Itoobiya oo korontadeeda u soo dhoofinaysa Somaliland

0
611

Ethiopian_electric_power_corporation_Addis_AbebaAddis-Ababa (Horn)-Dawladda Itoobiya ayaa daboolka ka qaaday inay Jamhuuriyadda Somaliland noqon doonto dalka wakhtigan ka faa’iidaysan doona heshiisyada dhoofinta laydhka Itoobiya, waxaanay sheegtay inay Somaliland dhawaan laydhkaas isticmaali doonto.

Bogga ay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya toddobaadkiiba ku falanqayso siyaasadda gobalka Geeska Afrika, ayaa waxa ay shalay ku soo qaadatay mawduucan, waxaanay sheegtay inay hay’adda Korontada Ethiopia ee EEPCO ay sheegtay inay Somaliland noqon doonto dalka ku xiga dalalkii hore loogu dhoofiyay korontada Itoobiya ee ka faa’iidaysan doona laydhkan. Wasaaradda khaarajiga Itoobiya waxay sheegtay inay hay’adda Korontada Itoobiya qorshaysay inay dabayso magaalada Wajaale ee dhinaca Somaliland oo ah magaalo ay wadaagaan labada dale e Somaliland Itoobiya, waxaanay sheegtay in wakhtigan la joogaba la bilaabay hawshii rakibisita laymanka dabka qaadaya,  “Hawshiis rakibistan laymanka dabka gudbinayaa way ka bilaabantay deegaankaas.” Ayay tidhi wasaarada Itoobiya, waxaanay sheegtay in Wajaale ka dib la qorsheeyay in dabka loo soo gudbiyo dhinaca caasimadda Somaliland ee Hargeysa.  Waxa ay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya intaas raacisay in la gaadhay heshiis, balse loo baahanyahay in arrimaha qaar la isla sii lafo-guro.

Laakiin Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ma cadayn in cidda hawsha soo dhoofinta laydhka Itoobiya wadaa tahay dawladda Somaliland iyo inay tahay cid kale. Laakiin waxa la aaminsanyahay inay mashruucan  iska leeyihiin qaar ka mid ah ganacstada Somaliland.