasnajina uu urur kaasu u doortay Ifraax Xasan.

Doorashada ka dib waxa gudida cusub ku wareejiyay masuuliyadii gudoomiyihii hore ee jaaliyada galbeedka London Md.Saleeban Cabdillahi Faarax, waxaanu ugu duceeyay gudidan cusub in alle xilkooda u fududeeyo, waxaanu u soo jeediyay hadalo badan oo dardaaran ah.