Dawladda Sheekh Shariif oo dhirbaaxday kooxda Khatumo

0
568

Muqdisho(Geeska)-Dawladda ku meelgaadhka ah ee Somaliya ayaa xalay soo saartay qoraal ay ku laashay aqoonsi ay hore u siisay kooxda khatumo ee Somaliland diidka ah.

Ku-simaha Raysalwasaaraha Somaliya Maxamed Maxamuud Xaaji Ibrahim, ayaa shalay gelinkii dambe soo saaray qoraal rasmi ah oo uu ku laalay aqoonsi ay dawladiisu hore u siisay kooxda Khatumo, ka dib markii sida uu sheegay uu darsay qodobo sharci oo kala duwan. Qoraalkaas oo nuqul ka mid ah uu Wargeyska Geeska Afrika helay ayaa waxa uu ku yidhi , “Markii aan dib u eegay qabyo qoraalka distoorka dawladda federaalka ku meelgaadhka ah, markii aan akhriyay charterka dawlada federaalka ku meelgaadhka ah cadadkiisa 11aad, cutubkiisa 4aad ee qeexaya samaynta dawlad goboleed cusub, markii aan akhriyay cutubka afraad ee isla cadadkaas charterka ee 11aad.

Waxa ii cadaatay in distoorku qeexayo ugu yaraan laba gobo lama ka badan oo si xor ah oo waafaqsan sharciga isugu tagay ay samayn karaan dawlad goboleed iyagoo ku salaynaya 18-kii gobal ee ay Somaliya ka koobnayd ilaa iyo 1991-kii.

Isla cadadkaas 11aad, cutubkiisa 4aad inuu Baarlamaanka oo keliyi sharci u leeyahay meel marinta sharciga samaynta dawlad goboleedyada cusub. Haddaba anigoo tixraacaya qabyo-qoraalka dastuurka DFKMG qodobadiisa qeexaya samaynta dawlad goboleedyo cusub ee kor ku xusan, waxa ii cadaatay inay maamulka la magac baxay Khatumo uusan buuxin shuruudahaas loona aqoonsan Karin dawlad goboleed cusub. Sidaas darteed warqadda sumadeedu tahay: XRW/379/03/12 ee soo baxday taariikhdu markay ahayd 05.03.2012 waa laga laabtay.”

Go’aankan ayaa dhabar jab iyo wejigabax ku ah kooxda dhawaan samaysay wax ay ugu yeedheen Khatumo State, kuwaas oo dagaalo iyo xasarado ka bilaabay gobalada Sool iyo Buhodle ee Somaliland.