Itoobiya Waxaa Ku Sii Badanaya Isticmaalka Lacagta Taleefanka Lagu Qaato Iyo Gobalka Soomaalida Oo Hormuud U Ah

0
568

Meelo badan oo Afrika iyo qaaradda Aasiya ka mid ah, waxaa caadi ka ah in aad taleefankaaga gacanta ku bixiso lacagta aad ku iibsato cuntada, dharka, adeegyada kala duwan iyo xitaa lacagta aad ku raacayso gaadiidka dadweynaha. Dalka Itoobiyana hadda ayaa uu si ballaadhan uga bilowday adeegga ah talefan lacag ku qaadashadu, waxaana fidista adeegga sii caawinaya xaaladaha is ilaalinta ee uu sababay xanuunka COVID-19.

Warbixin uu talefishanka DW ka diyaariyey adeegga lacag ku qaadashada Taleefanka gacanta ee dalka Itoobiya ayaa meelaha uu sida aadka ah ugu fiday ee uu tusaalaha u soo qaatay waxaa ka mid ah deegaanka Soomaalida. Waxa uu sheegay in qaadku uu ka mid yahay waxyaabaha sida caadiga ah magaalada Jigjiga loogu kala iibsado lacagta taleefanka oo loo yaqaanno, ‘HelloCash’.

Warbixintu waxa ay sheegtay in dadka isticmaala adeeggani ay bilihii u dambeeyey si xawli ah u kordheen, magaalada Jigjiga ee caasimadda deegaanka Soomaaliduna ay xagga isticmaalka iyadu ugu badan tahay magaalooyinka kale ee Itoobiya oo dhan.  Waxaana adeegga bixiya shirkadaha E-Birr, Sahay iyo HelloCash oo iyadu muddo shaqaynaysay.

Mar hore ayuu adeeggani ka bilowday Somaliland, Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin dawladda Itoobiya iyadu muddo waa ay hortaagnayd, inkasta oo gobalka Soomaalida uu adeeggani si dadban u gaadhayey maadaama oo uu saamayn ku lahaa suuqa Wajaale ee Somaliland oo uu adeeggani xoog ku leeyahay. Imika aya ay dawladda Itoobiya bilowday in ay dhiirrigeliso ka faa’idaysiga Teknoolajiyadan taleefanka lacagta lagu isticmaalayo.

Meel kasta oo magaalada Jigjiga ka mid ah waxa aad ku arkaysaa boodhadhka lagu xayeysiinayo adeeggan, dadkana lagu dhiirrigelinayo in ay kharashaadka ku bixiyaan adeegga taleefanka lacagta laga dirayo, oo ay dad badani u arkaan in uu ka fududyahay habka lacagta caddaanka ah la is dhaafsanayey. Muhiimadda adeeggan waxaa sii kordhinaysa dalka Itoobiya oo aanu si la isku hallayn karo uga shaqayn adeegga isticmaalka Kaadhka bangiga, iyada oo ay sababtu tahay akoonka bangiga iyo samaysiga kaadhka oo marka hore adag iyo qalabkii lacagta bangiga lagula bixi lahaa oo aad u yar ama aan jirin ba.

Si kastaba ha ahaato ee marka aad caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa tagto waxa aad ogaanaysaa in aanu weli aad uga hanaqaadin adeeggani, inkasta oo ay jiraan shirkado adeeggan bixiya oo ku jira ol’oleyaal ay dadka ku barayaan, inkasta oo guud ahaan dadka Itoobiya ay weli ku sii niyadsanyihiin in ay adeegsadaan lacagta kaashka ah. Sidaas awgeed waajibaadka u yaalla shirkadaha ku shaqaysanaya adeegga lacag ka dirista Taleefanka gacanta, waxaa u taalla shaqo adag oo ah sidii ay u kobcin lahaayeen aqoonta dadka si isticmaalka habkani uu ugu fududaado. Ma’aha isticmaalka taleefanka gacanta oo keliya, balse sida oo kale fahamka guud ee arrimaha maaliyadda.

Warbixintu waxa ay sheegtay in xanuunka Fayraska ka dhasha ee COVID-19 uu si weyn u dardargeliyey isticmaalka adeegga lacag ka dirista taleefanka gacanta, maadaama oo sida wacyigelinta dadka loogu sheegay ay taabashada warqadda oo lacagtu ku jirtaa ka mid tahay hababka uu ku faafi karo.

Faa’iidooyinka adeeggani u leeyahay shirkadaha bixinayaa kuma koobna midda maaliyadeed ee ay helayaan lacago tiro badan oo la dhigto, waxa se u dheer in ay si aad ah u kordhi doonto tirada dadka adeeggan lacagta awgeed qaadan doona taleefannada gacanta, inkasta oo dhibaatada Itoobiya haysataa ay tahay shabakadda taleefannada gacanta iyo internet ka oo aad u liidata marmarka qaarkoodna hawada ka maqnaada xitaa maalmo is xiga.