Aargoosiga Ma Yeedhaanka…

0
590

Qaahira (Geeska)- Arrin la yaab leh ayaa ka dhacday deegaanka Caamiriya ee magaalada Iskandariya oo ah caasimadda labaad ee dalka Masar. Arrintan oo ah nooceeda tii ugu horaysay ee la arko waxa ay ku dhacday nin beeraleey ah oo la yidhaahdo Saqar Nuux Ibraahiim, waxa aanay u dhacday sidan.

Ninkani dameer uu lahaa ayaa uu taar xadiid ah cagaha kaga dabray, taas oo dameerkii ku keentay nabarro cagaha ah oo khatar ah. kadib maalin maamaha ka mid ah ayaa isaga oo doonaya in uu  u soo dhowaado dameerka, ayaa uu dameerkii si lama filaan ah ugu soo booday, waxaanu afka ka buuxsaday madaxiisa. Sida lagu faafiyay Bogg internet-ka ah oo laga leeyahay dalka Masar, dameerkani waxa uu xoog u qanqaniinay ninkii, waxaanu gaadhsiiyay nabarro waawayn, dadkii dariska la ahaa ninkan beeralayda ahaa oo aad ugu dadaalay in ay ka ridaan ayay u suurti gali wayday illaa ay soo gaadheen dhaawacyo uu markiiba u dhintay.

Waxaa la sheegay in dameerkani uu ninkan u ahaan jiray mudeec uu ku adeegto, laakiin dhibtiisu ay ahayd in aanu u naariisan jirin, cagahana dabarka taarka ahi dhaawacyo xun ka gaadhsiiyey.