Dawladda Turkiga Oo Xafiis Ka Furanaysa Hargeysa

1
772

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Turkiga ayaa cadaysay inay xafiis ka furan doonto magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Raysalwasaare xigeenka dalka Turkiga Bekir Bozdag, oo toddobaadkii hore safar ku yimid magaalada Muqdisho isagoo la socday diyaaradda caalamiga ah ee Turkish Airlines oo duulimaadyo rasmi ah ka bilowday magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu saxaafadda u sheegay inay dawladiisu dhawaan xafiis ka furan doonto magaalada Hargeysa, waxaana uu sheegay inuu xafiiskasi yahay mid horumarineed.

Weriye Cabdullah Bozkurt, oo ah saxafi ka tirsan wargeyska today’s Zaman ee ka soo magaalada Ankara ee dalka Turkiga, oo la socday weftiga Raysalwasare xigeenka Turkiga, ayaa qomro dheer oo uu qoray markii uu dalkiisa ku noqday, wuxuu ku sheegay in Raysalwasaare xigeenka Turkiga Mr. Bekir uu cadeeyay inuu dalkiisu xafiis horumarineed ka furan doono magaalada Hargeysa. Xafiiskan ayaa waxa uu noqon doonaa mid dhinaca horumarka ah oo ay hoos iman doonaan qaybta Somaliland ee mucaawinooyinka uu Turkigu ugu tallo galay wixii la isku odhan jiray Somaliya.

Waa markii u horaysay ee ay dawladda Turkigu u soo jeedsato dhinaca Somaliland, waxaana la aaminsanyahay inuu xafiiskani noqon doono mid kobciya xidhiidhada kala duwan ee labada shacab ee Somaliland iyo Turkiga.

Dawladda Denmarka ayaa hore u sheegtay inay xafiis farsamo ka furan doonto magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, sidoo kale dawladda Ingiriiska ayay weftigii Somaliland ee ka qayb galay shirkii London ay sheegeen inay xafiis ka furan doonto magaalada Hargeysa.

Comments are closed.