Xukuumadda Somaliland Oo Canaan Iyo Digniin Culus U dirtay Dalalka Beesha Caalamka

0
785

 

Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa beesha caalamka uga digtay in ay gobalka ku samayso wax faragelin ah oo wax u dhimi karta qarannimadeeda sharciyadda ku dhisan ee sida adag ay ku kasbatay. Waxa aanay ugu baaqday in beesha caalamku ay si loo siman yahay u joogteyso ballankeedii ahaa in ay noqoto dhexdhexaadiye daacadnimo iyo xaglin la’aan ku shaqeeya. Iskana ilaaliso mawqif kasta oo khatar gelinaya ama dhaawacaya nabadgelyada iyo xasiloonida gobalka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa sidan ku tidhi warsaxaafadeed kulul oo ay kaga jawaabtay warmurtiyeed ay 28-kii Jeenaweri wadajir u soo saareen dalalka iyo hay’adaha caalamka ee lagu magacaabo saaxiibbada Soomaaliya, oo baarlamaanka feederaalka ugu baaqay in uu xal ka gaadho qaabka iyo sharciyadda ay xildhibaannada Somaliland metelayaa ku geli doonaan doorashada soo socota ee Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland  waxaa lagu sheegay in nidaamka dimuqraaddiga ah ee Somaliland oo 30 kii snao ee u dambeeyey xididaysanayey uu leeyahay hay’adihiisa dawladeed ee ugu sarreeya iyo awooddiisa sharciyeed oo ku salaysan dastuurka jamhuuriyadda Somaliland oo keliya, taasina ay tahay tan keliya ee meteli karta doonista dimuqraaddiga ah iyo masiirka dadka Somaliland.

Waxa aanay ayanadarro ku tilmaamtay in beesha caalamku ay raadinayso in Somaliland oo ay ka jirto dimuqraadiyadda ugu xoogga badan Bariga Afrika, ay dhexgeliso geeddi socodka tijaabada ah, welina aan xalka laga gaadhin ee Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Somaliland ay sumcad ku heshay dimuqraadiyad ay goobjoogeyaasha caalamiga ahi ka marag kaceen in doorashooyinka Somaliland ay yihiin xor iyo xalaal iyo loollan gaadhsiisan heerarka halbeegyada caalamiga ah, iyada oo noqotay dalkii ugu horreeyey adduunka oo dhan, ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha u maray nidaamka sawirka isha. Iyo in Somaliland oo ah shamaca ifaya iyo horyaalka dimuqraadiyadda Geeska Afrika, ay caawisay isla markaana la shaqaysay dhammaan dadaalladii dhinacyada badan ahaa ee lagu caawinayey in dimuqraadiyaddu ay ku xididaysato deriskeeda, iyada oo aaminsan in qiyamka dimuqraadiyaddu uu horseedayo nabad iyo xasilooni wadajir loo wada helo iyo ka hortagga sunta xagjirnimada.

Dhinaca kalana warsaxaafadeedku waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay sii wadayso ka mahadsheegashada kaalinta ay beesha caalamku ku leedahay xoojinta dimquraadiyadda ay dadka Somaliland kobcisteen iyo nabadda gobalka, oo ay ku jirto taageerada ay siiso geeddi socodka doorashada qaranka oo ah mid ay somaliland leedahay.

Somaliland waxa ay ballanqaaday in ay sii wadayso soo dhoweynta dadaallada ay jaalkeeda caalamiga ahi ku dhiirrigelinayaan wadaxaajood ay la gasho deriskeeda Soomaaliya, si loo xaqiijiyo xidhiidh nabad buuxda iyo iskaashi ku dhisan oo labadayada ummadood yeeshaan. sida warsaxaafadeedka lagu sheegay. Iyada oo intaas ku dartay si wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya u guulaystaan, una kasbadaan quluubta iyo maskaxda dadka Somaliland, in ay muhiim tahay in ay ku dhacaan jawi laga arkayo in ay dhinacyada oo dhami tixgelinayaan, isla markaana ilaaliyaan, go’aanka aan ka noqoshada lahayn ee ay dadka Somaliland si madax bannaan ugu maamulayaan arrimahooda siyaasiga ah, gaar ahaan dawladnimadooda dimuqraaddiga ah.

Ugu dambayntii, waxa warsaxaafadeedka lagu sheegay in Somaliland ay mar kale beesha caalamka uga marti tahay, in ay tixgeliso doonista iyo himilada siyaasadeed ee dadka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here