In Obama Uu Muslimo Ayaa Shardi U Ah Heshiis Nabadeed Oo Dhex Mara Dalalka Iraan Iyo Maraykanka

0
560

Picture2Tehran (Geeska)- Taliyaha ciidamada ilaalada kacaanka Iraan qaybta magaalada shiraz ayaa sheegay in shardiga ugu weyn eek u xidhan nabad iyo is-af-garad dhex mara Maraykanka iyo Iiraan uu yahya, in madaxweyne Obama uu maka hore muslimo, oo weliba uu ku daydo sunnaha hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan Aayatullaah Cali Khaamana’i.

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee ardayda dalka Iiraan oo lagu magacaabo ISNA, Kornayl Qulaam Xuseen Qariib oo ka hadlay xaflad ka dhacday degmada Kazerun ee dalkaas ayaa waxaa hadalladiisa ka mid ahaa: “Cadaawaddeenu waxa uun ay dhammaanaysaa haddii laba shardi la helo: Waa in uu muslimo madaweynaha Maraykanku kadibna uu ku daydo Hanuuniyaha sare ee Iraan iyo in ay Iiraan ay faraha ka qaaddo xidhiidhkeeda ay la leedahay Islaamka iyo kacaanka Islaamiga ah” Taliyuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu bidhaamiyey sida aanay suurtogal u ahayn in madaxda Maraykanka iyo Yurub ay muslimaan, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Haddii aanay iyagu muslimayn, annaguna diintayada iyo kacaankayaga kama tegeyno. Sidaa awgeed, ma garanayo sababta keentay ay dadka qaar ugu haystaan in aanu maalin uu heshiis nabadeed la gaadhi doonno Maraykanka, oo xidhiidhkayagii diblumaasiyadeed uu soo noqon doono”

Sida la ogyahay xidhiidhka Iraan iyo Maraykanku waxa uu go’ay markii dhalashadii kacaankii Khaamana’i kadib ay koox arday jaamacadeed ahi qasab ku galeen safaaraddii Maraykanka, tan iyo dhacdadaas wixii ka dambeeyeyna labada dal midba kan kale waa uu u arkaa in uu yahay cadowgiisa. Laakiin bilihii u dambeeyey waxaa muuqday isfaham reer galbeedka iyo Iiraan ay ka yeelanayeen arrinta muranka adagi ka taagnaa ee la xidhiidha samaysashada Nukliyeerka ee dalka Iiraan. Sidoo kale sannadihii u dambeeyey waxaa dhacay kulamo qarsoodi ah oo ay Maraykanku Baqdaad kula yeesheen masuuliyiin reer Iraan ah si ay uga tashadaan sida uu noqon doon xaalka Ciraaq, bixitaanka Maraykanka kadib.