Xoghayaha Siyaasadda Ee Xisbiga Waddani Oo Dalka Yimid

0
483

Picture1Hargeysa(Geeska):-Xoghayaha siyaasada ee xisbiga Waddani Maxamuud Raage Ibraahim, ayaa saluug wayn ka muujiyay muddo kordhinta golaha guurtidu u samaysay xukuumada madaxweyne Siilaanyo, Isla markaana wuxuu golaha guurtida ku tilmaamay kuwa meesha ka saaray shaqadii komishanka doorashooyinka loo igmaday inay dhex u noqdaan tartanka doorashooyinka.

Md.Maxamuud Raage Ibraahim, aya hadalka sheegay mar uu shalay dalka dib ugu soo laabtay oo uu qolka nasashada ee madaarka Hargeysa kula hadlaayey qaa ka mid ah warbaahinta. “Xaalada uu dalku galay looma baahnayn, oo anigu xaga iyo xagaa eegimaayo oo xaalada jirta maanta dawladda galisay. Waxaanan u daliishanayaa meel kale ka dooni maayo oo khubadii Madaxweyne Siilaanyo markii uu gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ahaa ayaan daliishanayaa oo daliil ii ah oo aan joogay anigu oo aan xaadir ahaa. Waxay ahayd inuu dalka Doorasho ka qabto, wax loo igmaday mudanne Daahir Rayaale Kaahin, madaxweynaha Qaranka ka masuul ah oo waakii yidhi maana la igmaday inay doorashadu halkan soo gaadho iyo in doorasho la qabto oo aynu gacanteena ugu codaynay oo aan anigu u ololeeyay, oo maal iyo nafba aan galiyay inuu isagu doorashada qabto.”Ayuu yidhi Maxamuud Raage Ibraahim

Xoghayaha siyaasada xisbiga Waddani Md.Maxamuud Raage oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu intaas raaciyey.“Marka haddii ay doorashadu habsantay Madaxweynaha iyo dawladiisa ka masuul ah, waabay dhacday, haddii aad doorashadii qaban kari wayday ha la I dalacsiiyana waxay ahayd inay xad yeelato, tii dambe ayaanu ogolanay oo doorashadii oo la qaban kari waayay ayuu xisbiga wadani wuxuu iska ogolaaday in sannad dambe oo komishanku gaadhay, markii hore sannad baa la kordhiyay hadana waxbaa la isla eegay oo lix bilood baa laga dabageeyay ay iska ogolaadeen xisbiyadu, haddana shan bilood ayay guurtidu ku cayuuqday, waxaasi ma qaranima, laba sannadood oo kororsiimo ah oo meel loo soo maro lahayn oo sharcigu wixii uu dhigay aanay ku jirin ma yeeli karno. Anigu halkii komishanku dhigay ayaanu fadhinnaa, sabab doorashadda maanta dib loogu dhiga may oolin.”.

Ugu danbeyntiina Maxamuud Raage, waxaa uu xukuumada madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyey in ay ku kalsoonaato komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland.“Garsoorka doorashooyinku waa gudida koomishanka, maxaa gudi doorashooyin loo sameeyay?, iyaga garsoorkii ka ah tartankii doorashadda, haddii iyaga la diido dee go’aan ay qaateen iyo go’aan ay rideen berto yaa yeelayaa, guurtidu waxay meesha ka saaraysaa ama ay ka saartayba koomishankii, waxay leeyihiin matihidin waxba, waxba la idinma dirin noo shaqeeya aniga uun, xitaa waxa u soo qoran canaan.”.Ayuu yidhi Maxamuud Raage.