Wasiirro Dhagax Dhigay Dhisme Hal Dabaq Ah Oo Loo Dhisayo Wasaarada Ciyaaraha

0
722

 

Picture5Hargeysa(Geeska)-Wasiirrada wasaaradaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Md. Cali Siciid Raygal iyo Wasiirka maaliyada Md C/casiis Maxamed Samaale, ayaa shalay si wada jir ah u dhagax dhigay dhisme hal dabaq ah oo loo dhisayo wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha kaasoo Laga Dhisayo Xarunta Wasaaradaas.

Wasiirka Dhalinyarada Ciyaaraha oo Halkaasi Ka Hadlay,ayaa Sheegay in Wasaaradani ay ahmiyad Balaadhan u Leedahay Qaranka,isla Markaana Dhismahani uu Qayb Weyn ka Qaadan doono Horumarinta Adeegyada Kala duwan ee Wasaarada.

Wasiirka Maaliyada oo isna Ka qayb galay Munaasabada Dhagax Dhigaasi ayaa Tilmaamay in Wasaaradan Ciyaaruhu ay ka mid ahayd,Wasaaradaha ay Mudnaanta Gaarka ah Siinayeen waxka Qabashada Baahiyaheeda,Taas oo uu u Rajeeyay in Dhismahaasi Noqdo Mid Daboosha Baahida waaxyaheedu u qabeen dhismahan.

Waxa Kale oo Munaasibadaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mustafe Maxamed Qodax ayaa Ugu Mahadnaqay Madaxweynaha doorkii uu ku lahaa Meel Marinta Dhismahan.