Inantii Yarayd Ee Maqaarka Abeesada Lahayd, Maalin Kasta 10 Jeer Ayaa Uu Dubkeedu Xuub-Dhacsadaa

0
716

1Delhi (Geeska)- Siyali Kapese oo ah gabadh yar oo 13 jir ah iyo Siddhant Kapesa oo isna ah wiil 11 sano jir ah oo u dhashay dalka Hindiya waxa ay leeyihin maqaar la mid ah maqaarka sare ee maska, maalin kastana 10 jeer ayaa ay xuub-dhacsadaan sida maska. Siyali iyo walaalkeed waxa ay ka takooran yihiin ardayda dugsiga la dhigata oo gaar isaga ururiya, dadka deegaanka oo ka cabsi qaba muuqaalkooduna waxa ay ku tilmaamaan in ay yihiin sixiroolayaal iyo rooxaan.

Dhakhtarradii la geeyey waxba waa ay u qaban kari waayeen, dawooyinka la siiyaana waxyar ayaa ay ka caawiyaan, sidaa awgeed aabahood ayaa mar kasta saddex jeer ugu dhaashiya subag. Waxa se’ maqaarkan abeesada kaga warwar badan lafahooda, oo ay dhakhaatiirtu caddeeyeen in maalin kasta ay sii taag-darraanayaan, araggooduna waa uu sii daciifayaa, wax xal ahna dhakhaatiirtu waa ay u waayeen, waxaas oo imtixaan adduun ah waxaa u raacay kaar joogto ah. Sayaali oo ay ka muuqato rajo mustaqbal, balse ka niyad xun xaalkeeda ayaa tidhi, “Waxa aan jecelahay in mustaqbalka aan noqdo xisaabiye, laakiin waxa aan ka shakisanahay in cidi shaqo i siin doonto ania oo xaalkan ku sugan” nasiib wanaag labadan walaalahan labadooda waalid iyo ilmaha saddexaad ee la dhashay oo wiilka ugu yar ahi ma’ qabaan cudurkan.

Sida uu sheegay Wargeyska The Mirror ee ka soo baxa dalka Ingiriiska oo uu Geeska Afrika warkan ka soo xigtay ayaa sheegay in Santosh oo carruurtan aabahood ahi uu ka shaqeeyo warshad qalabka gaadiidka lagu sameeyo. Santosh dhibaato ayaa ka haysata dadka la shaqeeya oo aaminsan in cudurkan la kala qaado oo uu iyagana u gudbin karo inta uu carruurtiisa ka soo qaado. Waxa uu sheegay in caruuruhu ay ka durkaan labadiisan caruur ah ee buka. Sidaa awgeed uu jecel yahay in uu mar kasta kaxeeyo soo ciyaarsiiyo si uu u maaweeliyo, oo aanay u dareemin cidlo.