“Sharci Cabudhinaya War-Baahintu Waa Wax Aan La Aqbali Karin”

9
2685

Picture1Hargeysa(Geeska)-Xarunta Xuquuqal insaanka Somaliland ee madaxabanaan ayaa ka digtay xeer saxaafadeed ay wadaan guddiga arrimaha bulshada golaha wakiilada oo la aaminsanyahay inay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dabada ka riixayso.

Xeerkaas oo ay hore saxaafadu u cambaaraysay, waxa uu Afhayeen u hadlay xarunta Xuqaaqal insaanka Mulaho Mohamed Ali, ka soo saartay warsaxaafadeedkan, oo sidan u qornaa “28 kii October 2013 warbaahinta madaxa banaan ee Somaliland waxay soo saartay warsaxaafadeed ay ku canbaaraynayso xeer saxaafadeed cusub. Gudi-hoosaadka Arimaha Bulshada ee  Golaha Wakilada ayaa diyaariyay xeerka qabyada ah, waxaana la filayaa inay dhowaan u gudbiyaan Golaha Wakiilada. Warsaxaafadeedku wuxuu muujiyay walaac wayn oo ku aadan nuxurka xeerka cusub. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay heshay nuqul xeerka cusub ah.

 Madaxbanaanida warbaahinta iyo xoriyatul qawlka waxa damaanad qaaday dastuurka iyo Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanka. Qodobka 32 ee dastuurku wuxuu si cad u mamnuucay fal kasta oo cabudhinaya warbaahinta.

 Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ka walaac san tahay in marshuuca sharci aan loo soo bandhigin dadwayanah si loogala tashado. Xeer u mihiim ah sida kan oo kale waa inaan loo gudbin Golaha Wakiilada si uu uga doodo iyada oo aan laga horaysiin wada tashi lala yeesho dhamaan daneeyayaasha oo dhan.

 Gudi-hoosaadka waxa looga baahan yahay inay dhisto kalsooni dhexmarta warbaahinta iyo Xeer-dejinta. Dadaalkaas oo ay tahay in warbaahintu ka ciyaarto door muhiim ah.

 Xeer cusub oo war-baahineed ama wax –ka-bedelka mid hore u jiray waa in lagala tashada warbaainta, ururada xuquuqal insaanka iyo guud ahaan bulshada rayidka ah. Sharci cabudhinaya warbaahintu waa mid aan la aqbali karin islamarkaana ku xadgudbaya dastuurka iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqal insaanka.

Talo soo jeedin:

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay kula talinaysaa Gudi-hoosaadka Arimaha Bulshada ee Golaha Wakiiladu inuu: 

 Qabto wada tashi guud oo laga yeesho marshuuca sharci

Inay ka joogsadaan inay u gudbiyaan marshuuca sharci Golaha ka hor intaan lagala yeelaan wada tashi buuxa dhamaan daneeyayaasha oo dhan. “

Comments are closed.