Iska jir Beenta Sixiroolaha: Nin $1 Milyan Siiyey Sixiroole U Sheegay In Beertiisu Dahab Dhali Doonto

0
1003

Picture3Cammaan (Geeska)- Masuuliyiinta amniga ee dalka Urdun ayaa gacanta ku dhigay koox ka kooban saddex ruux oo lagu eedeeyey in ay khiyaameeyeen nin da' ah. waxa la sheegay in saddexdan nin ay ku qanciyeen odaygan in midkood uu awoodo beertiisa oo ahayd beer yar in uu ka soo saaro dahab, taas oo odayga ku kalliftay inuu nimankan siiyo lacag dhan hal Milyan oo doolarka Maraykanka ah.

Afhayeenka xafiiska amniga qaranka ee dalka Urdun ayaa mar sii horreysay wakaaladda wararka ee AP u sheegay in kooxdani ay ku guulaysteen in ay odaygan ku qanciyaan in uu midkood leeyahay awood sixir ah oo uu ku suuro gelin karo in xaddi badan oo dahab ah uu ka soo saaro dhulka ay beertiisu ku fadhido hoostiisa. Masuulkan la hadlay wakaaladda wararka ee AP hadalladiisa waxa ka mid ahaa, "Khiyaamadani waxa ay caqli gal ula ekaatay ninkii beertan lahaa oo lacag xad dhaaf ah u xawilay sixiroolaha sheegtay inuu dahab soo saarayo oo ay dillaal u ahaayeen labada nin ee kale, lacagtan oo uu marar kala duwan ninkan beerta lahaa u xawilay sixiroolaha waxa lagu qiyaasay Hal Milyan iyo Laba boqol oo kun oo doolarka Maraykanka ah isaga oo hammiga ku hayey in waxa uu heli doonaan in badan ku laban laabmi doono inta uu bixiyey" Alkhadiib afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa u sheegay wakaaladda AP in ay raggani odaygan ku qanciyeen in mar kasta oo uu sii kordhiyo lacagta uu bixinayo, uu sii kordhi doono xaddiga dahabka uu helayaa.