Cajaayibta Iyo Duruusta Lagu Cibro Qaadanayo Ee Ku Duugan Makhluuqa Alla (4)

0
414

Hargeysa (Geeska)- Waa qormadiiAfaraad ee taxane gaaban oo uu Geeska Afrika akhristayaashiisa afka Soomaaliga ugu soo beddelay qaybo ka mid ah buugga Cajaayibta Makhluuqa oo uu qoray Mansuur Bin Muxammed Ash-Shariidah.

Awoodda aragga ee shimbiraha: Xeeldheerayaasha cilmiga shimbiruhu waxa ay caddeeyeen in shimbiraha qaarkood ay leeyihiin awood arag oo ay bakhtiga ka halacsan karaan meel halka ay taagan tahay ka sarraysa illaa 2 kun oo mitir, ogxaanta geedka saaranna iyada oo caleenta ku dhex jirta ayaa ay arkaan, halka shimbiraha qaarna iyaga oo figta sare ka taagan buur dheer ay haddana awood u leeyihiin in ay arkaan kalluunka biyaha hoostooda ku jira.

Geed dad cun ah: Jasiiradda Madagascar waxaa ka baxa geed dadka cuna. Geedkani waxa uu aad ugu eegyahay geedka afka qalaad lagu yidhaahdo Pine ka oo laga sameeyo qoriga iyo qalabka guryaha la dhigo. Waana geed aad u weyn oo leh caleen aad u waaweyn oo darafyada ku leh wax u eeg ilko oo af badan, sida ilkaha dugaagga. Ubaxiisuna waxa uu u eeg yahay koobka wax lagu cabbo. Arrinta yaabka lihi waxa ay tahay in qof kasta oo geedkan u dhowaadaa uu markaba miyir beelo, kadibna haddii uu ku dhaco meel caleenta geedku ka gaadhayso inta ay ku soo ururto ayaa ay jidhkiisa oo dhan dabooshaa oo ay jidhkiisa dhaawacyo u geysataa.

Mar kale iyo Kaneecada: Sayniyahannada casriga ahi waxa ay sheegeen in baadhitaanno la sameeyey lagu ogaaday in kaneecada dhabarkeeda ay ku nool yihiin xasharaad aad u yaryar oo isha oo aan isha oo keliya lagu arki karin. Culimo badan ayaana aaminsan in natiijada baadhistani aanay wax cusub keenin, maadaama oo uu Alle (SWT) hore Qur’aanka Kariimka ah ugu sheegay aayad macnaheedu noqonayo, “Alle kama xishoodo in uu tusaale u soo  qaato kaneeco iyo waxa ka sarreeya” oo ay leeyihiin waxaa ka sarreeyaa waa waxa ay daraasaddani ka hadlayso.

Ayaxa: Sida la ogyahay Ayaxu waxa uu ka mid yahay xayawaannada geeddi u joogga ah, oo mar kasta u safra dunida dhinaceeda barwaaqada ah si aanu gu’ mooyee jilaal u arkin. Haddaba, maadaama oo ay dunidu u badan tahay biyo, marka uu guurayo waxa uu si dul haadaa badaha waaweyn iyo dhul biyo fadhiyaan oo badan, arrintani waxa ay ku kalliftaa in mararka qaarkood ay ku dheeraato masaafadda biyaha ah ee uu dul marayaa.

Markan oo kale ayaxu waxa uu isticmaalaa farsamo mucjiso ah: Laba laba ayaa uu isu kaashadaa, oo marba mid ayaa duula kan kalana lugaha inta uu qabsado ayaa uu ka hoos laalaadaa, cabbaar kadib ayuu sii daayaa oo uu isaguna markiisa duulaa si kii uu markii hore haystay isna markiisa lugaha u qabsado inta uu nasanayo.

Arrinta kale ee yaabka lihi waxa ay tahay in marka kuwa socodka dhamaysan kari waaya ama xaalad awood darro oo kedis ahi ku timaaddaa ay ku dhacaan biyaha uu ayaxu dul marayo in uu ayaxaa biyaha ku dhacay isugu soo ururo qaab u eeg sagxad biyaha dul sabbanaysa. Ayaxa kale ee badqaba ayaa inta uu biyaha ku soo dego waxa uu cabbaar dul fadhiistaa bakhtiga kii ka daatay ee biyaha dul sabbaynaya si uu cabbaar ugu dul nasto kadibna mar kale duulistiisa sii ambaqaado.

Mucjisooyinka kale ee Ayaxa waxaa ka mid ah in cuntada xabadda ayaxa ahi halka mar cunto ee caleenta dhirta ahi ay culays ahaan 200 oo jeer ka badan tahay miisaankiisa dabiiciga ah. La soco…