Ishaarooyinka Faraha Ee Bulshooyinka Qaar Caadada U Leeyihiin Kuwo Kalana U Yaqaannaan Ceebta (Q:3aad)

0
1419

Picture1Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii saddexaad ee qormadii aynu kaga waramaynay ishaarooyinka gacmaha ee ay bulshooyinku ugu kala duwan yihiin, sida dhaqanka iyo afka ugu kala duwan yihiin.

7. In far dhexada, gacan kasta gaarkeeda dusha sare lagaga soo laabo farta murdisada, iyada oo ay baabacadu u jeeddo dhinaca qofka gacanta ishaaraynaya, faraha far-yarada iyo faadumadana inta la soo laabo suulka dusha lagaga qabanayo, sida ka muuqata sawirka koowaad, waa ishaaro aad looga isticmaalo dalalka reer Yurub, oo macnaheedu uu yahay, “Nasiib wanaag la kulan ama nasiibkaagu ha wanaagsanaado” Ishaaradani waa hab qofka loogu muujiyo in aad ku faraxsan tahay guulaha ama wanaagga uu gaadhay, isla markaana u rajaynayso in uu kuwo ka sii baaxad weyn gaadho.

Si kastaba ha ahaato ee ishaaradani waxa ay ceeb ka tahay dalal ka mida ah dunida, waxaa ka mid ah dalka Fiyatnaam oo dadkiisu ay u yaqaannaan cay iyo astaan lagu tilmaamayo qaybo jidhka ka mid ah oo xasaasiya. Qof u dhashay dalka Filibiin oo astaantan lagu ishaareeyaana waxa ay ka dhigan tahay in cay akhlaaq xumo ah oo dagaal abuuri karta.

8. Ishaarada Shaydaanka: Farta murdisada iyo far-yarada oo kor loo taago, lana laabo labada farood ee u dhexeeya oo ah far-dhexada iyo faadumada sida ka muuqata sawirka labaad ka muuqata ayaa ah ishaaro muran badan oo aad loogu kala aragti duwan yahay isticmaalkeeda.

Tusaale ahaan ishaaradani waxa ay caan ku tahay xafladaha ciyaarta Rock loo yaqaanno oo caan ka ah dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska, waxa aanay u taagan tahay farxad iyo damaashaad, laakiin marka la joogo dalalka reer galbeedka qaarkood, sida dalka Talyaaniga, Isbayn, Burtugaal, Baraasiil iyo Kolombiya dadka ku nooli ishaaradan waxa ay u yaqaannaan macno kale oo dhinaca akhlaaqda ah.

Qof u dhashay dalalka aynu kor ku soo xusnay oo ishaaradan lagu yidhaahdaa waxa ay ka dhigan tahay in nin haddii uu yahay, loo jeedo in xaaskiisu ay tahay khaayimad oo nin kale ay xidhiidh xaaraan ah oo qarsoodiya la leedahay, haddii ay gabadh tahayna sidoo kale. Laakiin muranka ishaaradani intaas kuma koobna, dunida oo dhan waxaa caan ka ah in ishaaradani ay astaan u tahay shaydaanka, oo tusaale ahaan gacanta kor loo taagayaa ay ka dhigan tahay madaxii shaydaanka oo labada farood ee taagani ay yihiin geesaha dadku aaminsan yihiin in uu shaydaanku leeyahay. Astaantan oo si caadiya loogu yaqaanno ishaarada Shaydaanka, waxa lagu xantaa in ay ishaaro u tahay ururka dunida ugu qarsoodisan ee Maasuuniyadda oo ah urur yuhuudda danaheeda u adeega oo ay ku jiraan madax iyo dad aad u badan oo dunida magac ku leh, dal kastana ka soo jeeda. Waxa kale oo iyaguna jira dad aaminsan in ishaaradani ay astaan u tahay dadka shaydaan caabudka ah oo aad ugu badan dalka Maraykanka.

Arrinta xiisaha lihi waxa ay tahay in ishaaradan aad loogu arko madax kala duwan oo dunida ah, gaar ahaan madaxweynayaasha Maraykanka ee labada xisbi ka soo kala jeeda oo la og yahay in ay kala aragti iyo afkaar fog yihiin ayaa haddana labadoodaba lagu arkaa iyaga oo samaynaya ishaaradan, sida ka muuqata sawirka la socda ishaaradan oo ah madaxweyne Obama oo dad ku salaamaya ishaaradan, waxa iyaduna jira munaasabado badan oo kala duwan oo Obama laga arkay isaga oo ishaaradan isticmaalaya. La soco…