In Aad Shaqada Ku Magaagtaa Waa Bilowga Guuldarrada Shaqadaada, Iyo Caafimaadka Jidhka Iyo Dhimibirka

0
285

Hargeysa (Geeska)- Balwadda shaqo jacaylka ama aynu odhan karno shaqo ku magaaggu waa cudur casriga maanta aad u badan oo sababihiisa ay ka mid yihiin taleefannada, kombiyuutarrada iyo qalabka la midka ah ee casriga ah oo qofka meel kasta u raacaya. Sidaa awgeed keena in goor kasta iyo goob kasta oo uu joogaba uu sii wado shaqada, taas oo haddii ay dhacdo.

Qalabkani waxa uu keenay in qofku uu waayo waqtigii uu firaaqada u heli lahaa, dad badanna waxa uu ku abuuray in si wararka shaqada ku baaqata maalintii ay isaga reebaan ay maalmaha iyo saacadaha fasaxa ka shaqeeyaan. Dhibtaada ugu horreysa ee ka dhalataana waa in qofka ay ku adkaato in uu firaaqo ku filan u helo galaangalka bulsho ee shaqada ka baxsan iyo in uu waqti fiican la qaato qoyskiisa, waalidkii, ehelka iyo asxaabta.

Shaqadu sida ay ahaan jirtay iyo sida ay maanta tahay

Waxaa adduunka soo maray waqti shaqadu ay ku koobnayd dadka saboolka ah, iyo dadka waxbartay, laakiin sida lagu sheegayo warbixin lagu daabacay shabakadda Aljazeera afartankii sano ee u dambeeyey, dadkii qaninga ahaana waxa ay bilaabeen in a yshaqeeyaan. In ay nolol raaxo leh oo bilaash ah qaataan waxa kala qurux badnaatay in ay shaqeeyaan oo saacado badan ay ku qaataan xafiisyo iyo ballamo shaqo. Baraha bulshada ee xidhiidhkoodu sida xawaaraha sare ah ugu sii badanayo bulshooyinka caalamkuna waa ka qayb oo qof kastaa halkii in uu lacag leeyahay uun la ogaan lahaa, waxa uu ka jecelyahay in adduunka oo dhami isu sheego shaqada uu qabtay iyo guusha uu ka gaadhay.

Marka dunida dhaqaalaheedu kobcay ama koboca fiican samaynayo la eegana waxa uu xaalku marayaa in su’aal la iska weydiiyo sababta dadka maantu shaqada u jecelyihiin ma mushahar in ay helaan baa mise waa xaalad nafsi ah oo ay naftooda kalsooni ugu raadinayaan?

Waa run in baahida iyo saboolnimadu ay in badan ku qasbayso in ay bariiskooda xoogsadaan, laakiin waxaa maanta soo badanaysa jawaabta kale ee iyaduna ah in dad badani ay uba shaqeeyaan in ay naftooda kalsooni ku beeraan ama kalsoonida naftooda xoojiyaan oo keliya, waana taas dambe ta sababta in qofku uu shaqada ku mamo, oo waqtigiisa oo dhan uu siiyo isaga oo haddana ku raaxaysanaya.

Calaamadaha muujinaya in qofku shaqadu balwad u noqotay

In badan ayaa laga hadlaa in shaqada badan ee dheeraadka ahi u fiicnayn caafimaadka jidhka, maskaxda iyo niyadda qofka midna. Laakiin bal aynu is weydiinno goorma ayaa uu qofku garan karaa in shaqada uu u qabanayo si balwad ka noqotay?

Sababta ay su’aashani u muhiim tahayna waa in aan la isku qaldin qofka shaqada si dhab ah u qabsanaya iyo qofka shaqadu balwadda u noqotay. Sida uu ku warramayo warsidaha Forbes Cilmibaadhayaal u dhashay dalka Norway oo ka tirsan waaxda cilminafsiga iyo culuumta bulshada ee jaamacadda Bergen ayaa waqti badan geliyey in ay helaan calaamado lagu kala garan karo shaqo wanaagga iyo shaqo balwad ka dhigashada. Calaamadahaas uu qofku ku aqoonsan karo in xaaladdiisa shaqo balwad tahay waxaa ka mid ah:

  1. Qof kasta oo qawadsan saacadaha uu shaqeeyo, waqti dheeraad ah in uu helana ka fikira.
  2. Qofka oo shaqada maalintii ku qaata waqti ka badan intii uu marka hore qorshaystay ama qorshuhu ahaa.
  3. Qofka u shaqaynaya in uu naftiisa ka bogsiiyo daren ay qabto oo ah in uu shaqadiisa gaabis ku jiro. Qofka oo iska daweynaya denbi ama warwar ay naftiisa ku hayso shaqada oo uu u arko in intii loo baahnaa anau qaban.
  4. Marka aad qoyskaaga, saaxiibbadaa iyo dadka kaa agdhow ka maqasho talooyin ay kugu siinayaan in aad yarayso saacadaha aad shaqayso ama kuu sheegaya in shaqadu kugu badan tahay.
  5. Marka aad aragto xaaladda caafimaad ee kugu timaadda iyo waqtiga aad la qaadan lahayd qoyskaaga iyo asxaabtaadu ama fasaxa aad geli lahayd uu kugu abuurayo cadho iyo diiqad ama warwar shaqada la xidhiidha.
  6. Marka aad waqti u weydo jimicsiga, daawashada, dhegeysiga ama kulamada asxaabta.
  7. Marka aad ogaato in shaqadu culays badan iyo raad taban ku keenayso caafimaadkaaga.

Haddii aad isku aragto afar ka mid ah calaamadaha aynu kor ku xusdnay ama ka badan, waxa aad ogaataa in shaqadu ay balwad xun kugu noqotay.

Haddii aad rabto in aan niyadda kuu dhiso, waxa aad ogaataa in xaaladdan aanad keli ku ahayn oo ay kula qabaan boqolkiiba 10 dadka adduunka ka mid ah. laakiin haddii aad rabto in runta aan kuu sheego waa in adiga iyo boqolkiiba tobankaasiba aad u baahan tihiin in aad xal dhaqso ah heshaan si aad isaga ilaalisaan in xaaladdani halis geliso caafimaadkiina iyo awoodda waxsoosaarkiina.

Khatarta ay leedahay balwaddani

Waa hubaal in qofka xaaladdan ku jiraa uu dareemo farxad dhinaca shaqada ah, waayo waxa uu arkaa waxsoosaarkisia badan iyo sida ay shaqadiisu u fiican tahay. ama waxa uu ogyahay in uu qabto hawl ka badan intii laga rabay. Laakiin marnaba nafta ha u sheegin beenta ah in aad guul ku gaadhayso jidkan aad hayso.

Cilmibaadhis ay sannadkii 2013 kii samaysay jaamacadda gobalka Kansas ee dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in dadka toddobaadkii shaqeeya wax ka badan 50 saacadood ay u dhowdahay in ay dhibaato soo gaadho caafimaadka jidhka iyo ka dhimirka labadaba.

Awoodis la’aantaada kala saarista shaqada iyo waqtiyada firaaqada aad leedahay waxa ay xaqiijinaysaa in waxsoosaarkaagu badan yahay iyo in aad qayrkaa ka duwan tahay, laakiin waxaa aad ogaataa in wax-soo-saarkaasi uu si tartiib ah hoos ugu dhici doono, haddii xaalku sidaas ku sii socdana ay ugu dambayn xaaladdu burbur iyo wax soo saar la’aan ku dambaynayso. Sababtuna waa raadka ka dhalanaya shaqadan culus ayaa qofka oo aan dareensanayn si sibiq ah maalinba maalinta ka dambaysa culayskiisu ku ururayo maskaxda iyo jidhka qofka ugu dambayntana keenaysa caafimaad darro iyo xitaa in qofku cimri degdeg ama dhimasho kedis ah.

Naftaada u tudh

Waxa ay cilmibaadhayaashu ku talinayaan daweynta dadka shaqadu balwadda ku noqotay loola dhaqmo sida dadka balwadda maandooriyaha leh. Weliba dhibtu ay tahay in daweynta balwadda shaqadu aanay ahayn arrin cilmi ahaan hore loo daraaseeyey ama leh calaamado cad oo uu dhakhtarka nafsiga ahi ku garan karo in qofkaas ay hayso.

Hay’adda caafimaadka adduunka u qaabilsan Qaramada midoobeyna waxa ay dhowaan go’aamisay in burburka iyo daalka nafsiga ah loo aqoonsado xaalad caafimaad. Mar hadday sidaas tahayna waxaa kugu waajib ah in aad marka hore naftaada u tudho, marka labaadna haddii aad xaaladdan isku aragto aad dawo raadsato.

Haddii aad xaaladdan isku aragto, raadso xeeldheere cilminafsi oo ku dabiiba, doono tababare kugu carbiya habka ugu fiican ee aad saacadaha shaqada ee caadiga ah ku qaban karto hawlaha ugu badan ee suurtagalka ah, firaaqadaadana nasasho qaadato. Qaado fasaxyo marmarka qaarkood waqti dheer ah, bilow in aad ka shaqayso sidii aad naftaada dib ugu soo celin lahayd xayndaabkii bulsho iyo xidhiidhkii qoyskaaga.

Dawo

Dawada ugu horreysa ee xaaladdan lagu dabiibi karaa waa in aad si ku talagal ah naftaada ugu beertaad areen ah in culays shaqo oo badani saaran yahay, waqti inta caadiga ah ka badanna aad shaqayso, sidaa awgeed ay waajib tahay in aad dib u sixid badan samayso.

Waa in aad dib u eegto xaqiiqada dhaawaca caafimaad ee ay arrintani naftaada ku keeni karto iyo dhibaatada ay ku hayso qoyskaaga iyo ubadkaaga. Waayo koritaanka ubadkaaga iyo barbaarintoodu sida ay ugu baahan tahay lacagta aad shaqayso si la mid ah ayaa ay ugu baahan yihiin waqi la qaadashadaada, taladaadaada iyo in aad kaalin la taaban karo ku yeelato noloshooda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.