Istaraatijiyadda Suuqgeynta: Sirdoonku Meelaha Uu Xidhiidhka Kala Leeyahay Xeeladaha Suugeynta

0
245

Loollanka ganacsiga iyo u kala dheeraynta macaamiishu waa dabeecad soo jireen ah oo uu weligeedba ganacsigu lahaa, laakiin tirada ganacsiga ee sii badanaysa siina casriyoobaya iyo macaamiisha oo marba marka ka dambaysa sii ilbaxaya una baahan in la qanciyo ayaa sabab u ah in loollaanka shirkadaha maxalliga ah iyo kuwa Caalamiga ahiba marba marka ka dambaysa sii kululaadaan, taas oo sababtay in shirkad kastaa ay yeelato waax qaabilsan suuqgeynta oo ay ka hawlgalaan dad waxbarasho iyo tababar fiican u leh iyo in jaamacadaha kala duwan ee adduunka ay ku soo biiraan koorsooyin lagu baranayo Tabaha suuqgeynta ganacsiga.

Xeeldheereyaasha ka faallooda heerarka tartanka ganacsiga adduuna iyo suugeyntu marayso waxa ay kala mid dhigaan loollaanka milateri iyaga oo xusaya xeelado badan oo ay wadaagaan Istaraatjiyadaha Suuqgeynta iyo Istaraatijiyadaha milateriga.

Istaraatjiyadda milateri ee suuqgeynta (Marketing Warfare strategies) oo ah suuqgeyn xeeladaheeda laga soo dheegtay Tabaha Istaraatjiyadeed ee milateriga, waxaam arkii ugu horreysay la fahmay sannadihii kun sagaal boqol iyo siddeetamaadkii, kaddib markii la isku xidhay xeerarka dagaalka ee ku qoran buugga ‘The Art of War’ ee qoraagii Shiinaha u dhashay ee Sun Tzu iyo dunida ganacsi, kaddibna ay ka sii faa’iideeyeen xeeldheereyaasha Barashada suuqgeynta ee Philip Kotler iyo Brian Tracy.

Cimaad Abul-Fatuux ayaa maqaal ku soo bandhigayo meelaha ay iska shabbahaan istaraatjiyadaha milateriga iyo suuqgeynta waxa uu ku faafiyey shabakadda Aljazeera. “Aynu ka soo qaadno in aad tahay hoggaamiyaha xoogagga suuqgeynta, oo ka shidaal qaadanaya istaraatjiyadaha milateriga si uu u dejiyo qorsheyaal suuqgeyn oo u suurtageliya in uu ku ruqaansado suuqyada, in uu xididka waabayda ka siibo shirkadaha loollanku ka dhexeeyo, dhulkoodana isu fidiyo. Waxa ugu sii muhiimsanina waa in uu ka hortago in u dhaco jab suuqa ka saaraa.

Xeeladaha Sirdoon ee suuqeynta

Istaraatjiyadaha milateriga waxaa ugu horreeya sirdoonka oo ah in xog lagar aadiyo cadowga. Waa mid ka mid ah curiyeyaasha ugu muhiimsan ee guusha lagaga gaadhi karo furimaha dagaalka.

In xog laga helo cadowga, dhaqdhaqaaqiisa iyo meelaha uu ku jihaysanyahay, isla markaana la ogaado illaa xadka uu diyaargarowgiisu yahay, iyo in la fahmo xaaladaha u gaarka ah furinta dagaalka qudheedu, waxa ay ka mid yihiin seeska lagu dul dhiso dejinta qorshe milateri oo si xeeldheer loo dhigay, taas oo damaanad u ah in lagu gacansarreeyo miidaanka dagaalka.

Marka dunida suuqgeynta la joogo in la raaco afkaarta wanaagsan oo keliyi waxa ay ka mid tahay sababaha inta badan keena khasaaraha shirkadaha, halka in la raaco xogta saxda ah ee suuqa, si xeeldheer oo fiicanna loo gorfeeyaa waxa ay suurtagelisaa in shirkaddu ay adkaysi yeelato.

Marka dunida suuqgeynta la joogo in la raaco afkaarta wanaagsan oo keliyi waxa ay ka mid tahay sababaha inta badan keena khasaaraha shirkadaha, halka in la raaco xogta saxda ah ee suuqa, si xeeldheer oo fiicanna loo gorfeeyaa waxa ay suurtagelisaa in shirkaddu ay adkaysi yeelato, taas macnaheedu waa in fikirka oo qurux badani kelidii aanu ahayn jidkii guusha lagu gaadhayey.

Cilmibaadhista suuqu (Market Research) waxa ay u shaqaysaa qaab aad ugu eeg sirdoonka milateriga. Cilmibaadhista suuqu marka qeexdeeda la soo koobo, waa raadinta xogta saxda ah ee la xidhiidha suuqa. In la fahmo dabeecadda cidda tartanka lagula jiro, meelaha ay u xooggantahay, goldaloolooyinkeeda iyo waxyaabaha awoodda siinaya sida imkaaniyaadka uu qalabku ka mid yahay. In qorshaha suuqgeynta ee lagu dhiso xogaha la helo iyada oo muhiimada la siinayo sida ay ku habboontahay in looga faa’iidaystaa, waxad ay ka fiican tahay in maloawaal lagu dhiso.

Suuqu maaha duni xeerar hagi karaan

Suuqu ma’aha duni xeerar iyo habdhaqanno la isku sii ogyahay, balse wada uu u shaqeeyaa si liddi ku ah sidaas. Maalin kasta isbeddel lama filaan ah ayaa yaalla; tartamayaal cusub ayaa soo gelaya, tartamayaal abid aad loollamayseen ayaa ka baxaya, farsamo iyo teknoolajiyad cusub ayaa soo kordhaysa, jihadii loollanka iyo ciyaartu u socotay ayaa gebi ahaanba laga guurayaa. Dalabkii iibsiga oo hoos u dhacay, ama suuq kale oo loo wareegay. In shirkaddu ay siyaasaddeeda suuqgeynta ku dhisto keliya fikir fiican oo ay heshay waxa ay inta badan keentaa khasaare. Halka xogta runta ah oo la raadiyo laguna dhiso siyaasadda suuqgryntu ay keenayso in shirkaddu ay mudd heer adkaysi sii yeelato.

In kasta oo cilmibaadhista suuqa loo sameeyo siyaabo kala duwan oo inta badan ku xidhan kala duwanaanshiyaha nocoa suuqgeyn ee shirkaddu u baahan tahay iyo  nocoa ganacsigeeda, haddana inta badan suuqgeyntu nooc kasta oo ay tahay waxa ay ku dhisan tahay afar su’aalood:

– Yacmiil kuu ah?

– Halkee ay joogaan macaamiishaadu?

– Sidee ay macaamiishaadu wax u iibsataa?

– sababma ayaa ay macaamiishaadu u iibsataa adeeggaaga ama badeecadda aad hayso?

Su’aasha koowaad waxa ay kuu iftiiminaysaa nooca macaamiisha ee aad beegsanayso, su’aasha labaad waxa ay ku baraysaa deegaannada iyo goobaha ay dhulak ka joogaan, jawaabta su’aasha saddexaad waxa aad ku ogaanaysaa hababka iyo xeeladaha uu macmiilku ku iibsado adeeggaaga ama badeecaddaada iyo su’aasha afaraad oo ah ta ugu muhiimsan, oo lagu ogaanayo qiimaha macmiilka ku dhiirrigelinaya in uu iibsado adeeggaaga iyo badeecadahaaga ee ay kaga soo baydhayaan badeecadaha iyo adeegyada la midka ah ee suuqa yaalla.

Istaraatjiyadda suuqgeyntu waxa ay la mid tahay istaraatjiyadda ciidamada, waxa ay ku bilaabataa in aad soo daraasayso miidaanka suuqa, in aad ogaato waxa ay u baahan yihiin dadka aad doonayso in ay macmiil kuu noqdaan, iyo in aad daraasayso ganacsiyada loollanku idin dhex mari karo ee suuqa ka jira, iyo markaas kaddib in aad darsaasayso hababka iyo tabaha cusub ee weerarka iyi difaaca.

Istaraatjiyadda labaad: Qorshaha qabsashada

Marka la soo ururiyo xogta taalla suuqa iyada oo loo marayo ilahakala duwan ee lagu heli karo, kaddibna si ku filan loo falanqeeyo.

Marka dejinta istaraatjiyadda weerar ee Milateriga laga hadlayo, waxa marka hore la dejiyaa qorsheyaasha dhaqaaqal iyada oo la beegsanayo tallaabooyin la yaqaan oo uu ku gaadhi karo ka guulaysiga cadowga a, iyo in uu aagga ugu ballaadhan isagu gacanta ku hayo. Suuqgeyntuna jidkaas ayuunabaa ay martaa, marka la dhammaystiro marxaladda marxaladda cilmibaadhista suuqa, waxaa bilowda marxaladda labaad oo ah in la dejiyo qorshihii shaqo (Business Plan), oo ay ku jiraan yoolalka la isla meel dhigay in la gaadho, si loo qabsadl suuqa.

Qorshaha shaqo ee suuqgeyntu waa in uu koobsadaa yoolal cadcad, oo laga qiyaas qaadan karo lana fulin karo. Qorshe lagu nidaaminayo shaqada, kharashaadka, ilaha lagama maarmaanka u ah bilowga shaqada, in la dejiyo sawir fiican oo muujinaya natiijada maaliyadeed ee laga filan karo, iyo halbeegyada ay tahay in la isticmaalo marka la qiyaasayo hawlgudashada.

Qorsha hawleedka dhinaciisa suuqgeynta waa in ay ku jiraan yoolal cadcad oo la higsanayo, kuwaas oo ay ka mid yihiin tirooyin iyo taariikho kale oo lagu astaysan karaa. Ciidamada iyo suuqgeyntu meelaha ay isaga eeg yihiin waxaa lagu soo koobi karayaa, “Suurtagal ma’aha in aad shiisheto yool aanad arkayn, wixii la qiyaasi karo oo keliya ayaa la rumayn karaa dhicitaankiisa.

Istaraatjiyadda Saddexaad: Weerarka

Dunida ganacsigu waa sida dagaalka, waa dagaal dhibaato leh laakiin sababtiisu ay tahay in aad badbaaddo iyo in aad guulaysato.

Waxa se aad ogaataa in Inaad guulaysato iyo in aad badbaaddaa ay u baahan yihiin in aad weerar joogto ah ku jirto, gaar ahaan marka la eego xaaladda hubaanti la’aanta iyo isbedbeddelka jogotada ah ee suuqa oo casriyadan dambe marba marka ka dambaysa sii xumaanaysa.

Waxaa jirta caaqiido milateri oo caan ah; “dagaallada waaweyn guul lagagama gaadho is difaac keliya”

Waxaa la yidhaahdaa ninkii ugu horreeyey ee ereygan laga guntay waxa uu ahaa dagaalyahankii caanka ahaa, hoggaamiyihii milateriga iyo siyaasadda ee Faransiiska Napoléon Bonaparte.

Laakiin macne ahaan waa faham qaddiimi ah oo weligiiba iska soo jiray, waayoaragnimada dagaallada laga helay ayaa in baraysa in guul aad ciidamada ka gaadhaa ay u baahan tahay in aad weerar qaaddo.

Qaaciidadaas laftigeeda ayaa dunida ganacsigana ka shaqayn karta, laakiin ereyga “Difaac” waxa aynu ku beddelaynaa ereyga “Aag nafiska” (Comfort Zone) oo ah erey muhiim u ah cilmiga suuqgeynta.

Comfort Zone ama Aagga nafisku waa in shirkaddu ay ka cabsato gelitaanka suuqyada cusub ee laga yaaba in ay ka filayso caqabadaha, kuna adkaysato ku negaanshiyaha suuqa ay ku dabbaal baratay oo keliya.

Suurtagal ma’aha in guulo waaweyn ay shirkaddu gaadho inta ay isku koobayso aagga nafiska ay ku tahay, iyada oo ku dayanaysa ama ka fikiraysa oo keliya waxa suuqa hore u sii yaallay. Ololeyaal suuqgeyn oo ah isku dayasho iyo ku celcelin caado noqotay. Afkaar hore oo guun noqday, iyo cabsi laga qabo afkaarta cusub.

Suuqgeyntu waa sida dagaalka, waa lagama maarmaan in hadba afkaar iyo hawlo cusub la tijaabiyo, lagana gudbo afkaarta guunka noqotay ee aan midha dhalka ahayn ama laga yaabo in waqtigii ay midho dhalka ahaayeen laga soo gudbay.

Mar kasta oo ay korodho tirada afkaarta cusub ee ay shirkaddu ku tijaabinayso suuqgeynteeda, waxaa kordha awoodda ay u leedahay in ay gaadho hab cusub oo ay suuqa ku qancin karto waxsoosaarkeeda, in ay suuqyo cusub isku ballaadhiso iyo in ay kasbato macaamiil cusub.

Laakiin haddii ay ku adkaysato ku negaanshiyaha xaalad difaac ah, iyo suuq ay raaxo ku dareemayso, in ay iska caabbido is beddelka, iyo tijaabinta afkaarta cusub, waa jid la hubo in aanay guul kaga gaadhayn dagaalka weyn ee suuqa, waana suurtagalba in uu jab u horseedo.

Istaraatijiyadda afaraad: Mabda’a cufnaanta

Mabda’a cufnaanta (The principle of Mass) waa Istaraatjiyad milaterigu leeyahay oo caan ah, taas oo macnaheedu yahay in xooggaaga dhinacyada kalad uwan ah aad si buuxda u miciinsato waqtiga iyo goobta ku habboon. Waa in aad marka hore ogaataa meelaha uu cadowgaagu u liito iyo meelaha uu u xooggan yahay, kaddib aad awooddaada isugu geyso meelaha uu u liito, si aad u baddo khasaaraha ugu ballaadhan ee suurtagalka ah. taas oo kuu sahlaysa in aad dhul ballaadhan ka qabsato miidaanka dagaalka.

Dunida ganacsigana isla tabtaas ayaa ka shaqaysa, waa in shirkaddu ay daraasayso suuqa, xog sax ahna ka hayso meelaha ay shirkadaha loollanka kula jiraa u xooggan yihiin ama u liitaan, kaddibna ilaheeda oo dhan ku jihayso beegsiga meelahaas ay shirkaddu u nugushay, sida ceebaha waxsoosaarkeeda ama adeeggeedu uu leeyahay. Si ay ula timaaddo waxsoosaar ama adeeg macaamiisha si sidii hore ka badna u soo jiita, kaddibna ay suuqa ballaadhsado.

Istaraatjiyada Shanaad: Dhoolla tuska

Waaxda hal-abuurku caadi ahaan waa awoodda shirkadaha ku riixda in ay suuqa ka qabsadaan masaaxad intii hore ka ballaadhan.

Ciidamada marka laga hadlaayo dhoollatusku waa hubinta iyo diyaarinta ciidamada dalka si ay sida ugu habboon uga jawaabi celin karaan weerarka kaga yimaadda cadowga.  Marka dunida suuqggeynta laga warramayo, ereyga dhoollatus waxa uu u dhigaymaa erey bixinta ganacsiga aad looga isticmaalo ee afka ingiriisiga lagu yidhaahdo ‘Inovation management’. Taas oo macnaheedu yahay in la helo hal-abuur ka fiican kana dheeraynaya kii hore, isla markaana xoogga la saaro macmiilka kasbashadiisa.

Shirkaddu waa in ay yeelataa ‘Waaxda Hal-abuurka’ oo inta badan ah tamarta shirkadaha ku riixda in ay kasbadaan awood u suurtagelinaysa in ay imikaaniyaadka ugu yar ku helaan saamiga ugu ballaadhan ee suuqa.

Hal abuurka suqgeynta, hal abuurka qorista iyo diyaarinta xayeysiisyada soo jiidan kara dadka la beegsanayo, hal abuurka xidhiidhka macaamiisha, hal abuurka istaraatjiyadda lstaraatijiyooyinka lagu haysanayo macaamiisha, hal abuurka xod xodashada macaamiisha shirkadaha kale, iyo ku qancintooda adeegga ama wax soo saarka ganacsigaaga.

Si guud marka loo eeganaya , jidadka ugu muhiimsan ee hal abuurka suuqgeyntu waa in aad daraasayso ololeyaasha suuqgeynta hal abuurka leh ee cidda loollanku idinka dhexeeyo iyo kuwa kalaba, kaddibna in aad bilowdo dhismaha noocyo suuqgeyneed oo ka korsan ama ka sarraysa afkaarta cidda aad loollamaysaan.

Istaraatjiyada Lixaad: Dhirbaaxada kediska ah

Xilligii uu socday dagaalkii labaad ee adduunka dhinacyadii is hayey waxa loo kala yaqaannay xulafada oo ahaa dalalkii isku xulafaystay in ay jebiyaan Jarmalka, Jabbaan iyo Talyaaniga oo iyagu cududdooda milateri mideeyey. Waxaana ugu waaweynaa dalalka Ingiriiska, Midowga Soofiyeti iyo Maraykanka. Dhinaca kalana waxaa loo yaqaannay isbahaysiga, sababta magaca loo kala duwayna waxa ay ahayd in qolada dambe aanay si buuxda u midaynin hawlgalladooda milateri, waxaana iyagana calanka u siday dalalka Jarmalka, Talyaaniga iyo Jabbaan.

Haddaba markii uu dagaalku socday ayaa quwadihii xulafada la baxay waxa ay fuliyeen hawlgallo ballaadhan oo ay ciidamo cirka kaga daadinayaan deegaanka Normandy oo dhaca woqooyiga galbeed ee Faransiiska. Tallaabadani waxa ay isbahaaysigii ka soo horjeeday ku noqotay lama filaan maadaama oo ay marka hore xogta ku hayeen in halka ay ku soo degeyaan ay tahay magaalada Caliyaa oo ah oo ah magaaloo xeebeed deked muhiim ah lahayd oo ku taallay woqooyiga Faransiiska, sidaas awgeed halkaas difaacooda ku diyaariyeen.

Isbeddelkaas aanay Isbahaysigu filaynin waxa ay ku noqotay dhirbaaxo xanuun badan oo soo dedejisay jabkoodii iyo guushii xulafadu dagaalkaas ku soo gunaanadeen.

Haddaba dunida suuqgeynta marka la joogo, shirkadaha qaarkood dhirbaaxo lama filaan ah ayaa ay u adeegsadaan cidda loollanku ka dhexeeyo, si ay u geddiyaan isleegta marka hore jirtay. Shirkadaha tusaalaha aynu u soo qaadan karno waxaa ka mid ah shirkadda caanka ah ee ‘Apple’ oo sannadkii 2007 mar keliya dunida kaga yaabsatay markii ay soo saartay talefankeedii ugu horreeyey ee iPhone. Mar keliya ayaa miisaankii suuqa taleefannada gacantu uu dheelliyey, dadka ku xeeshadheer suuqgeyntuna waxa ay ku tilmaameen ‘Dhulgariir ku dhacay suuqa taleefannada gacanta’ waxa aanu ugu dambayntii keenay in ay shirkado waaweyn oo taleefannada gacanta soo saara magacna ku lahaa ay suuqa ka baxaan, waxaa ka mid ah shirkaddii Nokia.

Waxa kale oo ay tallaabadani ay fursad siisay shirkado cusub oo suuqa soo gala qaarkoodna loollan adag la galeen Apple qudheeda, arrinta kale ee yaabka lihi waxa ay tahay in dhulgariirka suuqa ay Apple ku keentay uu sababay in dib loogu noqdo gebi ahaanba samayska, shaqada iyo qaabka taleefannad gacanta.

Qaladaadka ugu waaweyn ee ay shirkadaha qaarkood galaan waa in suuqgeyntoodu ay ku ekaato jid keliya oo ay naftooda ku xasishay maadaama oo natiijadiisa ay sii saadaalin karaan. Iyaga oo aan ka fikirin in ay waxyaabo lama filaan ah soo kordhiyaan.

Macnuhu ma’aha in shirkad kastaa ay soo saarto nashqado iyo farsamooyin iyo adeegyo cusub, laakiin waa in ay lagama maarmaan tahay in shirkadu ay samaystaan geeddi socod ay ku horumarinayaan hadbana dib ugu qaabaynayaan waxsoosaarkood iyo adeegyadooda, si xirfad iyo tabo xeeldheer ku dhisan, si ay kor ugu qaadaan awooddooda macmiil kasbashada. Taasi waxa ay kor u qaadaysaa awoodda ay shirkaddu ku leedahay suuqyada

Istaraatijiyada Toddobaad, isku xidhka xoogagga

Isataraatjiyadaha milateriga curiyeyaasha ugu badan ee xoojiya awoodda ciidan iyo isku dubaridnaantooda waxaa ka mid ah, waxa loo yaqaanno, “Isku dubaridka xoogagga” oo ah in xilliga dagaalka la adkeeyo isku xidhnaanta iyo wada shaqaynta noocyada kala duwan ee ciidamada, sida ciidamada cirka, dhulka, badda iyo kuwo kale, iyada oo loo samaynayo talis dhexe  oo qaata go’aamada hawlgallada wadajirka ah la xidhiidha, marka weerarka lagu qaadayo cadowga. Taliskaas dhexe oo aasaas u ah sarraynta ay ciidamadu ka gaadhaan fagaaraha dagaalka.

Marka dunida suuqgeynta laga hadlayana, isku xidhkaas xoogaggu waxa uu metelayaa fahamka ah in qaybaha kala duwan loo sameeyo shaqo-kooxeed (Team Work), laga bilaabo xubnaha iyo maamullada kala duwan, laga bilaabo qaybaha wax soo saarka, illaa wakiillada iibka iyo qaybaha u adeegga macaamiisha, iyo iibiyeyaasha ay macmiilka toos isu qaabilayaan.

Alfred Sloan oo muddo dheer ahaa maamulaha shirkadda gaadiidka soo saarta ee General Motors waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay agaasimeyaashii ugu magaca weynaa ee niskii hore ee qarnigii labaatanaad soo mara shirkaddan Marayknaka ah, uguna raadaynta badnaa koritaankeeda.

Waxa uu awooday in uu shirkaddan ka dhigo shirkadaha adduunka ugu waaweyn, iyo mid ka mid ah ganacsiyada saamaynta weyn ku leh farsamada iyo tiknoolajiyada Maraykanka.

Waxaa jirta qiso caan ah oo ka warramaysa caadooyinkiisii maamul ee ugu muhiimsanaa. Waxa ka mid ah caado u uu lahaa in uu bil kasta toddobaad ka mid ah xafiiskiisa ka maqnaado, toddobaadkaas dadka oo dhami waa ay waayi jireen, oo si buuxda ayaa uu isu qarin jiray. Kaddib si caadiya ayaa uu xafiiskiisa toddobaad kaddib ugu soo noqon jiray isaga oo aan cidna u sheegin halka uu ku qarsoonaa.

Beri dambe waxaa la ogaaday in Alfred Sloan uu bil kasta hal toddobaad uu la soo shaqayn jiray mid ka mid ah wakiillada gaadiidka ee shirkadda General Motors, isaga oo si dhow ula soconaya xidhiidhka wakaaladda iyo macaamiisha, waa u la sheekaysan jiray lana falgeli jiray, isaga oo qoranaya faallooyinka iyo qodobbada muhiimka ah ee ay ku hadlaan shaqaalaha wakaaladda iyo macaamiishu, gaar ahaan marka ay ka sheekaysanayaan meelaha ay u xooggan yihiin ama u liitaan hadba gaadiidka ay shirkaddu soo bandhigtaa.

Toddobaadkaas kaddib waxa uu ku soo noqon jiray xafiiskiisa isaga oo xog waafi ah ka haysta liidashada iyo xoogganaanta shirkadda labadaba, isla markaana faham ka haysta geeddiga shaqo ee shirkadda, isaga oo ku dhisaya waxyaabaha uu isagu goobjoogga u soo noqday, waxaa la aaminsanyahay in xogtaasi ay ka caawin jirtay jihaynta fiican ee shirkadda iyo qaadashada go’aamada ku habboon Horumarinta waxsoosaarkeeda iyo suuqgeyntooda.

Waxa uu Alfred Sloan sameeyey waxaa lagu tilmaamaa tusaale cad oo muujinaya waxtarka shaqo wadareedka, agaasimaha fulinta ee shirkaddu waa in uu iskaashi dhow iyo wada shaqayn la yeeshaa wakiillada, shaqaalaha iibka u qaabilsan iyo macaamiisha, waa in uu dhegeysto aragtidooda, iyo fahamka ay ka qaataan waxsoosaarka iyo adeegga shirkadda, si go’aamadiisa dambe uu u saxo, uguna saleeyo xaqiiqooyinkan oo laga yaabo in aanu dhayal ku ogaan kareen haddii aanu sidan yeelin.

Ugu dambayntii waxaa muhiim ah in uu suuqgeeye kastaa fahamsanaado in waxa ka shaqaynaya dunida ciidamada ee Xaaladaha dagaalku uu sida oo kale duniga ganacsiga ka shaqeeyo, ka bilow fahamka yidhaahda ‘Dagaalku waa xeelad” “Suuqgeyntuna waa xeelad” illaa laga gaadho Istaraatjiyadaha weerar ee lagu qabsanayo dhul cusub oo ballaadhan, laguna xaqiijinayo halbeegyo istaraatjiyadeed’ iyo bara bixinta  cidda loollanku idinka dhexeeyo.

Sidaas awgeed dagaalku waa uu ka dhex jira dunida milateriga iyo dunida suuqgeynta labadaba, waxa aanay wadaagaan fikir, iyo qorshe garaad san ku dhisan, waxa se ay ku kala duwan yihiin qalabka lagu fulinayo iyo ujeedka laga leeyahay. Dhammaad.