Guddoomiyaha Golaha Guurtida Oo Madaxweyne Biixi U Gudbiyay Bedelka Xubintii Komishanka Ee Hore Loo Soo Celiyay

0
1049

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan, ayaa Madaxweyne Biixi shalay u gudbiyay xubinta uu ugu tallo galay inay ka mid noqoto guddiga doorashooyinka qaranka.

Madaxweyne Biixi ayaa hore guddoomiyaha guurtida ugu soo celiyay Foosi Maxamed Faarax oo ka mid ahaa laba xubnood oo uu u gudbiyay Madaxweynaha si ay uga mid noqdaan guddiga doorashooyinka qaranka, waxaanay madaxtooyadu ka dalbatay golaha guurtida inay soo bedelaan xubintaas oo soo celintiisa sabab looga dhigay inuu ka tirsanaa xisbiga Waddani.

Haddaba, sida ay warar xogogaal ahi Geeska Afrika u xaqiijiyeen guddoomiyaha golaha guurtida Saleban Maxamuud Aadan ayaa shalay Madaxweyne Biixi u gudbiyay in Maxamuud Daahir Jaamac (Dhoodi) uu noqdo xubinta labaad ee guddiga doorashooyinka.

Mr. Dhoodi ayaa xilligii xukuumadii Siilaanyo wuxuu ahaa maareeye-xigeenka wakaaladda waddooyinka, Waxaanu dhawr goor warbaahinta ka soo muuqday isagoo eedaymo u jeedinaya xisbiyada mucaaradka, gaar ahaan hoggaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan.  Lama garan karo in Madaxweyne Biixi soo celin doono Mr. Dhoodi oo dabcan xil ka soo qabtay xukuumadaas hore ee xisbiga KULMIYE.

Labada xubnood ee ay guurtidu xushay  ayaa noqonaya Maxamuud Daahir Jaamac (Dhoodi) oo shalay la gudbiyay iyo Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil Dixood oo bishii hore ee September la gudbiyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here