Togdheer: Rabshado Aroos Ka Dhacay Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac

0
672

Hargeysa (Geeska)-Badhasaabka Gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi, ayaa ka hadlay dagaalka ka dhacay deegaanka Waraabeeye ee Degmada Duruqsi ee Gobolka Togdheer, oo uu ku dhintay hal qof, halka saddex qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, waxaanu sheegay in dagaalkani uu ku yimid rabshado ka bilaabay aroos ka dhacay Deegaankaas.

Badhasaabka Gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi, oo Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey qaabka ay wax u dhaceen iyo sababta keentay dagaalkan dhimashada iyo dhaawaca keenay ayaa ugu horeyn ku jawaabay “Aroos ka dhacay xalay (habeen hore), Waraabeeye, ayaa rabshado ka dhacay ayaa isku rogay in dagaal halkaas ka dhaco, waxaana la dilay oo halkaas ku dhintay hal qof, saddex qof oo kalena wey ku dhaawacmeen, dhammaana afartan qof waa wada rag, waxaana anigu amray in meydka iyo saddex qof ee dhaawacmay la keeno Burco, waana la keenay, imikana xaaladu wey degan tahay, waxaana dadka leeyahay is dajiya, Xukuumadduna waajibkeeda wey gudanaysaa, waxan dhacayna inkasta oo aynu shaydaanku ku lug lahaa, haddana wax qoran oo ALLE qadaray ayey ahaayeen, ALLENA qofkaas dhintay ha u naxariisto, saddexda qof ee kalena ee dhaawacana caafmaad ha siiyo”

Guddoomiyaha Degmada Duruqsi Axmed Cabdilaahi Cabdi Gaabyoone, oo isna aanu wax ka weydiinay dagaalkan dhacay, ayaa isagoo ku sugan Wareebeeye ayaa yidhi “Hadda waxaan ku sugan nahay Waraabeeye, gaar ahaan halkii dhibaatadu ka dhacday, dadkii ku dhaawacmay iyo qofkii ku dhintayba Badhasaabka ayaa markiiba amray in la geeyo Magaalada Burco, waana la soo qaaday,  Ciidamaduna wey ku daba jiraan gacan ku dhiiglihii xabada furay, sida ugu dhakhsaha badana gacanta waa loogu soo dhigi doona, ee Dadku yaanay talaabo kale oo khaldan qaadin, oo Xukuumaddooda ha uga dambeeyaan wax walba”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here